Ma ogtahay waxyaalo asalkoodii Jannada si toos ah uga yimid?

  • Maqaamka Nabi Ibraahiim.

Maqaamka nabi Ibraahiim waa dhagaxii uu nabi Ibraahiim ku istaagi jiray markuu dhisayey Kacbada isaga iyo wiilkiisii nabi Ismaaciil, wuxuuna ka fiirin jiray in dhismaha Kacbadu isku simantahay, halka nabi Ismaaciilna uu dhagxaanta kasoo qaadi jiray. Waxaana lafaray muslimiinta inay maqaamkaas ka yeeshaan masjid. Allah wuxuu dhahay;

وَاتَّخِذُوا مِن مَّقَامِ إِبْرَاهِيمَ مُصَلًّى ۖ

..kana yeesha Maqaamka Ibrahim meel lagu tukado.. [Albaqara:125]

Waxa kale oo uu nabigu laga wariyey xadiiskan:

عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عَمْرٍو يَقُولُ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ إِنَّ الرُّكْنَ وَالْمَقَامَ يَاقُوتَتَانِ مِنْ يَاقُوتِ الْجَنَّةِ طَمَسَ اللَّهُ نُورَهُمَا وَلَوْ لَمْ يَطْمِسْ نُورَهُمَا لَأَضَاءَتَا مَا بَيْنَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ [سنن الترمذي » كتاب الحج عن رسول الله صلى الله عليه وسلم »]

Cabdilaahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu yidhi; waxaan maqlay rasuulkii Allah (scw) oo leh: dhagax rukniga (xajarulaswadka) iyo maqaamka ibraahiim waa lab Yaaquut (macdano) kamida yaaquutyada Jannada, ilaahay ayaa damiyey nuurkoodii, hadaan ladamin lahayn nuurkooda waxay ifin lahaayeen inta u dhaxaysa bari iyo galbeed.

  • Timirta Cajwah

Timirta loo yaqaano tamr alcajwa waxay ka baxdaa oo kaliya magaalada barakaysan ee Madiina, waxayna leedahay faa’idooyin farabadan ayadoo dadka ka ilaalisa sunta iyo sixirkaba, wuxuuna dhahay rasuulkii Ilaahay:

مَنْ تَصَبَّحَ سَبْعَ تَمَرَاتٍ عَجْوَةً لَمْ يَضُرَّهُ ذَلِكَ الْيَوْمَ سُمٌّ وَلا سِحْرٌ

Cidii ku waabariisata (ku quraacata) todoba timirood oo Cajwada ah, ma dhibo maalintaas sun iyo sixir toona. [Bukhaari]

Waxaana la ogaaday dhowaan in timirtani ay jidhka bani aadamka ku abuurto xayndaar aan la arkayn oo ah electromagnetic, taasoo dadka ka ilaalisa jinka, isha, sixirka, xasadka iwm. wuxuna nabigu yidhi;

عن أبي هريرة قال النبي صلى الله عليه وسلم :العجوة من الجنة وهي شفاء من السم

Abuhurayra wuxuu nabiga ka wariyey inuu dhahay; Timirta Alcajwah waxay katimid Jannada waxayna dawo ka tahay sunta. [Sunan tirmadi]

  • Dhagaxa Madow

Xajarka madow oo ah meesha laga bilaabo dawaafka laguna dhameeyo ayaa isaguna kayimid xaga Jannada, oo markii nabi Ibraahiim uu kacbada dhisayey ayuu waayey dhagax uu galiyo meeshaas banaanaatay markaasuu wiilkiisii nabi Ismaaciil diray si uu usoo baadho dhagax ku haboon meeshaas hase ahaatee waxa soo dagay malakul Jibriil oo sida dhagaxn. Wuxuuna dhahay nabigu:

عن ابن عباس قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم نزل الحجر الأسود من الجنة وهو أشد بياضا من اللبن فسودته خطايا بني

Ibnu Cabbaas wuxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: Dhagaxa madow wuxuu kasoo dagay xaga Jannada, isagoo ka cad caana, waxaana madoobeeyey danbiyada Dadka. [Tirmadi ayaa saxiixiyey]

  • Wabiga Naylka

Wabiga naylka oo ah wabiga ugu dheer Aduunka wuxuu kasoo rogmadaa qaarada Afrika, isagoo ukala baxa laba qaybood, naylka cad iyo naylka buluuga ah. Naylka cad wuxuu kasoo bilaabmaa badhtamaha qaarada Afrika gaar ahaan koonfurta wadanka Ruwanda, wuxuuna soo maraa waqooyiga Tanzania isagoo ku shuba biyaha harada Fiktooriya, kan kalena wuxuu ka bilaabmaa harada Taana ee Itoobiya ayagoo labadooduba ku kulma caasimada Suudaan ee Kharduum. Wabiganina wuxuu asalkiisu ka yimid xaga Jannada,  Wuxuuna nabigu ku arkay habeenkii la dheelmiyey Sidratulmuntahaa afar wabi oo laban qarsoonyihiin laba kalena muuqdaan, waxaanu

وإذا أربعة أنهار نهران باطنان ونهران ظاهران فقلت ما هذان يا جبريل قال أما الباطنان فنهران في الجنة وأما الظاهران فالنيل والفرات

mise waa afar wabiyaal, laba ay qarsoonyihiin laba kalena ay muuqdaan, waxaan idhi Jibriiloow, maxay yihiin labadani? wuxuu yidhi; labada qarsooni waa laba wabi oo Jannada ah, labada muuqdana waa naylka iyo wabiga Furaat. [Bukhaari]