Tusmo

Ma ogtahay camalo yar oo fudud ayna kuugu sallinayso malaa’ikta?

Salaada Jamaacada ood ku sugtid Masaajidka:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الْمَلَائِكَةُ تُصَلِّي عَلَى أَحَدِكُمْ مَا دَامَ فِي مُصَلَّاهُ الَّذِي صَلَّى فِيهِ مَا لَمْ يُحْدِثْ تَقُولُ اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ اللَّهُمَّ ارْحَمْهُ
Abuhurayra waxa laga wariyey inuu ka wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: Malaa’iktu waxay ku sallidaa midkiin haduu joogo meeshuu ku tukaday hadii aanay waysadu ka jabin, waxay dhahaysaa: Ilaahayow u danbi dhaaf, ilaahayoow u naxariiso. Bukhaari

Safka hore ee salaada:

إن الله وملائكته يصلون على الصفوف المتقدمة
Baraa ibnu Caazib wuxuu rasuulka ka wariyey inuu yidhi; Ilaahay iyo malaa’iktiisu haku salliyaan safafka hore. (Abudaawuud, Nisaa’i)

Ardayga baranaya cilmiga:

مَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَبْتَغِي فِيهِ عِلْمًا سَلَكَ اللَّهُ بِهِ طَرِيقًا إِلَى الْجَنَّةِ ، وَإِنَّ الْمَلَائِكَةَ لَتَضَعُ أَجْنِحَتَهَا رِضَاءً لِطَالِبِ الْعِلْمِ ،
Rasuulku wuxuu yidhi; cidii marta jid uu ku dalbanayo cilmi, wuxuu Allah mariyaa jid gaynaya Jannada, malaa’iktuna waxay saartaa baalashooda ayagoo raali ka ah dalbashada cilmiga. (tirmadi)

mucalinka dadka bara khayrka:

إن الله وملائكته وأهل السموات والأرضين حتى النملة في جحرها وحتى الحوت ليصلون على معلم الناس الخير 
Abu umaama albaahili wuxuu nabiga ka wariyey inuu dhahay; Ilaahay iyo malaa’ikta, ehelka samooyinka iyo dhulalka, xitaa qudhaanjada godkeeda ku jirta iyo xuutkuba waxay ku salliyaan macalinka dadka bara khayrka. (sunan tirmadi)

Dadka suxuurta:

إن الله عز وجل وملائكته يصلون على المتسحرين
Abusaciid alkhudriyy wuxuu ka wariyey rasuulka inuu yidhi; Ilaahay (swt) iyo malaa’iktiisu waxay ku sallidaa dadka suxuurta. (imaam axmed)

cidii ku sallida naiga (scw):

مَا مِنْ عَبْدٍ يُصَلِّي عَلَيَّ إِلا صَلَّتْ عَلَيْهِ الْمَلائِكَةُ مَا صَلَّى عَلَيَّ ، فَلْيُقِلَّ مِنْ ذَلِكَ أَوْ لِيُكْثِرْ
nabigu wuxuu yidi; adoon iguma salliyo haduuba igu salliyaba waxa ku salliya malaa’ikta intuu igu sallinayo, ha yaraysto ama ha badsado. (imaam axmed, ibnu maajah)

cidii booqata ruux muslima:

ما من مسلم يعود مسلما غدوة إلا صلى عليه سبعون ألف ملك حتى يمسي وإن عاده عشية إلا صلى عليه سبعون ألف ملك حتى يصبح وكان له خريف في الجنة 
Cali ibnu abudaalib wuxuu kawariyey nabiga inuu dhahay: ruux muslima ma soo booqdo ruux kale oo muslima (buka) xilliga barqada haduuba booqdaba waxa ku sallinaysa todobaatan kun oo malag ilaa intuu ka galabaysanayo, haduu galinka danbe booqdana waxa ku sallinaya todobaatan kun oo malag ilaa intuu ka waabariisanayo, waxaana ugu sugnaaday jannada beer wayn oo midho leh. ( tirmadi)