Ma ogtahay walaalka muslimka ahow in ay jirto waxyaalo hadaad samayso kuu shafeeco qaadaya maalinta qayaame, bal aynu barano waxyaalahaas si aan ugu dadaalno.

Qodobka koowaad:- Xajarulaswadka ama dhagaxa madow ood salaanto ama dhunkato.

Wuxuu Nabigu ka warramaya in dhagaxa madow ee Kacbadu lasoo saari doono isagoo indho leh, oo carrab uu ku hadlana leh, wuxuuna dhahay nabigu sidan:-

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي الْحَجَرِ وَاللَّهِ لَيَبْعَثَنَّهُ اللَّهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ لَهُ عَيْنَانِ يُبْصِرُ بِهِمَا وَلِسَانٌ يَنْطِقُ بِهِ يَشْهَدُ عَلَى مَنْ اسْتَلَمَهُ

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu ka dhahay dhagaxa madow, Ilaahbaan ku dhaartee wuxuu Allah soo saaraya maalinta qayaame isagoo leh laba indhood oo wax ku fiirinayo, iyo carrab uu ku hadlayo, uuna u markhaati kacayo cidii salaanta (dhunkata). [Soo saaray Tirmadi]

Waxyaalaha cajiibka ah ee dhagaxa madow ku sifaysanyahayna waxa kamid ah inuu ahaa dhagax cad oo Ilaahay ilayskiisii damiyey, lana dhaho danbiyada dadka ayaa madoobeeyey. Waxa kale oo mucjiso ah in Dhagxaas oo laga keenay Jannada ay salaamaan sanadkii Malaayiin Muslimiin ah hadana aanay xanuun iyo cudurna ku kala qaadin halka dhagaxaanta caadiga ah hadii dadbadan taabtaan ay ka noqdaan walax gudbisa cudurada iwm.

Qodobka labaad:– isku day inaad daganaato ood ku dhimato magaalada Madiina.

عَنْ ابْنِ عُمَرَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ اسْتَطَاعَ أَنْ يَمُوتَ بِالْمَدِينَةِ فَلْيَمُتْ بِهَا فَإِنِّي أَشْفَعُ لِمَنْ يَمُوتُ بِهَا

Ibnu Cumar waxa laga wariyey inuu Rasuulku dhahay: kiina awooda inuu ku dhinto Madiina haku dhinto maxaa yeelay waan u shafeeco qaadayaa cidii ku dhimata. [soo saaray Tirmadi]

Qodobka Sadexaad;- Ducada dadka Carafo taagan.

Ilaahay wuxuu dhahayaa maalinta Carafo ee buurta la taaganyahay:-

أَفِيضُوا عِبَادِي مَغْفُورًا لَكُمْ ، وَلِمَنْ شَفَعْتُمْ لَهُ

ka gaddooma oo taga Adoomadaydoow idinkoo laydiin danbi dhaafay idinka iyo cidaad u shafeeco qaadaan. [Soo saaray Tamhiidka Cabdibarri]

Qodobka afaraad: Ruuxa dhintay oo boqol qof ku tukatay.

عَنْ عَائِشَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَا مِنْ مَيِّتٍ تُصَلِّي عَلَيْهِ أُمَّةٌ مِنْ الْمُسْلِمِينَ يَبْلُغُونَ مِائَةً كُلُّهُمْ يَشْفَعُونَ لَهُ إِلَّا شُفِّعُوا فِيهِ

Caasha waxay ka warisay nabiga (n.n.k.h) inuu yidhi; ma jiro mayd ay ku tukadaan koox muslimiina oo ay gaadhayaan Boqol oo kulligoodna ay u shafeeco qaadayaan way u shafeeco qaadaan. [Muslim 947]

Qodobka Shanaad: Badso salaadaha Sunaha ah waxa kuu shafeeco qaadaya Nabige.

أَسْأَلُكَ مُرَافَقَتَكَ فِي الْجَنَّةِ ؟ قَالَ : أَوْ غَيْرَ ذَلِكَ ، قُلْتُ : هُوَ ذَاكَ ، قَالَ : فَأَعِنِّي عَلَى نَفْسِكَ ، بِكَثْرَةِ السُّجُودِ

Rabiica ibnu Kacab wuxuu yidhi; Rasuul Allow waxaan ku waydiisanayaa inaan kugula rafiiqo Jannad? wuxuu yidhi; waxaan intaas ahayn, wuxuu yidhi; waa taas un, wuxuu dhahay: Iigu kaalmee naftaada sujuuda badan. [Soo saaray Muslim]

Qodobka Lixaad:- Akhrinta Quraanka, gaar ahaan suurada Albaqara iyo Alcimraan

حَدَّثَنِي أَبُو أُمَامَةَ الْبَاهِلِيُّ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ اقْرَءُوا الْقُرْآنَ فَإِنَّهُ يَأْتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ شَفِيعًا لِأَصْحَابِهِ اقْرَءُوا الزَّهْرَاوَيْنِ الْبَقَرَةَ وَسُورَةَ آلِ عِمْرَانَ فَإِنَّهُمَا تَأْتِيَانِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ كَأَنَّهُمَا غَمَامَتَانِ أَوْ كَأَنَّهُمَا غَيَايَتَانِ أَوْ كَأَنَّهُمَا فِرْقَانِ مِنْ طَيْرٍ صَوَافَّ تُحَاجَّانِ عَنْ أَصْحَابِهِمَا..

Abu umaama Albaahili wuxuu yidhi; waxaan maqlay Rasuulkii Allah oo leh: Akhriya Quraanka maxaa yeelay wuxuu imanayaa maalinta Qayaame isagoo u shafeecaya asxaabtiisa, akhriya labada nuura Albaqara iyo Alcimraan, maxaa yeelay waxay imanayaan maalinta Qayaame ayagoo la moodo daruur ama laba kooxood oo shinbiro ah oo safan una doodaya asxaabtooda.. [Soo saaray Muslim]

Qodobka todobaad: Suurada Tabaarik ama Mulki oo shafeeco qaadaysa,

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ سُورَةٌ مِنْ الْقُرْآنِ ثَلَاثُونَ آيَةً تَشْفَعُ لِصَاحِبِهَا حَتَّى يُغْفَرَ لَهُ تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ

Abuhurayra wuxuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi; Suurad Quraanka kamida oo ah sodon aayadood waxay u shafeeco qaadaa saaxiibkeeda illamaayo loo danbi dhaafo waa… tabaarak,, [Soo saaray Abudaawuud 1400]

Qodobka Sideedaad: Soonku wuu ku shafeeco qaadayaa.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو ، أَنّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، قَالَ : ” الصِّيَامُ وَالْقُرْآنُ يَشْفَعَانِ لِلْعَبْدِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ

Cabdilaahi ibnu Camru wuxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu yidhi; Soomka iyo Quraankuba way u shafeeco qaadaan maalinta qayaame.. [Musnadka Imaam Axmed 6447]

Qodobka Sagaalaad: Ducada adinka ka danbaysa.

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ قَالَ حِينَ يَسْمَعُ النِّدَاءَ اللَّهُمَّ رَبَّ هَذِهِ الدَّعْوَةِ التَّامَّةِ وَالصَّلَاةِ الْقَائِمَةِ آتِ مُحَمَّدًا الْوَسِيلَةَ وَالْفَضِيلَةَ وَابْعَثْهُ مَقَامًا مَحْمُودًا الَّذِي وَعَدْتَهُ حَلَّتْ لَهُ شَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ

Jaabir ibnu Cabdilaahi wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay (N.N.K.H) inuu dhahay: cidii tidhaahda markuu maqlayo aadaanka …ducada adaanka kadibb.. waxa u xalaaloobay shafaacadayda maalinta Qayaame. [Bukhaari, 589]