Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee Ilaahay raali uga noqday bani aadamku inay diin ka yeeshaan, hase ahaatee dadka badankoodu ma oga ama maba dareensana in diinta Islaamku tahay diinta kaliya ee lagu badbaadayo Aduun iyo Aakhiraba. Diinta Islaamka oo lagu hayo weeraro aad u ba’an ayaa hadana ah diinta ugu faafinta badan Caalamka, waxaana soo islaama sanadkasta malaayiin qof oo qaabab kala duwan kusoo hanuuna,  Ilaahayna subxaanahu hadii uu doono inuu cid soo hanuuniyo wuxuu fahansiiyaa diinta Islaamka.

Dadka Allah soo hanuuniyeyna waxa kamid ah ninkii lataliyaha u ahaa madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Richard Nixon. Ninkan waxa la dhahaa Dr Robert Crane, wuxuu ku dhashay magaalada Cambridge ee dalka Maraykanka, wuxuuna wax ku bartay jaamicada Harvard University, isagoo ku takhasusay qawaaniinta guud iyo xeerarka caalamiga ah.

Sanadkii 1963 kii ayaa loo doortay inuu noqdo lataliyaha dhanka arrimaha dibadda ee madaxweynahii Maraykanka ee Nixon. Sanadkii 1969 kiina waxa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka golaha amaan ee aqalka cad ee Maraykanka. Dr Robert Crane wuxuu mudo ka shaqeeyey dalka Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa safiirkii dalka Maraykanka u fadhiyey wadanka Imaaraatka Carabta.

Intuu shqadaas ku gudo jiray  wuxuu aad u daneeyey diraasaadka Islaamka isagoo ka qaybgalay dhawr shirar oo lagaga hadlayey Islaamka, wuxuuna halkaas kula kulmay Sheekh suudaaniya oo tukanayey Salaada, wuuna layaabay in qof bani aadam ah isu dulleeynayo cid kale, dabadeedna wuxuu bilaabay cilmi baadhisa ku aadan diinta Islaamka. Ugu danabyna wuxuu ku qancay inuu Islaamo, kadibna  wuxuu iska badalay magiciisii, isagoo la baxay Faaruuq Cabdilxaq.

Dr Faaruuq Cabdilxaq wuxuu qoray kutubo badan isagoo difaaca diinta Islaamka sidoo kalena dadka u sharraxa macnaha dhabta ah ee Islaamka, waxaana halkaas inooga cad in diintan Islaamku ay galayso guri kasta sidoo sheegay Rasuulkii Ilaahay (scw) : “Diintani waxay gaadhaysaa meesha ay habeenku gaadho iyo meesha maalin gaadhaba, Allahna kama tagayo guri baadiye iyo guri magaalaba haday jiraanba wuxuu galinayaa diintan, wuxuuna ku sharfayaa ku sharfan wuxuuna ku dulleynayaa ku dullaysan, sharf Alle ku sharfayo Islaamka iyo dullinimo Alle ku hoojinayo gaalada”