Qabaa’ilka Carabta iyo Deegaankooda:

Carab: Luuqad ahaan kalmada carab waxa weeye meesha saxaraha ah ee aan biyo iyo dhirtoona lahayn. Waxaana loogu yeedhaa Carab Jasiirada Carabta, maadaama ay tahay dhul saxara ah, sidoo kale dadka deegaankan dagan waxa loogu yeedhaa Carab.

Jasiirada Carbeed waxa xuduudka galbeed ka xiga Badda Cas, Barigana waxa ka xiga Gacanka Carabta iyo qayb ka tirsan dhulka Ciraaq. Koonfur waxa ka xiga Badda Carabta iyo Badwaynta Hindiya. Dhanka waqooyina waxa ka xiga dhulka Shaam (Urdun, Suuriya Falastiin) iyo Ciraaq. Badka Jasiirada Carabtu ku fadhido waxa lagu qiyaasaa hal milyan oo mayl laba jibaaran.

Jasiirada Carabtu waa dhul istaatijiyadeed oo waxa dhankasta ka xiga Saxare, taas oo keentay in ay Jasiiradu noqoto meel ka caagan dadka shisheeye, iyadoo waliba la jiiraan ahayd laba boqortooyo oo waaweyn waa Boqortooyadii Faaris iyo Boqortooyadii Roomaanka.

Dhanka kale Jasiirada Carabtu waa saldhig dhaqaale iyo ganacsi, waxaana usaamaxay arrintaas meesha ay ku taalo ayadoo darista sadexda qaaradood ee Afrika, Asiya iyo Yurub. Dhanka waqooyi galbeed waxay kala jaartahay qaarada Afirka, dhanka waqooyi barina waa marinka loo maro qaarada Yurub sidoo kale dhanka barina waxay daris kala tahay bariga dhexe, Urudn iyo marinka Hindiya.

sidaa darteed waxay Jasiiradu ahayd meel qaaradaha sadexda ahi ku kulmaan oo fikradaha, diimaha, ganasiga laysku dhaafsado.

Qabaa’ilka Carabta:-

Taariikhyahanadu waxay u qaybiyaan qabaa’ilka Carabta sadex qaybood.

  1. Carab tagtay: waa carabtii hore ee dabar go’ay sida qoomkii Caad, Thamuud, Jadiis Cimlaaq iwm.
  2. Carabta Caaribada: waa carabta kasoo jeeda Yacrub ibnu Yashjub waxaana loogu yeedhaa Qaxdaaniyiin.
  3. Carabta carabowday: waa carabta ku abtirsata Nabi Ismaaciil (N.N.K.H) waxa kale oo loogu yeedhaa carabta Cadnaaniya.

Carabta Caaribada; oo loo yaqaano Qaxdaaniyiin oo deegaankoodu yahay dhulka Yaman, waxay u kala baxaan qaybo badan balse waxa caan baxay oo kaliya labada qabiil ee Kahlaaniyiinta iyo Ximyariyiinta.

  1. Ximyariyiinta; waxaana ka mid ah Saydul jamhuur, Qudaaca iyo Sakaasik.
  2. Kahaalinyiinta; waxa ka mid ah Hamadaan, Anmaar, Day’, Madxaj, Kindah, Lakhm, Jadaam, Azdi, Aws iyo Khasraj.

Qabiilka Kahlaaniyiintu way ka qaxeen dhulka Yamen sababo la xiriira daadkii waynaa ee kusoo rogmaday xilligii uu dumay biyo xidheenkii Saba’ iyo Roomaanka oo la wareegay wado ganacsiyeedkii badda iyo gacan ku haynta Masar, sidoo kale waxa jiray loolan qabiileed oo ka dhexeeyey Kahlaaniyiinta iyo Ximayariyiinta. Waxaas oo dhan waxay keentay in qabiilooyinka Kahlaaniyiintu u qaxaan Jasiirada Carbeed.

 

Waxa loo qaybin karaa Qaxaas Afar qaybood.

 

1.  Azdiyiinta;

 

  1. waxa hogaaminayey madaxa qabiilkooda oo la dhaho Cimraan ibnu Camru. waxayna ka tageen Yamen ayagoo ku wajahan waqooyi. Cimraan ibnu Camru iyo ubadkiisiina waxay dageen Cumaan.
  2. Thaclaba ibnu Camru oo reer Azdiyiinta ah waxa uu deegaan ka yeeshay Xijaaz markii uu wiilkiisii Xaarisa ibnu Thaclaba waynaaday ayuu isaguna u kicitimay magaalada Madiina (Ysrib) waxaana ka mid ah dhashiisii labada qabiil ee waawayn waa Aws iyo Khasraj [waa qabiilkii Nabiga (N.N.K.H) u hiiliyey].
  3. Xaarisa ibnu Camru (Khusaaca) isna waxa uu ukacay Xijaaz gaar ahaan magaalada Makkah waxayna baro kiciyeen qabiilkii deganaa Makkah ee Jurhumiyiinta.
  4. Jafna ibnu Camru waxa uu isaguna u kacay dhulka Shaam oo isagana waxa ka farcamay qabiilkan loo yaqaan Qasaasinada ee reer Shaam.

 

1.  Lakhm iyo Jadaam ;

Waxay dageen mandaqada Xiira oo iminka ku taal dhulka Ciraaq gaar ahaa manqada Najaf waxayna dhisteen boqortooyo la dhaho boqortooyada Manaadira.

1. Day’

waxay u qaxeen waqooyi sidii Azdiyiinta waxayna dageen labada buureed ee la dhaho Ajaa iyo Salma, halkaasbayna deganaayeen ilaa buurahiina loogu yeedhay buuraha Day’.

1. Kindah

waxay dageen Baxrayn iyo Xadramowt ugu danbayn waxay deegaan ka yeesheen Najdi balse boqortooyadoodu may sii waarin.

Sidoo kale qabiil ka tirsan Ximyariyiintii waa (Qudaaca) ayaa ayaguna u qaxay agagaarka Ciraaq.

Carabta carabowday; waxay ku abtirsadaan Nabi Ibraahim (N.N.K.H), waxaanu isagu ku dhashay dhulka Ciraaq gaar ahaan mandaqad la dhaho (AR) kadibna waxa uu u hijrooday Xaraan (Xarraan) ugu danbayna Falastiin ayuu saldhig ka dhigtay. Nabi Ibraahiim iyo xaaskiisa waxay u socdaaleen Masar, balse Fircoonkii Masar ayaa dhagar u maleegay xaaskii Nabi Ibraahiim ee Saarah, hase ahaatee Eebe (S.W) ayaa ka koryeelay. Markuu arkay Fircoonkii Masar in  Saara tahay gabar Ilaahay ku xiran ayuu siiyey gabar uu dhalay si ay ugu adeegto, waa Haajara.

Haajara waxay guursatay Ibraahim waxayna u dhashay Ismaaciil, markaasbaa Saarah hinaastay kadibna Nabi Ibraahiim (N.N.K.H) waa kala raray labadiisii reer oo waxa uu geeyey Haajara iyo wiilkeedi Ismaaciil dhul lama degaan ah oo aan biyo iyo baadtoona lahaynwaa (Makah) kadibna inta uu dhigay ayuu iskaga tagay, markaasbay Haajra ka daba oroday ayadoo leh; Ibaraahiimow xagaad nagaga tagaysaa? ugu danbayn Haajara waxay waydiisay ma Ilaahbaa ku amray inaad halkan na dhigto ood nagaga tagto? markaasu Ibraahim yidhi; Haa.

Haajara oo mu’minad ahayd waxay tidhi hadaa Ilaahay nama dayaco. Kadibna Haajara waxay heshay biyihii Zamzamka, waxaana u yimid qabiilka Jurxum oo reer Yamen ahaa kuwaas oo agagaarka magaalada Makah marayey kadibna waxay u ballan qaadeen Haajara iyo wiilkeedaba inay cunto siin doonaan hadii ay u ogolaato ceelka biyaha.

Nabi Ibraahiim waxa uu soo booqan jiray reerkiisa balse taariikdu waxay tibaaxdaa afar jeer oo kaliya. Sida Allah (S.W) quraankiisa kaga waramay Nabi Ibraahiim ayaa riyo ku arkay in uu gawraco wiilkiisa Ismaaciil, kadibna waxa dhacday qisada caanka ah ee Allah ku fideeyey Ismaaciil wan wayn.

Yahuuda sheegata in wiilka la gawracay ahaa Isxaaq wax ka jiraa ma jiraan, sababtoo Kitaabka Bilowgii waxa kusoo arooray in Ismaaciil uu ka waynaa Isxaaq 13 sano sidoo kalena Quraanka ayey ku cadahay in Ismaaciil ahaa wiilkii la gawracy.

waxa kale oo jiray sadex safar oo uu Nabi Ibraahiim ku yimi Makah. Sida la ogyahayna Ismaaciil (N.N.K.H) waxa uu Af carabida ka bartay qabiilka Juxum waanu ka guursaday, hooyadiina waa la oofsaday. Markaa waxa soo booqday aabihii Ibraahim waxaanu helay xaaskiisii waanu waraysatay oo waxay ka cabatay saygeedii Ismaaciil markaasu Ibraahim ku yidhi; (Ismaaciil ku dheh badal Kaabada gurigaaga).

Ismaaciilna wuu fahmay oo waxa uu furay xaaskiisii, waxaanu guursaday gabar uu dhalay sayidkii

Jurhum (Madaad ibnu Camru). Nabi Ibraahiimna mar kale ayuu yimi oo waxa uu faray xaaskii Ismaaciil inay ku dhahdo Ismaaciil Adkee kaabadaada, Ismaaciilna waa fahmay in aabihii farayo inuu dhawro xaaskiisa. Marka kale ayuu Nabi Ibraahiim yimi waxayna ahayd markay isaga iyo wiilkiisu dhiseen Kacbada.

 

Ismaaciil waxa loo dhalay laba iyo toban wiil oo kala aha (Naabit, Banaaluut, Qaydaar, Adbaa’iil, Mubshaam, Mushmaac, Duma, Misha, Xadad, Yatma, Yatuur, Nafiis Qaydmaan). Waxayna badankoodu ku noolaayeen Makah, dhaqaalahooduna waxa uu ku xirnaa ganacsiga.

Caruurtii Ismaaciil way sii farcameen oo qoloba meel ayey deegaan ka dhigatay. waxa kaliya oo nasabkooda la hayaa caruurtii Qaydaar iyo Naabit balse kuwii kale way socdeen.

Naabit iyo ubadkiisii waxay deegaan ka yeesheen waqooyiga Xijaaz caasimadooduna waxay ahayd (Badra’) mudo markay xoog yeelatay ayaa Roomaankii soo afjaray boqortooyadan.

Qaydaar iyo caruurtiisii waxay kusii nagaadeen Makah ilaa laga gaarayo Cadnaan. Cadnaana waa kay carabtu abtirsiintoodu ku dhamaato sababtoo ah lama garanayo abtirsiintii u dhaxaysay Macad ibnu Cadnaan iyo Qaydaar ibnu Ismaaciil.

Cadnaana waa awoowga kow iyo labaatanaad ee Nabiga (N.N.K.H) waxaana laga wariyaa in marka la abtirsado ee la gaadho Cadnaan inuu odhan jiray;( Dadka abtiriyaa been ayey sheegeen) waxaana la dhahaa Cadnaan iyo Ibraahiim waxa u dhaxeeya 41 oday. Allahuaclam.

Macad ibnu Cadnaan waxa uu dhalay wiil layidhaahdo madi ayuu ahaa waa Nazaar ibnu Macad, isaguna waxa uu sii dhalay afar wiil oo ay ka farcameen afar qabiil oo waaweyn waa; Iyaad, Anmaar, Rabiica iyo Mudar.

Labadan danbe ayaa aad usii farcamay oo waxa ka mid ah Rabiica; Asad ibnu Rabiica, Canza, Cabdulqays, Bakar iyo Xaniifa.

Mudarna waxa kasii takfiimay laba qabiil oo waaweyn waa Qayscaylaan ibnu Mudar iyo Ilyaas ibnu

Mudar. Qayscaylaan ibnu Mudarawaxa kasii farcamay (Banu Saliim, Banu Hawazan iyo Banu Qadafaan)

Ilyaas ibnu Mudar waxa ka farcamay (Tamiim ibnu Mura, Hudayl ibnu Mudraka, Banu Asad ibnu Khusayma, Kanaana Banu Khusayma) Kanaana waxa ka mid ah Qureesh. (Qureeshna waa ubadkii Fihir ibnu Maalik ibnu Nudar ibnu Kanaana).

 

Qureesh waxay ukala baxdaa qabiilo dhawr ah waana Reer Jumux, Reer Sahm, Reer Cadiyy, Reer Makhsuum, Reer Teym, Reer Zuhra.

Reer Qusay Ibnu Kilaab waxa ka mid ah; Cabdidaar ibnu Qusay, Asad ibnu Cabdulcuz ibnu Qusay, Cabdimanaaf ibnu Qusay. Cabdimanaaf waxa uu lahaa Afar; Cabdishams, Noofal, Mudalib iyo Haashim waana awoowga labaad ee Nabiga (N.N.K.H).

 

Nabigu waxa uu yidhi; (Ilaahay wuxuu ubadkiiIbraahim kadoortay Ismaaciil, ubadkii Ismaaciilna  waxa uu ka doorta Kanaana, ubadkii Knaana waxa uu ka doortay Qureesh, Qureeshna waxa uu ka doortya Haashim, reer Haashimna aniga ayaa layga doortay)

 

Markay bateen caruurtii Cadnaan ayay u haajireen dhulal kala duwan: Reer Cabdiqays,  Bakar ibnu Waa’il iyo reer Tamiim  waxay deegaan ka yeesheen Baxrayn. Reer banu Tamiim waxay dageen baadiyaha Basra. Reer banu Saliimna waxay dageen meel udhow Madiina.

Reer Thaqiif waxay dageen Daa’if, halka reer Hawazaan ka dageen bariga Makah. Reer banu Asad waxay dageen meel u dhaxaysa Tayma’ iyo galbeedka Kuufa.

Waxa magaalada Makah kusoo hadhay Reer Kanaana (Qureesh) waxayna ahaayeen dad kala tagsan, waxaana mideeyey oo isu keenaya Qusey ibnu Kilaab.