Tusmo

Bismillah:

Inkasta oo nabiga xabiibka Muxamed (scw) uu ahaa mid kamida nabiyada Ilaahay, hadana waxa soo mari jiray dareemayaal insaaniya oo ka turjumaysa shucuurtiisa bani aadamnimo, sida inuu farxo, qoslo, ooyo, murugoodo. Hadana walaalayaal waxa cjiiba in nabigu (scw) aanu marnaba ka xadugubi jirin xaydaarka islaamka, isagoo ka fogaanaya ku talax taga iyo kadib dhacaba, sidoo kalena wuxuu dadka ugu baaqay inay xitaa ajar iyo xasanaat ay ka helayaan dhaqamadaas, wuxuuna dhahay Rasuulku (scw):

( تبسمك في وجه أخيك صدقة ) رواه الترمذي.  ( لا تحقرن من المعروف شيئا ولو أن تلقى أخاك بوجه طَلِق (ضاحك مستبشر) ) رواه مسلم .

“U dhoola cadayta wajiga walaalkaa waa sadaqo” [1] [1] “Macruufka wax ah ha xaqirin, haba ahaato inaad walaalkaa kula kulanto waji furn (qoslaya, oo ku faraxsan kulankiisa)” [2][2]

Shakina kuma jiro in walaalkaas oo qalbigiisa aad farxad galiso inay kamid taay akhlaaqda teeda ugu wanaagsan, sidaas awgeed waxa kamid ahaa dhaqankii nabiga (scw) inuu ka farxiyo walaaladii, haweenkiisa, caruurta islaamka. Isaguna shakhsi ahaan wuxuu ahaa mid dhoola cadayn badan, waxaana laga wariyey nabiga (scw):

عبد الله بن الحارث قال : (ما رأيت أحدا أكثر تبسما من رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ ) رواه الترمذي .

Cabdilaahi ibnu Xaaris waxa uu yidhi: “Maan arkin cid ka dhoola cadayn badan Rasuulka (scw)” [[3]3]

Kaftanka iyo dacaayada tooda wanaagsan waa mid banaan, sidaan ka qaadanayno hadaladii iyo ficiladii ka sugan Rasuulka (scw), iyo sidoo kale nafta insaanka oo u baahan raaxaysi iyo ka nasashashada culayska nolosha iyo adaygeedaba. Wax dhib ahna kuma jirto kaftanka wanaagsan, ee iskaba dhaafee, waa arrin loo baahanyahay in mararka qaar dadku ay wadaagaan kaftanka islaamiga ah, ee wata xuduuda sharciga waafaqsan:

  • Kaftanka waa inanay la socon been, si looga qosliyo dadka. Sidaa darteed ayuu nabigu scw dhahay: “Hoog ayaa usugan kuwa sheekaynaya, oo been sheegaya si dadka looga qosliyo, hoogbaa usugan, oo hoog ayaa usuga, oo hoog ayaa usugan” [[4]4]. Lana soco Nabigu (scw) waa qosli jiray isagooo kaftamaya hadana runta sheegaya.
  • Kaftanku waa inaan dadka lagu xaqirayn, laguna yasayn shakhsiyadooda, ama lagu dheeldheelayn, waxaana arrintaas inooga dardaarmay Ilaahay (swt) inaynu ka fogaano, isago leh:

” يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَىٰ أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِّن نِّسَاءٍ عَسَىٰ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ ۖ وَلَا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ ۖ بِئْسَ الِاسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الْإِيمَانِ ۚ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ ﴿١١﴾ ” سورة الحجرات/11

“Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin Ragna Rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, Haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina Naftiinna, hana isugu yeedhina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, Ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin.” Xujuraat/11

  • Kaftanka waxa kale oo looga baahanyahay inaanu argagax galin walaalkaaga muslimka ah, sida nabigu scw leeyahay:

( لا يحل لمسلم أن يروع مسلما ) رواه أبو داود .

“Uma banaana qof muslima inuu argagax galiyo muslim kale” [[5]5]

  • Kaftanku sidoo kale waa inaanu xad dhaaf noqon, oo aanu waqtiga dhamaantiis inaga qaadin, wuxuu nabigu (scw) leeyahay:

( يا أبا هريرة أقل الضحك ، فإن كثرة الضحك تميت القلب ) رواه ابن ماجه )

“Aba hurayroow, yarayso qosolka, maxaa yeelay qosolka xad dhaafka ah wuxuu dilaa qalbiga” [[6]6]

Tusaalayaasha Nabigu kula kaftamay ama uu wajigiisa ugu dhoola cadeeyey Saxaabadiisa.

– Jariir wuxuu yidhi: Nabigu (scw) imuu celin inta aan ka islaamay, haduu i arkana wuu qosli jiray. [[7]7]

– Ninbaa u yimid nabiga (scw) wuxuuna ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, i xanbaar, nabigu (scw) wuxuu dhahay: “waxaan kugu xanbaaraynaa wiilka hasha, wuxuu dhahay: Maxaan ku samaynayaa Wiilka Hasha? Wuxuu dhahay nabigu (scw): “Miyey geeluba dhalaan waxaan halo ahayn :)” [[8]8]

– Anas wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ahaa dadka ka ugu akhlaaqda wanaagsan, wuxuuna maalin ii diray xaajo, waxaan idhi: Ilaahbaan ku dhaartee tagi maayo, naftaydana waxa ku jirta inaan aado wixii nabigu i faray (scw), waanan baxay anigoo sii maray caruur ku cayaara suuqa, mise Rasuulkii Ilaahaybaa (scw) qabtay xaga danbe qoortayda, wuxuu ydihi: waan fiiriye waanu qoslayaa, wuxuu i yidhi: “Unaysoow, ma tagtay meeshii aan ku faray?”, waxaan idhi, haye waan tagayaa Rasuulkii Ilaahayoow. [[9]9]

–  Anas wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ahaa dadka ka ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaan lahaa wiil la dhaho Abucumary, markuu yimaadan wuxuu ku odhanayey: ( يا أبا عمير ما فعل النغير) Abacumayroow, muxuu falay shinbirkii Nuqayr?” [[10]10]

– Islaan ayaa u tmid nabiga oo ku tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, ii bari Allah ha i galiyo jannadiisa, wuxuu dhahay nabigu (scw): “Jannada ma galaan islaamuhu” markaasay labatay ayadoo murugsan oo oynaysa, kolkaasbuu nabigu dhahay: gali mayso ayadoo waayeel ah, ee da’deeda ayaa la yaraynayaa, miyaanad akhrin aayda Quraanka: ( إنا أنشأناهن إنشاء فجعلناهن أبكارا), (anaga abuuri abuurid, kana yeelnay bikrooyin) [[11]11]

– Nin saxaabiya oo reer baadiye ahaa, magaciisana la dhaho Zaahir ayaa nabiga u iman jiray, wuxuuna nabigu (scw) dhihi jray: Zaahir waa reer baadiyaheena, anaguna reer magaalkiisa ayaanu nahay, dabadeedna maalin ayuu Zaahir soo galay magaalada, waxaana arkay Rasuulka (scw) kadibna xaga danbe ayuu kaga yimid waanu qabtay isagoo Zaahir aanu arkaynin, markaasuu dhahay; isii daa, kolkaasbuu fiiryey gadaashiisa wuxuuna arkay nabigii (scw), wuxuuna dhahay nabigu (scw): yaa kan iga iibsanaya? Wuxuu ninkii yidhi: cid iga kaa iibsanaysa majirto Rasuulkii Ilaahayoow, maxaa yeelay waxaan ahay xaraash, wuxuu dhahay nabigu (scw): maya, ee adigu xaga Ilaahay qaali ayaad ku tahay. [[12]12]

– Caasha waxay tidhi: nabiga ayaa u imi anigoo sida kimis/sabaayad (lagu daray hilib) aan kariyey, waxaana nabiga la joogtay xaaskiisa Sawda bintu Zamacah, waxaanan ku dhahay Zawda: cun cuntada, wayna diiday inay cunto cuntada, markaasaan idhi: hadaanad cunin waan ku dhirbaaxayaa, kadibna intaan cuntadii faraha gaiyey ayaan kaga dhuftay wajigeedii, markaasuu Rasuulku qoslay, markaasuu ku dhahay Zawda: ka jaro, dabadeedna wajigaya ayey dhrbaaxday, markaasuu qoslayna nabigu (scw). [[13]13]

– Maalina nabiga ayaa usoo galay Caasha oo ku cayaaraysa Caruusad ama boonbalo, kolkaasuu ku dhahay: waa mxay kuwani? waxay tidhi: waa hablahaygii, wuxuu yidhi: muxuu yahay kan u dhaxeeyaana? waxay tidhi: waa faras, wuxuu dhahay: oo waa maxay waxan uu wataa? waxay tidhi: waa baalal, kolkaasbuu yidhi: oo ma farasbaa baalal wata? waxay tidhi: miyaanad maqal in fardihii nabi Suleymaan ibnu Daawuud ay lahaayeen baalal, markaasuu qoslya nabigu (scw) illamaa laga arkay gaws danbeedkiisa. [[14]14]

 

Kaasi waa Rasuulkii Allah, wuxuuna hadana ahaa imaam, macalin, xaakim, qaadi, hogaamiye ciidan sidoo kalena wuxuu ahaa aabo naxariis badan, nin u samofala haweenkiisa, iyo saaxiib oofin badan ballamihiisa. Hadana isagoo waxaas oo hawlo ah ku gudo jiray ayuu qoslayey oo kaftamayey, kana dhex jiray umadiisa. scw. scw. scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.scw.

WD oo soo jeedinayana Abdulaziz Mohamed Oogle


Xigasho:

[1] [1] Sunan Al-tirmadi, kitaabka Albirru wal silatu li rasuul Allah, xadiiska (1956), kana dheeho halkan. Islamweb

[2]  [2] Saxiix Muslim, kitaabka Albirru wal silatu lil adaab, xadiiska (2626), kana dheeho halkan:  Islamweb

[3]  [3] Sunan Al-tirmadi, kitaabka Almanaaqib, xadiiska (3641), kana dheeho halkan: Library Islamweb

[4]  [4] Sunan Al-tirmadi, kitaabka Alzuhudu can Rasuul ALlah, scw. xadiiska (2315), kana dheeho halkan: Library Islamweb

[5]  [5] Sunan Abudaawuud, kitaabka Al-adab, xadiiska (5004). kana dheeho halkan: Islamweb

[6]  [6] Al-adab almufrada, li Albukhaari, xadiiska (246), kana dheeho halkan: Islamweb, Adabalmufrad.

[7]  [7] Fatxulbaari, li sharxi saxiix Albukhaari, xadiiska (3611) Kana akhriso halkan: Islamweb

[8]  [8] Sunan Abudaawuud, kitaabka Al-adab, xadiiska (4998), kana dheeho halkan: Library islamweb

[9]  [9] Saxiix Muslim, Kitaabka Fadaa’il, xadiiska (2310), kana akhriso halkan: Library of Islamweb

[10]  [10] Saxiix Bukhaari, kitaabka Al-adab, xadiiska (5850, kana akhriso halkan: Islamweb

[11]  [11] Mirqaat almafaatiix, sharxu mishkaat almasaabiix, kitaabka Al-adab, xadiiska (4888), kana dheeho halkan: Islamweb

[12]  [12] Mirqaat almafaatiix, sharxu mishkaat almasaabiix, kitaabka Al-adab, xadiiska (4889) kana dheeho halkan: Islamweb

[13]  [13] Musnad abu Yacla almusali, xadiiska (4412), kana dheeho halkan: Islamweb

[14]  [14] Sunan Abudaawuud, kitaabka Al-adab, xadiiska (4932), kana dheeho halkan: Islamweb, gaaldiid