Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhamaan eheladii iyo qoysaskii muslimiinta ahaa ee lagu laayey magaalada Muqdisho 14 ka October ee 2017. Waxaan Ilaahay uga baryeynaynaa masaakiintii ku geeriyootay inuu Ilaahay naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, walaalada ku dhaawacmayna Ilaahay ka bugsiiyo, eheladii ay dhibtaasi haleeshayna samir iyo iimaan haka siiyo, cidii falkaas ka danbaysayna Ilaahay ha kashifo oo cadaalada Ilaahay ha hor keeno.

Musiibadaas oo ay ku dhintaan wax ka badan 300 oo ruux, kuna dhaawacmeen wax ka badan tiradaas waa jariimo iyo fal danbiyeed kasoo horjeeda boqolkiiba boqol diinta Islaamka, waana dulmi iyo xaqdarro halkii ugu sarreysay. Waxaan leenahay ayadoo qalbiga iyo jidhkuba murugo dareemayaan Xasbuna Allah wa nicma al-wakiil, Ilaahay ayaa nagu filan isagaana na deeqaya.

Ilaahay waxaan magacyadiisa wanaagsan ku waydiisanaynaa inuu dhibka iyo kadeedka ka dul qaado umada Islaamka ah ee Soomaaliyeed, Ilaahow daalimiinta dhiiga muslimiinta banaystayna naga qabo, Allahuma aamiin .. waa walaalkiin Abdulaziz Mohamed Oogle.