Ha dabaal dagin Ciida Christmaska!! Abdulaziz Oogle

Asc, walaalayaal waxa la gaadhay bishii December oo ah bisha ay Kiristaanku u dabaal dagaan dhalashada Ciise Masiix (scw) . Waxa cajiiba inaad sheegataan Islaamnimo, hadana la dabaal dagtaan ciidaha, farxadaha gaalada, sida ciidooda Kirismiska, Lucia iwm.

Walaalayaal, waa inaad is waydiisaan, dadka lala dabaaldagayo miyey idin la dabaal dagaan ciidaheena sida Ciida Fidrida ama Ciida Adxada? Miyaad aragtay qof gaal ah oo yimaada Masaajidkeena salaada ciida, ama gawraca neef xoolaha, isagoo inagala qaybqaadanaya farxada Ciidaheena!

Ta kale ee muhiimka ahna waxay tahay, hadii aad waydiiso Kiristaanka, maxaad u dabaal dagtaan Ciida Kiristaanka? Waxay ku dhahayaan, waxa dhashay Ciise Masiix (scw) bishii December 25 keedii. Hadaba su’aashu waxay tahay, miyuu nabi Ciise (scw) dhashay bishan December oo jiilaalku bilaabmo?

Maanta culumada Masiixiyiintu waxay ogaadeen in nabi Ciise aanu dhalanin 25 December, run ahaantiina lama garanayo xilligii rasmiga ahaa ee uu dhashay nabi Ciise, lama yaqaano sanadku kuu ahaa, bishu tay ahayd iyo xitaa maalintu maalinta ay ahayd.

Quraanka Kariimka ah wuxuu inooga warramay qaabkii loo dhalay nabi Ciise (scw), ayadoo laga dheehan karo aayadaha Quraanka ee ka warrama dhalashada nabi Ciise(scw), inuu dhashay xilli xagaa ah. Ilaahay wuxuu yidhi:

وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا ﴿٢٥ 

“una gilgil xaggaaga jirridda timirta  ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdin ah) oo fiicane.” [Maryam:25]

Ilaahay (S.W.T) wuxuu inuu sheegay in Maryama la faray inay gilgisho jirrida Timirta ah, si ay uga soo daadato timir Fresh ah ama curdin ah, waxa is waydiinta leh waa goorma xilliga Timirtu curdinka tahay, waa xilliga xagaaga ee Qorraxdu kulushahay. Halkaas waxaynu ka dareemaynaa in Nabi Ciise (scw) uu dhashay bilaha xagaaga, sida bilaha July ama August.

Dhanka kale waxa lagu sheegay kutubta Masiixiyiinta wax cadaynaya in nabi Ciise aanu dhalanin 25 December oo ah xilli qaboobe ah (jiilaal). Sidoo kalena waxaynu ognahay in magaalada uu nabi Ciise ku dhashay ee Baytulaxmi ay xilligaas ka dhacdo baraf badan, iyo qabow darani, bal hadaba aynu fiirno waxa Baybalku ka dhahay arrintaas. Waxa lagu sheegay kitaabka Luuk 2: 8-11

“8 Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya. 9 Malaa’igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen. 10 Markaasaa malaa’igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. 11 Waayo, maanta waxaa magaalada Daa’uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.” [Luuk 2: 8–11]

Hadaad sifiican u akhrido weedhahaas waxaad fahmaysaa in xilli habeen ah ay Malaa’igtu u timid dad adhijirto ah, waxaad is waydiisaa xilliga ay ina leeyihiin waxa dhashay nabi Ciise waa 25 December, xilligaasina waa xilli qaboobe ah oo Falasdiin xitaa waxay heshaa baraf, sideebay ku suurtowday in habeen qaboobe ah oo baraf da’ayo in adhi la raacdo!!

Waxay ku tusaysaa in xilligaasi ahaa xagaa kulayle ah, sababtoo ah hadii ay jiilaal ahaan lahayd, dadkaas Adhijirrada ah waxay u dhiman lahaayeen qabow iyo baraf.

Dadka haysta diinta Kiristaanku waxay rumaysanyihiin in Ciise (scw) aanu dhalanin bisha December, hadaba xageebay ka timid dabaaldagan 25 December?

Ciidan 25 December waxay ka soo jeedaa dadkii caabudi jiray Qorraxda ee majuusiyiinta ahaa, ayagaana u dabaal dagi jiray maalintan dhalashay ilaahooda Qorraxda, sababtuna waxay ahayd, maadaama bisha December kowdeeda, labadeeda, sadexdeeda ay bilaabmi jirtay jiilaalka iyo qabowgau.

Dadkii badowda ahaa ee caabudayey Qorraxduna waxay dareemi jireen in maalinba maalinta ka danbaysa ay Qorraxdu sii fogaanayso, sidoo kalena jawigu uu sii qaboobayo, kolkaas waxay rumaysnaayeen in Qorraxdii uu Shaydaan cunay, kadibna durbaanu ayey garaaci jireen iyo ayagoo akhrinaya ducooyin.

Marka la gaadho 24 December ayaa Qorraxdu soo laaban jirtya, sidaaas darteed waxay u rumaysteen in Cadceedii ka awood badatay Shaydaankii, kadibna maalinta 25 December ayey u dabaaldagi jireen maalinta dhalashada Qorraxda.

Dhaqankani wuxuu usoo gudbay Roomaankii, isagoo uga yimid xaga Persian. Dadkii Roomaanka ahaa waxay dabaal dag jireen 25 December, kadibna markay qaateen diinta Masiixiyada waxay dabaaldagoodii u badaleen dhalashadii nabi Ciise (sw)

Ugu danbeyn waxaad is waydiisaa qofka la dabaaldagaya Kiristaankow, ma waxaad dabaaldagaysaa ciidii dhalashada Cadceeda ee dadkii Majuusiyiinta, oo ay soo amaahdeen Kiristaanku? Iska ilaali, hana ku milmin, hana dhiganin gurigaaga geedka kirismiska iyo laanbadaha kirismiska toona, hana tagin xafladooda.


Tusmo

WD: Abdulaziz Oogle

Xigasho: