Go’aanqaadasho iyo Ramadaan Kariim:

Bismillah, kubilaaban magaca Allah, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, waxaana mahadda iska leh dhamaanteed Ilaahay, waxaanan ku sallinaynaa nabigeena Muxamed (scw) inuu Allah korkiisa yeelo naxariis iyo nabadgalyo, isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisii, waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, assalaama calaykum wa raxmatu Allahi wa barkaatuhu:

Barnaamijkii barkaysnaa ee Go’aanqaadasho wuxuu mar kale dib u bilaabmayaa bisha barakaysan ee Ramadaan, ayadoo lagusoo kordhiyey qodobo muhiima oo waxtarna leh, barnaamijku wuxuu si toos ah uga bilaabmayaa bogga Faceboka ee Diinteenu waa nasteexo, bogga Facebooka ee Gaaldiid iyo barta Youtubka ee Gaaldiid Gaaldiid. 

Barnaamijka Go’aanqaadasho waa barnaamij aad naftaada wax kaga badalaysid, hadii aad ka cabanaysay go’aan jileec iyo guuldarrada nafsaaniga ah, barnaamijkan ku bar naftaada Go’aanka adag, kana mid noqo tartamayaasha xaqiijinaya hadafkooda iyo himiladooda.

Hadaba si aad uga gungaadho hadafyada kala duwan ee noloshaada kusoo maraya waxaad u baahantahay tusaale naftaada ah oo aad ku xaqiijisay himilo aad gaadhay hadafkeedii. Barnaamijkan wuxuu noqon doono mid ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee jecel inay naftooda guul u horseedaan, taasoo mustaqbalka u noqota arrin ay ka shiidaal qaataan.

Barnaamijkan wuxuu ku saabsanyahay taxadi iyo carin naftaada ah, adigoo qaadanaya go’aan raganimo ood kaga midho dhalinayso hadafka barnaamijkan. Barnaamijkan qeybtiisa 3 aad, wuxuu  socon doonaa mudo sodon maalmooda oo ah bisha barakaysan ee Ramadaan, adigoo kaga qaybqaadanaya inaad si joogta ah ula timaado cibaadooyinka iyo khayrka looga baahanyahay ruuxa muslimka ah inuu uguto si maalinle ah.

Barnaamijka Go’aanqaadasho qeybtii sadexaad waxa lagusoo daray barashada ama ka qaybgalida kutubo diiniya oo nolosha qofka muslimka ah aad ugu muhiima, waxa la baranayaa todobaadkasta hal kitaab ayadoo maalinkasta oo Jimce ahna kitaabkaas wax layska waydiin doono.

Camalada lala imanayo inta Barnaamijku socdo: 

  1. Barashada ama ka qaybgalka Afarta kitaab ee muhiimka ah, waxayna kala yihiin:
  1. Balwad hadii aad leedahay sida Sigaarka, qaadka, xanta, isku dirka, ribada, zinada, khamriga, xijaab la’aan, waa inaad ka toobad keentaa oo aad ka qaadataa go’aan adag. (Hadii aad caawimo ubaahato nalasoo xidhiidh, sida ugu dhakhsahabadan Inshallah ayan kuu kaalmaynaynaa)
  2. Salaadaha waajibka ah oo lagu tukado waqtigooda:
  3. Salaadaha sunanka rawaatibka oo la tukado (waa 12 rakcadood oo ka horeeya am ka danbeeya salaadaha faralka ah, laba rakcadood waxay ka horeeyaan salaada Subxa, afar rakcadoodna waxay ka horeeyaan salaada Duhurka, laba rakcadoodna waxay ka danbeeyaan salaada Duhurka, laba kalena waxay kadanbeeyaan salaada Maqribka, laba rakcadoodna waxay ka danbeeyaan salaada Cishaha)
  4. Quraanka Kariimka ah ood akhrido hal Juz oo kamid ah, ama Labaatan safxadood oo aad ka akhrido maalintii Kitaabka Quraanka ah. (Hadii aanad Quraanka wada dhamayn waxaad ku celcelinkartaa halka Juz ee aad garanayso)
  5. Ducooyinka la akhristo galinka hore iyo galinka danbe oo aad ka akhrisato kitaabka Xisnul Muslimka.
  6. Soonka bisha Ramadaan oo sideeda u soonto. (Hadii aad cudur daar rasmi ah leedahay sida inaad bukooto, safar kusoo galo, caadada aad hesho waa inaad soo qallaysaa maalmaha ku dhaafay bisha Ramadaan ku xigta ee Shawaal)
  7. Salaada Laylka ama taraawiixda waa inaad tukataa. (Hadii aad haweenay tahay ama aanad heli karayn masaajid aad ku tukato, waxaad ku tukanaysaa gurigaa ugu yaraan 11 rakcadood.
  8. Lix maalmood ood ka soomto bisha Shawaal eek a danbaysa Ramadaan, si Allah kuugu qoro inaad soomtay sanadkaas oo dhan inshallah.
  9. Dhagaysiga Siiradii Khaalid ibnu Waliid oo si maalinle ah aan usoo galin doon Chanelka Youtubka ee Gaaldiid, kadibna marka siiradaasi dhamaato waxa lagu waydiinayaa dhawr su’aalood inaad ka jawaabto Inshallah.
  10. Sadaqo ayaad bixinaysaa loogu talo galay in lagu ciidsiiyo ubadka agoomaha ah, waxaan haynaa 50 caruura oo agoomo ah, kuwaas wixii aad awoodo ayaad ku sadaqaysanaysaa. (Hadii aad rabto inaad qof kamid ah aad dharka ciida u iibiso waxaad ku sadaqaysanaysaa 30 dollar) cidiise bixinaysa wax ka yar 30 dollar ayagana sadaqadooda waan ka aqbalaynaa. (Hadii aad ubaahataa inaad dadkaas agoomaha ah si toos ah aad ula xidhaadhaan, waan idinku soo xidhaynaa Inshallah.
  11. Maalintii waxaad la imanaysaa 100 jeer ood ku sallido nabiga iyo boqol jeer ood u tasbiixsato Ilaahah, iyo boqol jeer oo aad danbi dhaaf waydiisato Allah (SubxaanAllah, AstaqfiruAllah, Sallalaahu calayhi wa sallam) mid kastaba boqol jeer.

Waxa lagula yeelanayaa Interview:

Barnaamijka hadii aad camaladiisa iyo shuruudihiisa ku qanacdo waxa lagula yeelanayaa Interview ama waraysi qaadanaya ugu yaraan 5 daqiiqadood, ayadoo lagu waydiinayo dhawr su’aalood oo ay kamid tahay:

  • Diyaar ma utahay camaladaas inaad sideeda ugasoo baxayso?
  • Hadii qodobada qaar kamid ah aanad kasoo bixi karayn maxaad badalkeeda la imanaysaa?
  • Hadaad leedahay Balwad, ama macsi aad rabto inaad gabi ahaanba ka go’do sidee ayaan kuu caawinaa?

Waraysiga aan kaa qaadayno maaha mid u gudbaya dad kale, waa mid u dhaxaynaya adiga iyo shakhsiga waraysiga kaa qaadaya. 

Shuruudaha ka qaybgalka barnaamika Go’aanqaadsho:

  • Hadii aanad diyaar u ahayn inaad kasoo baxdo shuruudaha barnaamijka, fadalan haka soo qaybgalin.
  • Waa inaad habeenkasta bixisaa Report, aad ka war bixisaa inaad la timimd hawshii lagaa rabay.
  • Waa inaad haystaa Smart Phone leh Whatsup, sidoo kalena aad soo wici kartaa hawlwadeenka si aad Reprotka u bixiso.
  • Hadii laga waayo Reportka mudo sadex maalmood waxaad waayeysaa xubinimadaada.
  • Baranaamijka Go’aanqaadasho wuxuu yeelan doonaa Whatsup Group halkaas oo ay ka qaybqaadayaasho ku kulmi doonaan ayagoo is dhaafsanaya macluumaad iyo dhiirigalinba.
  • Cidii ku guulaysata Barnaamijkan Go’aanqaadasho wuxuu heli doonaa Shahaado sharaf iyo Shan daqiiqadood oo uu dadka la wadaagi doonaa dareenkiisa iyo guusha uu gaadhay, iyo siduu uga midho dhaliyey, sidoo kalena ayadoo qoraal ahna waad la wadaagi doontaa dadka.
  • Barnaamijku waa Free mana ah mid lacag iyo kharash kasoo galayo Hawlwadeenka, ee kaliya waa in Umada lagu dhiiri galiyo inay noloshooda go’aan qaadan karaan.

Sidee uga qaybgalaa?

Hadii aad xiisaynayso inaad ka qaybgasho oodna kasoo baxayso shuruudahaas, waxaad lasoo xidhiidhaa hawlwadeenka Barnaamijkan Abdulaziz Mohamed Oogle iyo Asad Adam Jamac, adigoo kala xidhiidhaya:

  1. Telefoon: 0046760552713 (WhatsUp, Viber iyo Imo)
  2. Telefoon: 00474558853 (WhatsUP + Viber)
  3. Email: oogleabadle@hotmail.com
  4. Facebook Page: Diintenu waa nasteexo
  5. Facebook Page: Gaaldiid 

Yaa ka qaybgalaya?

Cid kasta oo diyaar u ah inay nolosheeda wax ka badasho, una horseedo guul nafteeda Aduun iyo Aakhiraba.

Goorma ayuu bilaabmayaa?

Wuxuu bilaabmayaa 27 bisha May (Ramadaan kowdeeda) isagoo barnaamijku socon doono hal bil.