Maqaalkan waxan kaga hadli doonaa musiibada ku habsatay walaaladeena Muslimiinta ah ee kunool dalka Burma, kuwaas oo lagula kacayo xasuuq kii ugu xumaa casrigeenana, waxa la dhacayaa xoolahoodii, la bililiqaysanayaa hantidoodii, la kufsanayaa dumarkoodii xitaa hablihii yaryaraa, la laynayaa ragoodii ha yaraado ama ha waynaadabee, hadaba yaa Muslimiintan laynaya oo gabood falkan u gaysanaya? Yaase ayaga u maqan? Maxayse Aduunku uga hadli la’yahay dhibka baaxada leh ee lagu hayo dad bani aadam ah oo wax ay galabsadeen aanu jirin?

Maqaalku wuxuu ka koobnaan doonaa dhawr qodob, ugu horeyn waxaan kaga hadli doonaa Taariikhda Islaamka ee dalka Burma ama Miyinmaar, kadibna waxaan si kooban wax uga taaban doonaa dadka haysta diinta Buddiska iyo falalka argagaxiseed ee ay ku hayaan Musliminta Rohinga.

Taariikhda Islaamka ee Burma:

Burma ama Miyinmaar waa dal ku yaala koonfurta bariyeed ee qaarada Asia, wuxuu xornimada ka qaatay xukuumadii Ingiriiska ee haysatay dalka Hindiya. 

Islaamku wuxuu dalkaas uu galay qarnigii 7 aad ee miilaadiga, waxaana diinta ku faafiyey dad ahaa gancsato carbeed, kadibna dadkii daganaa gobolkaas markii ay arkeen akhlaada sareysa ee Muslimiinta waxay soo galeen diinta Ilaahay, waxa soo galay Islaamka qabiilka Bati oo daganaa caasimadii hore ee dalka Burma. Waxa kale oo jiray qabiilo u dhashay dalka Shiinaha oo ayaguna halkaas daganaa oo qaatay Islaamka, sidoo kale Islaamka waxa qaatay qabiilka rohingia ee dagan gobolka Arakaan ee waqooyiga bariyeed ee dalka Miyinmaar. Islaamku waxa kale oo uu ku fiday dhammaan deegaanada dalka oo dhan, waxayna muslimiintu ku leeyihiin kuna lahaayeen masaajido badan iyo dugsiyo Islaamiya oo ay wax ku bartaan.

Diinta Buddiska:

Diinta Buddiska waxa aasaasay ninka la dhaho Guartama Budha, waxayna diintaas ka bilaabantay deegaan ku yaala dalka Hindiya, kadibna waxay ku faaftay wadmo badan oo ka tirsan qaarada Asia, sida Hindiya, Shiinaha, Japan, Thailand, Burma iyo kuwo kale. Diinta Buddisku waa diin caabuda sanamyo, waxayna aad u weyneeyaan ninkii aasaasay ee Budha ayagoo u rumaysan inuu ahaa wiil Ilaah ama Ilaahay.

Buddisku waxay u qaybsamaan dhawr qeybood waxase ugu caansan kuwa caabuda sanamka Budha, kuna shubo biyaha sanamyada laga xardhay looxyada, dhagxaanta ama caaga. Sidoo kale waxa jira Budhis ayagu mulxidiina oo rumaysan kaliya falsafada Budhiska sida Yogada iyo wixii lamida.

Dadka haysta Budhiska ayaa iminka ugu badan dadka dagan Burma, waxa lagu qiyaasaa 50 milyan, halka muslimiintu ay ka yihiin 3 ilaa 4 milyan oo kaliya, sidaas awgeed waa dad lagaga tiro badanyahay dalka Burma.

Qabiilka Rohinga ee dagan gobolka Arakaan:

Qabiilka Rohinga waxay daganyihiin waqooyiga bariyeed ee dalka Burma, wuxuuna gobolkaasi xuduud la leeyahay dalka Bangaladhish, dadka gobolkaas dagan waxay lahaayeen xadaarad aad u fac wayn oo ka tagtay taariikh iyo raadad qadiimiya. Waxa goblkaas ka jiray boqortooyooyin Islaama mudo gaadhaysa 350 sanadood, waxa aasaasay boqorka la dhaho Suleymaan Shaah, waxayna boqortooyadaasi talinaysay 1430 kii ilaa 1780 kii. Waxaana xukunka ukala danbeeyey 48 boqor, waxayna ahayd dawlad sideeda u madaxbanaan, oo leh dhamaan tiirarka dawladnimo.

Guumaysigii Ingiriiska:

Sanadkii 1824 kii ayaa Ingriisku guumaystay gobolka Arakan, Burma iyo sidoo kale dalka Hindiya, wuxuuna ku daray gobolkan Arakaan xukuumadii Hindiya ee Ingiriiska. Muslimiintii daganayd Arakan waxay wajaheen guumaysiga, kadibna Ingriisku wuxuu Muslimiinta u adeegsaday dadkii haystay diinta Budhiska, sanadkii 1924 tii waxa la dilay muslimiinta gaadhaysa Boqol kun oo ruux.

Militariga iyo diktaatoornimadiisi:

Sanadkii 1948 kii, markuu dhamaaday dagaalkii labaad ee Aduunka wuxuu Ingiriisku siiyey xorriyadoodii dalka Burma, wuxuuna goblkii Arakan ee Muslimiintu daganaayeen ku daray dalka Burma, isagoo waliba u ballanqaaday gobolka Arakan inuu kaligood aqoonsanayo, hase ahaatee wuxuu hoos geeyey dalka Burma.

Xukunka dawlada Burma waxa inqilaab ku qabsaday askartii militariga ahayd, kadibna waxay diinta Budhiska u adeegsadeen farsamo ay ku qariyaan gaboodfalladii ay gaysteen, waxayna dhiiri galiyeen wadaada Budhisku inay nacayb iyo cadaawad u qaadaan muslimiinta dagan dalka Burma.

Sanadku markuu ahaa 1972 kii waxa Muslimiinta Rohinga laga qaaday muwaadinimadoodii ayadoo Budhisku xujo ka dhigtay in dadkaasi yihiin ajaanib kusoo duushay oo kasoo jeeda dalka ay jaarka yihiin ee Bangaladhish. Sanadkii 1982 diina waxa soo baxay qaraar sheegaya inaanu xaq ulahayn mid kamid ah Muslimiinta rohinga inay ku noolaadaan deegaankoodii.

Askrta militariga ah waxay adeegsadeen hubkii iyo awood ay ku laynayaan muslimiinta Rohinga, waxay gubeen masaajidadii iyo guryihii, waxay kufsadeen dumarkii, waxay u diideen xuquuqdii bani aadamnimada sida inay dhalaan, wax bartaan, is guursadaan. Wadaada Budhiska iyo askarta oo is kaashanaysa waxay xasuuqeen dadkii Muslimiinta ahaa ee daganaa dalkoodii ay awoow ilaa awoow ay ku noolaayeen. Arrintaas waxay keentay in dad badani ay ka qaxaan baladkoodii, ayagoo miciin biday wadama jaarka ah.

Sanadkii 2012 kii

Sanadku markuu ahaa 2012 waxa Budhisku sheegteen in sadex nin oo muslimiin ahaa ay dileen gabadh Budhis ah, kadibna waxay bilaabeen weerarkan aan ilaa hada kala go’in, waxay qoreen kitaab sii kordhiyey nacaybka iyo cadaawada Budhisku u hayaan Islaamka, waxay adeegsadeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta, ayagoo dadkood ku dhiirigalinaya inay laayaan, bililqaystaan dadka reer Rohinga.

Kadibna Budhiskii waxay si foolxun u dileen toban nin oo wadaado ahaa kuna safray baabuur ku socday magaalo la dhaho Rakhiil, waxay tobankaa nin u dileen si naxariis darro ah ayagoo carrabkooda gooyey, kadibna maydkoodii jarjaray oo googooyey!

Kadibna Muslimiinti ayaa isugu soo baxay mudahaaraad Masjiidada maalin Jimco ah, dabadeedna askartii oo wadata hubkoodii iyo saanadoodii dagaal ayaa soo galay magaalooyinkii Islaamka, waxayna gubeen guryihii, masaajidadii, waxay laayee caruurtii, dumarkii uurka lahaa, waxayna nolosha ku gubeen dhalinyaradii muslimiinta.

 

Amaan Maxamuud wuxuu dhahay isagoo la hadlay wariye katirsan Aljaziira: “Waxay hortayda ku dileen walaalkay, anigana way i qabteen oo i cadibeen, sida ay dadka u ciqaabaan kuma jirto bar yar oo naxriis ah, Ilaahay oo kaiya ayaa og sida ay noo dhibeen” Sidaas ayuu dhahay Amaan isagoo oohintu ka qubanayso.

Haweenayda la dhaho Jannat Aran, waxay tidhi: “Maalintii Jimcaha ahayd waxa gurigayga soo galay askartii, waxaana fuulay dabaqa sare, anigoo gurigana hoos ka xidhay, kadibna gurigii ayey soo galeen wayna igu xadgudbeen, kadibna waan miyirbeelay, waxaanan naftayda ka helay anigoo jiifa cusbitaalka” Dhakhtarkii wuxuu sheegay in Janaat Aran ay kufsadeen ugu yaraan 20 nin.

Janaat Aran waxay u qaxday dalka Bangaladhish, waxayna gashay cusbitaal ayadoo kacabaysa kalyaha, waxayna tidhi: “Caruur maxaan raadiyaa, wixii aan lacag haystay waxaan ku bixyey caafimaad aad ku heshid” Wuxuu dhahay wariyii Aljazeera: Janat Aran, waxay u geeriyootay dhaawicii soo gaadhay.

 

 

 

Zaahid Calam wuxuu dhahay: “Waxaan haystay dukaan, kadibna askartii Budhisku ayaa soo galay waxayna dileen wiilkaygii, manaan arkin maydkiisii” Zaahid wuxuu usoo qaxay Bangaladhis isaga iyo shan habood oo uu dhalay, kumana haysto Bangaladhish wax caawimo ah, ma hysto isaga iyo kumanaanka soo qaxay ee lamidka ah guri ay dagaan, cunto ay cunaan iyo iskuul ay ubadkooda geeyaan, wuxuuna dhahay: “Cimrigaygu waa dhawr iyo afartan jir, waxaan haystaa 5 hablood, waxna uma hayo” Sidaas ayuu dhahays Zaahid isagoo oohintu ka daadanayso indhihiisa.

Dhibka lagu hayo Muslimiinta Rohinga maaha wax lasoo koobi karo, waa mid socnaya ilaa maanta, dadkii soo hadhay waxay Budhisku ku go’doomiyeen cooshado aan roob iyo dabayl toona celinaynin, waxayna diideen in mucaawino loo fidiyo iyo xitaa in saxaafadu ay gasho deegaanadaas oo ay waraysato dadka. Gabadh u shaqaysa Tvga Aljazeera oo booqatay goblka Arakan, waxay tidhi: Dhibka meesha ka jira maaha wax la qiyaasi karo, dadkaasi waa dadka ugu balanbalsan Aduunka.

Ayaamihii ugu danbeeyey waxa dhulkoodii laga bara kiciyey dad ka badan 200000 oo qof, waxayna u qaxeen dalalka jaarka ah, hase ahaatee dalalkiina way diideen inay qaabileen qaxoontiga. Dalka ugu dhow wadan Muslima waa Bangaladhish, isagana haweenayda madaxda ka ah ayaa tidhi: “Waayo, maxaan u qaabilaynaa?”

Waxa xuduudka Bangaladhish iyo Burma lagu beeray miinooyin si aan dadku ugasoo gudbin xuduuda, xitaa hadii ay galaana waxay la kulmayaan tacadiyo ka dhan bani aadamnimada.

Dadkaas dhawrka milyan ah waxa la rabaa in la dabar gooyo, cid ka hadlaysa ama u damqanaysaana majirto, kaliya dawladihii hadlya iyo qaramada midoobay waxay ku gaabsadeen inay u diraan canbaarayn kaliya.

Qaramada midoobay waxay ku tilmaantay dhibka halkaas ka jira inay tahay iskuday lagu xasuuqayo qabiil dhan. Halka Jariidada The Guardian ay ka tidhi: “Waa jariimo ama tacadiyo bani aadamnimada ka dhan ah” Halk saxiifada Independent  ay ka tidhi: ” Waa xasuuq wadareed”

Gabadha madaxda ka ah dalkaas oo la dhaho sushi, waxay qaadatay abaalmarinta Nobelka waxayna tidhi: “Hindiya waan uga mahadcelinyanaa inay nooga tacsiyeynayso falalka aragagixo ee dalkayaga” Waxayna argagaxiso ula jeedaa Muslimiinta ay askarteedu laynayso.

Madaxda Muslimiinta:

Wadamada Islaamka intooda badan madaxdoodii kamay hadlin marka laga reebo Ilaahay ha dhawro isaga iyo dalkiisaba madaxweynaha dalka Islaamka ah ee Turkiga oo si ba’an u canbaareeyey dhibka ka dhacay meesha, wuxuuna dalkiisu u fidinayaa caawimooyin iyo kaalmooyin la siin doono dadka kusoo baro kacay Bangaladish, isagoo Bangaladhish ka codsaday inaan dib loo celinin qaxoontiga Rohinga. Dhanka kale Ururka iskaashiga Islaamka ayaa isaguna canbaareeyey xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma, balse canbaarayn maxay u taraysaa dad dhimnaya!!!

Maxaan qabankaraa anigu ka muslim ahaan?

  • Ugu horeyn awooda ugu wayn ee aad haysida waa inaad si niyad ah ugu ducayso walaaladaas lagu laynayo kaliya diintooda, waxaad ugu ducaysaa sujuuda shexdeeda, sidoo kale waa in culumada iyo imaamyada masaajidada ugu duceeyaan qunuutka salaada dhexdiisa.
  • Waxaad kale oo aad faafisaa xaqiiqda runta ah ee ka jirta halkaas, adigoo cid kasta gaadhsiinaya in dad bani aadam ah lagu gumaaday dalka Burma, oo cida laynaysaana ay tahay argagaxisada Budhiska ah ee ay ugu horeyso naagta raiisal wasaaraha ka ah dalkaas.
  • Meeshii aad ku aragto ururo la aqoonsanyahay oo caawinaya dadka tabaalaysan ka qeybqaado oo u fidi gacan wax ku ool ah walaaladaa.

Waxa diyaariyey, qorey, soona jeedinaya Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigashooyin:

  1. Ra’iisul wasaaha Burma oo ku tilmaantay dadkii la dhibayey argagixixo
  2. Aljaziira xasuuqa qarsoon ee Muslimiinta Burma
  3. Aljaziira dhaawaca furan
  4. Ordogan oo ku baaqay in la caawiyo muslimiinta Burma
  5. Qaxoontiga