Tusmo

Gabaygii Sucaaad way tagatay iyo taariikhdii Kacab ibnu Zuhayr.

Kacab ibnu Zuhayr wuxuu nin abwaana oo suugaanyahana, wuxuu abwaanimada ka dhaxlay aabihii Zuhayr ibnu Abisulmaa oo ahaa ninkii ugu abwaansanaa dhamaan Carabtii Jaahiliga. Waxa la dhahaa sadex nin ayaa Carabta ugu abwaansanaa waa ninka la dhaho Imru’ul Qays, Zuhayr ibnu Abusalma iyo Naabiqatu Aldubyaani.

Zuhayr gabaygiisa waxay gaaladii Qureesheed ku xardheen Kacbada xilligii Islaamka kahor, wuxuuna had iyo jeeraale ku caan ahaa gabayo xikmad leh oo noqda maahmaahyo iyo mahadhooyin. Zuhayr wuxuu dhalaya Kacab iyo Bujayr oo labadooduba abawaano ahaa, Kacab isagoo yar ayuu doonay inuu gabyo balse aabihii ayaa u diiday isagoo uga cabsanaya inuu ku hadlo gabay daciifa kadibna lagu ceebeeyo qoyskiisa.

Kacab markii uu waynaaday wuxuu noqday sidii aabihii oo kale oo wuu gabyi jiray, wuxuuna soo gaadhay casrgii Jaahiliga iyo casrigii Islaamka halka aabihii aanu Islaamka kasoo gaadhin ee horteed uu geeriyooday.

Kacab wuxuu carrabka iyo suugaanta ku dhibi jiray Islaamka iyo Muslimiinta, kadibna waxa islaamay walaalkii Bujayr oo noqday Saxaabi kamida saxaabada, dabadeedna arrintaas ayuu ka cadhooday oo wuxuu tiriyey gabay farriin ahaa oo uu leeyahay Bujarow ma diintii aabayaasha ayaad ka doorbiday diin kale, wuxuuna Islaamnimada ku ceebeeyey walaalkii.

Kacab markii uu daynwaayey caydii iyo aflagaadadii Islaamka ayaa nabigu (scw) wuxuu ku xukumay in la dilo Kacab meeshii lagu arko, arrintaas ayaa Kacab cabsi badan ku keentay oo meel uu ku maganalo ayuu waayey, oo xitaa asxaabtiisii dadka ugu dhowaa ayaa dhahay Adeer hanagu mashquulin annagu Muxamed kaama celin karayno. Kacab dhulkii waasica ahaa ayaa ku cidhiidhiyoobay, dababdeedna wuxuu go’aansaday inuu nabiga (scw) u tago oo uu qaato Islaamnimada, waxaana arrintaas ku dhiirigaliyey walaalkii Bujar oo u sheegay in nabigu aanu dilin qofka u yimaada ee cafis ka dalabada.

Kacab oo yimid magaalada Madiina

Kacab wuxuu soo galay magaaladii Madiina wuxuuna yimid masaajidka markii salaada subaxa laga soo baxay wuxuuna hor fadhiistay nabiga, manuu garaynin nabigu kadibna wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waxa gurigayga jooga ninkii Kacab ee aad ku xukuntay dilka ee haduu kuu yimaado ma cafinaysaa, wuxuu dhahay nabigu: Haa. Kacab wuxuu dhahay: Aniga weeye Kacab, dabadeedna nin reer Ansaareed ahaa ayaa seef ku qabtay ninkii Kacab oo dhahay: Rsuulkii Ilaahayow ii ogolow aan qoorta gooyo cadawgii Ilaahaye, markaasuu nabigu dhahay: Maya, ee wuxuu yimid isagoo cafis dalbanaya.

Ninkii Kacab goobtaas wuxuu ka tiriyey gabay gole kafuul ahaa oo meel walba dunida maray oo loo turjuma luuqado badan, inaguna inshallah aynu u turjumi doona Afka soomaaliga. Gabaygaas wuxuu kaga hadlayaa afar qaybood, qeyb wuxuu ku sheegayaa jacayl uu uqabay gabadh la dhaho Sucaad, qeybta labaadna wuxuu ku amaanayaa hashiisa, qeybta sadexaadna wuxuu ku amaanayaa nabiga (scw), qeybta u danbaysana wuxuu amaanayaa saxaabadii Muhaajiriinta.

Gabaygan markuu dhamaystiray ayuu Nabigu go’iisii dusha ka saaray ninkii Kacab ibnu Zuhayr waanu cafiyey, Ilaahay raali haka ahaadee gabaygiisii wuu caanbaxay oo meel walbana waa gaadhay, ka akhriso isagoo ku qora Carabi iyo turjumadii oo afsoomaaliya.

Gabaygii oo ku turjuman Afsoomaali

 

مُتَيَّمٌ إثْرَها لم يُفْدَ مَكْبولُ

Jacayl aan u hayo ayada gadaasheed, kamanaan baxsan xidhigii Jacayl

بانَتْ سُعادُ فَقَلْبي اليَوْمَ مَتْبولُ

Sucaad way fogaatay Qalbigayguna maanta waa mid u dullaysan Jacayl

إِلاّ أَغَنُّ غضيضُ الطَّرْفِ مَكْحُولُ

Marka laga reerbo Deero ciyeysa oo indho madow isku haysa

وَمَا سُعَادُ غَداةَ البَيْن إِذْ رَحَلوا

Kuma shabihi karo Sucaad markay waabarigii safartay

لا يُشْتَكى قِصَرٌ مِنها ولا طُولُ

Laguma ceebaynayo gaabni iyo dherer xad dhaaf ahna toona.

هَيْفاءُ مُقْبِلَةً عَجْزاءُ مُدْبِرَةً

Waa mid calool yar soo jeedka, sii jeedkana ka dhisan

كأنَّهُ مُنْهَلٌ بالرَّاحِ مَعْلُولُ

Waxaad moodaa candhuufta sidii meel loo arooro, oo lagu daray khamri oo la waraabiyey

تَجْلُو عَوارِضَ ذي ظَلْمٍ إذا ابْتَسَمَتْ

Waxay kashifaysaa ilko faantax leh markay qososho.

صافٍ بأَبْطَحَ أضْحَى وهْومَشْمولُ

Oo saafiya oo yaala meel tamuux , ku waabaraystayna dabayl

شُجَّتْ بِذي شَبَمٍ مِنْ ماءِ مَعْنِيةٍ

Waxa lagu daray baraf oo ka ahaaday biyaha waadiga .

مِنْ صَوْبِ سارِيَةٍ بِيضٌ يَعالِيلُ

Roobka habeenka iyo daruur hoganaysa

تَنْفِي الرِّياحُ القَذَى عَنْهُ وأفْرَطُهُ

 Ay ka reebayso dabayshu kudaafada kagana tagayso

مَوْعودَها أَو ْلَوَ أَنَ النُّصْحَ مَقْبولُ

Ballanteedii, ama hada waano aqbalayso

أكْرِمْ بِها خُلَّةً لوْ أنَّها صَدَقَتْ

Wanaagsanaan lahaydaa saaxibtinmadeedu haday run ka sheegi lahayd

فَجْعٌ ووَلَعٌ وإِخْلافٌ وتَبْديلُ

Argagax, been iyo ballanburis iyo saaxbnimo badalasho.

لكِنَّها خُلَّةٌ قَدْ سِيطَ مِنْ دَمِها

Hase ahaatee waa saaxibtinimo lagu daray dhiigeedii

كَما تَلَوَّنُ في أثْوابِها الغُولُ

Siday ay isugu midabayso maryaheedu ciida.

فما تَدومُ عَلَى حالٍ تكونُ بِها

Kuma daa’imayso xaaladna inay ahaato

إلاَّ كَما يُمْسِكُ الماءَ الغَرابِيلُ

Waa sida dhagax dixeed biyo qabanayo kale

ولا تَمَسَّكُ بالعَهْدِ الذي زَعَمْتْ

Mana oofinayso axdigii ay sheegatay

إنَّ الأمانِيَّ والأحْلامَ تَضْليلُ

Maxaa yeelay yididiilooyinku iyo riyooyinku waa baadi

فلا يَغُرَّنْكَ ما مَنَّتْ وما وَعَدَتْ

Yaanay ku kadinin sheegashadeeda iyo ballamaheedu

وما مَواعِيدُها إلاَّ الأباطيلُ

Ballamaheeduna maaha waxaan baadil ahayn

كانَتْ مَواعيدُ عُرْقوبٍ لَها مَثَلا

Waxa ballanteedu lamid tahay tusaale sidii Curquub *

وما إِخالُ لَدَيْنا مِنْكِ تَنْويلُ

Umana malaynmaayo inay nasiin doonto

أرْجو وآمُلُ أنْ تَدْنو مَوَدَّتُها

Waxaan rajaynayaa inay soo dhowaato Jacaylkeedu

إلاَّ العِتاقُ النَّجيباتُ المَراسِيلُ

Waxa gaadhi kara un hasha kamida halawaha wanaagsan ee dheereeya.

أمْسَتْ سُعادُ بِأرْضٍ لايُبَلِّغُها

Sucaad waxay ku galabaystay dhul aan la gaadhayn

لها عَلَى الأيْنِ إرْقالٌ وتَبْغيلُ

Taasoo xilligan dheeraysa oo adagna

ولَنْ يُبَلِّغَها إلاّغُذافِرَةٌ

Gaadhina maayo  ilaa halaha xoogoodu dhamayska tiranyahay mooyee

عُرْضَتُها طامِسُ الأعْلامِ مَجْهولُ

Waxay u banbaxaysaa dhulka aan calaamadaha lahayn ee aan la aqoonin

مِنْ كُلِّ نَضَّاخَةِ الذِّفْرَى إذا عَرِقَتْ

Midkasta oo issha ah way wayntahay iyo lafaha dhagaha, marka dhidido (jawigu kululaado)

إذا تَوَقَّدَتِ الحَزَّازُ والمِيلُ

Marka ay shidanto dhulka adkaado ee uu fogaado*

تَرْمِي الغُيوبَ بِعَيْنَيْ مُفْرَدٍ لَهِقٍ

Waxay ku tuuraysaa waxa maqan indho bahaleed cadcad

في خَلْقِها عَنْ بَناتِ الفَحْلِ تَفْضيلُ

Abuurkeeduna hablaha faceedaha waa ka fadilanyahay

ضَخْمٌ مُقَلَّدُها فَعْم مُقَيَّدُها

Waa mid u wayn (Hashu) qoorteeda waxaana dhamaystiran hogaankeeda

في دَفْها سَعَةٌ قُدَّامَها مِيلُ

Jeenigeedu waa waynyahay, qoorteeduna way ka horeysaa (qoorteeda dheer)

غَلْباءُ وَجْناءُ عَلْكوم مُذَكَّرْةٌ

Qoorteeda wayn, dhabano hilibaysan ayey leedahay waana mid lab u eeg (Geela labkiisa ayey u eegtahay xaga xooga iyo murqaha)

طَلْحٌ بضاحِيَةِ المَتْنَيْنِ مَهْزولُ

Cayayaanka geela ku dhashaa, dhabarkeeduna waa muuqdaa oo dhuubanyahay.

وجِلْدُها مِنْ أُطومٍ لا يُؤَيِّسُهُ

Harageeduna waa sdia haraga Diinka oo aanay saamaynayn

وعَمُّها خالُها قَوْداءُ شْمِليلُ

Adeerkeed, abtigeedna waa kuwa dhabarka iyo qoorta u dheer ee dheereeya

حَرْفٌ أخوها أبوها مِن مُهَجَّنَةٍ

Waa sida Xaraf, walaalkeed aabaheed waa geel nooca wanaagsan

مِنْها لِبانٌ وأقْرابٌ زَهالِيلُ

Laabteeda, dabadeeduna waa adagtahay, muruqyo ayey ku leedahay.

يَمْشي القُرادُ عَليْها ثُمَّ يُزْلِقُهُ

Wuu ka soconayaa Cayayaanka geela cunaa, markaasuu ka siibanayaa

مِرْفَقُها عَنْ بَناتِ الزُّورِ مَفْتولُ

Suxulkeedu waa mid feedhaha ku dhajisan

عَيْرانَةٌ قُذِفَتْ بالنَّحْضِ عَنْ عُرُضٍ

Dameer Farow, lagu tuuray hilib kaydsan hareeraheeda

مِنْ خَطْمِها ومِن الَّلحْيَيْنِ بِرْطيلُ

Ee hungurigeeda iyo labada gafuurba sidii dhagax ama xadiid.

كأنَّما فاتَ عَيْنَيْهاومَذْبَحَها

Waxaad moodaa  horteeda iyo meesha laga gawraco

في غارِزٍ لَمْ تُخَوِّنْهُ الأحاليلُ

Candhadeedu malaha caano

تَمُرُّ مِثْلَ عَسيبِ النَّخْلِ ذا خُصَلٍ

Waxa lulaysaa dibkeeda oo lamooda sida jirrida Timirta oo timo leh

عَتَقٌ مُبينٌ وفي الخَدَّيْنِ تَسْهيلُ

Waxay arkayaan wanaageeda cad, dhabankeeduna waa mid fudud

قَنْواءُ في حَرَّتَيْها لِلْبَصيرِ بِها

Sankeedu dheeryahay, dhagaheeduna cidii u fiirsata

ذَوابِلٌ مَسُّهُنَّ الأرضَ تَحْليلُ

Dhul engegan ayey taabanayaan luguh si yar

تُخْدِي عَلَى يَسَراتٍ وهي لاحِقَةٌ

Waxa ku ordaysaa lugo dhuuban oo caato ah

لم يَقِهِنَّ رُؤوسَ الأُكْمِ تَنْعيلُ

Mana ka difaacayso buuraha madaxyadooda kabo

سُمْرُ العَجاياتِ يَتْرُكْنَ الحَصَى زِيماً

 Wax madow lugaheeda, waxayna kaga tagayaan qururxa fidhin (way kala kaxaynaysaa orodkeeda awgeed)

وقد تَلَفَّعَ بالكورِ العَساقيلُ

Oo ay ka shidant buuraha dhalanteed

كأنَّ أَوْبَ ذِراعَيْها إذا عَرِقَتْ

Waxaad moodaa soo laabida gacanteedu markay dhidio

 

كأنَّ ضاحِيَهُ بالشَّمْسِ مَمْلولُ

Oo aad moodid muuqashada Qorraxda sidii danbas

يَوْماً يَظَلُّ به الحِرْباءُ مُصْطَخِداً

Maalin, uu jirjirooluha asiibayo qorraxdu

وُرْقَ الجَنادِبِ يَرْكُضْنَ الحَصَى قِيلُوا

Ayaxa dameeriga ah ordayo qururaxa xilliga duhurkii

وقالَ لِلْقوْمِ حادِيهِمْ وقدْ جَعَلَتْ

Oo uu dhahay Raga kii hogaaminayey, ayadoo la yeelay

قامَتْ فَجاوَبَها نُكْدٌ مَثاكِيلُ

oo ay istaagay gabadhii oo ay ajiibeen dumar aan ubad dhalin iyo kuwo ubadkii ka dhinteen

شَدَّ النَّهارِ ذِراعا عَيْطَلٍ نَصِفٍ

Maalintu darantahay, gacan gabadh dheer oo cimrigeedu meel dhexaad yahay *

لَمَّا نَعَى بِكْرَها النَّاعونَ مَعْقولُ

Markii loo sheegay geerida wiilkeedii curad

نَوَّاحَةٌ رِخْوَةُ الضَّبْعَيْنِ لَيْسَ لَها

Oo ay barooran, cududa aan lahayn

مُشَقَّقٌ عَنْ تَراقيها رَعابيلُ

ay u googayso qaybo yaryar, iyo kalxanteeda. (Gacmaheeda ayey laabteeda la dhacaysaa ayadoo barooranays)

تَفْرِي الُّلبانَ بِكَفَّيْها ومَدْرَعُها

ay la dhacayso laabteeda gacmaheeda, diriceediina

إنَّك يا ابْنَ أبي سُلْمَى لَمَقْتولُ

Adigu wiilkii Abii sulmow waa lagu dilayaa

تَسْعَى الوُشاةُ جَنابَيْها وقَوْلُهُمُ

Waxa soconaya dirdiraalayaasha magaalada hareeraheeda iyo hadalkoodii ahaa

لا أُلْهِيَنَّكَ إنِّي عَنْكَ مَشْغولُ

Ha igu mashquulin, anigu xagaaga waan ka mashquuleey

وقالَ كُلُّ خَليلٍ كُنْتُ آمُلُهُ

Oo ay dhaheen ku kasta oo saaxiib sokeeya ahaa oo aan rajo ka qabay.

فَكُلُّ ما قَدَّرَ الرَّحْمنُ مَفْعولُ

Wax kasta oo uu qadaro Raxmaanu waa mid dhacaayee

فَقُلْتُ خَلُّوا سَبيلِي لاَ أبا لَكُمُ

Waxaan idhi; wadada  iiga baneeya aabe malihidin

يَوْماً على آلَةٍ حَدْباءَ مَحْمولُ

Maalin ayaa naxashka lagu xanbaari (uu dhiman)

كُلُّ ابْنِ أُنْثَى وإنْ طالَتْ سَلامَتُهُ

Wiilkasta oo hooyo dhashay, haba dheeraato cimrigiisa iyo nabadiisubee

والعَفْوُ عَنْدَ رَسُولِ اللهِ مَأْمُولُ

Caifskaana Rasuulka Ilaahay agtiisa aan rajaynayaa

أُنْبِئْتُ أنَّ رَسُولَ اللهِ أَوْعَدَني

Waxa la ii sheegay in Rasullka Ilaahay ii hadiday

والعُذْرُ عِنْدَ رَسُولِ اللهِ مَقْبولُ

Cudurdaarkaana Rasuulka Ilaahay agtiisa waa laga aqbalaa

وقَدْ أَتَيْتُ رَسُولَ اللهِ مُعْتَذِراً

Waxaan u imid Rasuulkii Ilaahay anigoo cudurdaaranaya

الْقُرْآنِ فيها مَواعيظٌ وتَفُصيلُ

Quraanka ee dhexdiisana ay ahayd waanada iyo cadaysimuhu.

مَهْلاً هَداكَ الذي أَعْطاكَ نافِلَةَ

U kaadi, waxa ku hanuuniyey kii ku u siiyey siyaadada

أُذْنِبْ وقَدْ كَثُرَتْ فِيَّ الأقاويلُ

Mana danbaabin, waxaana igu batay hadal hayntii

لا تَأْخُذَنِّي بِأَقْوالِ الوُشاة ولَمْ

Ha ii qabanin hadalka diradiraalayaasha

أرَى وأَسْمَعُ ما لم يَسْمَعِ الفيلُ

aan arki lahaa oo maqli lahaa wax aanu maqlin Maroodigu

لَقَدْ أقْومُ مَقاماً لو يَقومُ بِه

Waxaan ka istaagay boos haduu istaagi lahaa

الَّرسُولِ بِإِذْنِ اللهِ تَنْويلُ

Rasuulka idanka Ilaahay siismo

لَظَلَّ يِرْعُدُ إلاَّ أنْ يكونَ لَهُ مِنَ

Wuxuu ahaan lahaa mid gariiraya illaa uu uga ahaado

في كَفِّ ذِي نَغَماتٍ قِيلُهُ القِيلُ

Gacan daran oo la fulinayo amarkiisa

حَتَّى وَضَعْتُ يَميني لا أُنازِعُهُ

Illamaa aan ka saarayo midigtayda oo aanan ka baxaynin (Baycada nabiga)

وقيلَ إنَّكَ مَنْسوبٌ ومَسْئُولُ

Oo la dhahay adigu waxbaad masuul ka tahay (danbi ayaad gashay)

لَذاكَ أَهْيَبُ عِنْدي إذْ أُكَلِّمُهُ

Taasbaa igaga haybad bada agtayda markaan hadlayo

مِنْ بَطْنِ عَثَّرَ غِيلٌ دونَهُ غيلُ

Waadi libaaxu ku badanyahay oo dhirtuna ay is haysato

مِنْ خادِرٍ مِنْ لُيوثِ الأُسْدِ مَسْكَنُهُ

(Haybada nabigu waxay la mid tahay) Libaax jooga deegaankiisii

لَحْمٌ مَنَ القَوْمِ مَعْفورٌ خَراديلُ

Hilib Rageed, oo lagu masaxay dhulka oo la googooyey

يَغْدو فَيُلْحِمُ ضِرْغامَيْنِ عَيْشُهُما

Uu ku kallahayo, oo uu quudinayo cagabaruuryadiisa, quudkooduna yahay

أنْ يَتْرُكَ القِرْنَ إلاَّ وهَوَمَغْلُولُ

Inuu ka tago ugaadhiisa ilaa isagoo burburiyey mooyee

إِذا يُساوِرُ قِرْناً لا يَحِلُّ لَهُ

 Markuu kusoo boodo ugaadhiisa uma banaana

ولا تَمَشَّى بَوادِيهِ الأراجِيلُ

Mana socdaan barbarkiisa wax lugeeyaa

مِنْهُ تَظَلُّ سَباعُ الجَوِّضامِزَةً

Socodkiisa (Libaaxa) waxa shinbirihii jawigu u aamusayaan

مُطَرَّحَ البَزِّ والدَّرْسانِ مَأْكولُ

Waxa lagu qasayaa dhiig isaga iyo maradiisa oo waa la cuni (kii kalsoonida isku qabay markuu Libaaxu arko)

ولا يَزالُ بِواديهِ أخُو ثِقَةٍ

Kamana suulayo ka isku huba kalsooni

مُهَنَّدٌ مِنْ سُيوفِ اللهِ مَسْلُولُ

Waana seef kamida seefaha Ilaahay ee galka la’

إنَّ الرَّسُولَ لَنورٌ يُسْتَضاءُ بِهِ

Rasuulku dhab ahaantii waa Nuur wax lagu iftiinsado

بِبَطْنِ مَكَّةَ لَمَّا أسْلَمُوا زُولُوا

Waadigii Makkah markay Islaameen ayey ka hijroodeen

في فِتْيَةٍ مِنْ قُريْشٍ قالَ قائِلُهُمْ

Isagoo dhex jooga dhalinyaro reer Qureesh ah oo uu dhahay

عِنْدَ الِّلقاءِ ولا مِيلٌ مَعازيلُ

Xilliga dagaalka, iyo saanad la’aan lamay tagin

زالُوا فمَا زالَ أَنْكاسٌ ولا كُشُفٌ

Way hijroodeen, manay la hijroon tamaryari iyo hub la’aan

مِنْ نَسْجِ دَأوُدَ في الهَيْجَا سَرابيلُ

waa dircigii nabi Daawuud ee la gashan jiray (dircigu waa jaakeda laga gashto hubkii waagaas)

شُمُّ العَرانِينِ أبْطالٌ لُبوسُهُمْ

Waa kuwo san dheer, oo geesiyaal ah dharkooduna

كأنَّها حَلَقُ القَفْعاءِ مَجْدولُ

Oo la moodo xalqada dhirta is haysata

بِيضٌ سَوَابِغُ قد شُكَّتْ لَهَا حَلَقٌ

Waa dirci dheer oo leh xalqadooyin

ضَرْبٌ إذا عَرَّدَ السُّودُ التَّنابِيلُ

Seefahooda, marka ay cararaan kuwa madow ee gaabani (Fulayga)

يَمْشونَ مَشْيَ الجِمالِ الزُّهْرِ يَعْصِمُهُمْ

Waxay u soconayaa socodka geela cadcad, waxa difaacaya

قَوْماً ولَيْسوا مَجازِيعاً إذا نِيلُوا

Mana argagaan hadii laga adkaado

لا يَفْرَحونَ إذا نَالتْ رِماحُهُمُ

Ma farxaan saxaabadu markay guushu raacdo

وما لَهُمْ عَنْ حِياضِ الموتِ تَهْليلُ

Mana ka dib dhacaan darta geerida

لا يَقَعُ الطَّعْنُ إلاَّ في نُحورِهِمُ

 kagama dhaco nabarkuna qoortooda mooyee meel kale

 Waxa soo jeedinaya soona turjuma Abdulaziz Mohamed Oogle