Fanaan Spanish ah oo magaciisa la dhao Romero Roomaan, kuna takhasusay heesaha Classica ah ayaa wuxuu doonay inuu baadho meesha ay kasoo jeedaan asal ahaan heesaha Classics ah. Dabadeena wuxuu ogaaday in heesahan asal ahaan ay kasoo farcameen nashiidooyinkii muslimiinta reer Andalus, ee ku noolaa dalka Spain.

Intaas kadibna wuxuu si qoto dheer usii baadhay nashiidooyinkaas, wuxuuna la yaabay qaabka ay muslimiintii reer Andalus ay u amaani jireen Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kadibna wuxuu fanaankii Spanishka ahaa uu la dhacay cilmigii ku duugnaa nashiidooyinkaas, oo ay ugu horeyso kalinimada Ilaahay, iyo sida nabi Muxamed (scw) uu ugusoo halgamay diintiisa.

Romero Roman wuxuu aad u jeclaada nabi Muxamed (scw) iyo taariikhdiisii, kadibna wuxuu bilaabay inuu dhagaysto subaxa codka wadaad Quraan ka akhriya masaajid gurigiisa u dhowaa.

Romero wuxuu ahaa nin bare sare ku ahaa heesaha classic ah, isagoo sita shahaada diktoorada, wuxuuna ahaa nin qiimayn kara codka, luuqda iyo dhawaaqa bani Aadamka. Sidaas awgeed wuxuu si wayn u dhagaystay Quraanka a akhriyo masaajidkaas, wayna cajab galsay dhagaysigaasi. Ugu danbayna wuxuu soo iibada albam Quraanka Kariimka ah oo uu duubay Sheekh Abdulbest Abdusamed.

Wuxuu dhahay Romero: “Intii aan dhagaysanayey Quraanka Kariimka ah, kamaan halin wax khalal ah oo ku aadan xaga luuqda iyo laxanka toona” Dabdeedna nikii Romero wuu islaamay, isagoo dadkana ka qariyey islaamnimadiisa.

Mudo hal sano kadib ayaa waxa soo booqday dhalinyaro muslimiina oo ku macsuumay inuu uraaco magaalo ku taala dalka Moroco, si ay uga qaybgalaan xaflad wayn oo lagu gorfaynayey nashiidooyinka iyo guud ahaa clasiic musica.

Romero iyo dhalintii way is raaceen waxay gaadheen magaalada Tétouan ee wadanka Moroco. Kadibna dhalintii ayaa waxay galeen Masaajid si ay u tukadaa, isaguna wuxuu ku dul wareegayey masaajidka hareerihiisii. Salaadii markii la qiimay ayaa waxa salaada tujiyey oday waayeel ah, markaasuu akhriyey Quraanka Kariimka, wuxuu dhahay Romero: “Markaan maqlay Quraanka Kariimka ah ayaan bilaabay inaan ooyo oo aan ilmeeyo, illamaa aan ku dhowaaday inaan suuxo”

Dhalintii kolkii ay salaadii kasoo baxeen ayey arkeen ninkii Romero oo gabigisuba is badalay, markaasay waydiin: “Maxaa ku asiibay? ma cid familka ah ayaa dhib soo gaadhay? Romero muu jawaabin ee kaliya wuxuu ydihi: “Waxaan rabaa inaan aado iminka magaaldii uu dagnaa ee Granada”

Dhalintii waxay moodeen in Romero cid ehelkiisa ah ay soo gaadheen dhib wayni, kadibna way baxeen oo waxay aadeen magaaldii, dabadeedna Romero wuu qubaystay wuxuuna galay masaajidkii ugu dhowaa, wuxuuna dadkii ku dhahay: inaan tukado ayaan rabaa!! Dadkii waxay dhaheen: Ma Islaamtay? wuxu dhahay: Maya, ee sidaan ku islaamaa? Waxay dhaheen: Shahaadada ayaa laguu qabanayaa, kadibna waxa lagu barayaa salaada.

Romero sidaas ayuu ku islaamay, isagoo magaciisana u badalay Cabdusamed Romero, isagoo jacayl xad dhaaf ah u hayey Sheekh Cabdulbaset Cabdusamed Ilaahay ha u naxariistee.

Markuu islaamay Romero, ee islaamnimadiisii shaac baxday ayaa joornaaladii Spanishku weerareen, maadaam uu ahaa nin maalqabeena, sidoo kalena heer ka gaadhay heesaha iyo fankaba, wuxuuna kamid ahaa dadkii heesaha u samayn jiray Yusuf Islam.

Islaamnimada Romero waxa maqlay safiirkii Sacuudiga u fadhiyey Spain,  kuna casuumay isaga iyo haweenaydiisii oo ayaduna qaadatay islaamka inay booqdaad magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Madiina. Cabdusamed Romero wuxuu gutay waajibaadkii cumrada. kadibna wuxu fursad u helay inuu la kulmo boqorkii Sacuudiga ee malik Fahad, markaasuu boqorkii waydiiyey: “Maxaad ugu baahi badantihii dalkiin?”

Cabdusamed Romero wuxuu ku jawaabay: “Baahida ugu badan ee i haysaa waa inaan barto luuqada afka Carabiga ah, si aan u fahmo Quraanka Kariimka ah!!” Boqorkii wuxuu minxo wabarasho siiyey Romero iyo xaaskiisii, waxayna galeen jaamacada Umu-Alquraa, ayagoo daganaa magaalada Makkah toban sanadood, isagoo helay shahaadada masterta ee diraasaadka islaamka, iyo haweenaydiisii oo ayduna heshay shahaada masterta ee tarbiyada islaamka.

Cabdusame Romero wuxuu ku laabtay magaaladiisii Granada, isagoo ka furay dugsi hoose, dhexe iyo sare oo lagu barto culuumta Islaamka, sidoo kalena wuxuu furay jaamicad lagu barto diraasaadka sare ee Islaamka, waxa uu dhisay masaajid, wuxuu leeyahay idaacad uu ku baahiyo diinta Islaamka, sidoo kale wuxuu leeyahay website ama mareegta internetka oo uu ku faafiyo Islaamka.

Sheekadii Cabdusamed may dhamaystirmin, ee wuxuu la kulmay caalimka muslimka ah ee reer Masar sheekh Dr Zaghloul Najjar, kadibna wxuu u sheegay wadaadkaas in boqorkii iyo boqoradii reer Spain ay imanayaan magaalada Riyadh, oo uuna doonayo inuu ka faa’idaysto jaaniskaas oo diinta ugu yeedho boqorka iyo boqorada reer Spain. Dabacan meeshaas ayuu tagay waanu la kulmay, sidaasbaanu ugu gudbiyey farriintii iyo dacwadii Islaamka.

Hadaba Cabdusamed kolkuu soo laabtay ayaa waxa wareystay Dr Zaghloul Najjaar, oo ka wareysanayey kulankii dhexmaray isaga iyo boqorkii reer Spain. Hase ahaatee, Cabdusamed wuxuu waday nin dhakhtar ahaa oo la dhaho Dr Kondi. Ninkani wuu oynayaa, markaasa la wareysatay sababta uu la oynayo, wuxuuna leeyahay: “Muslimiineey, Carabeey maxaad nooga tagteen? Maxaad uga baxdeen dhulka Spain, waxaan ahayn wadadii ay ku islaami lahaayeen reer Yurubkue!!  Waxa la waydiiyey: Maxaa dhacay? Adiguse sidaad ku islaamtay? Ninkii oo indhihiisa ay ilmo ka qubanayso ayaa wuxuu dhahay:

Waxaan ahaa nin dhakhtar ah, kana shaqeeya cusbitaal, waxaan lahaa gabadh yar oo kaliya oo hooyadeed ay dhimatay, kadibna waxaan guursaday gabadh kale. Inanatayda aan dhalayna waxay ahayd <<dhib yar>>, wax dhib ah igumay haynin, kadibna markii ay kortay ayaan doonay inay noqoto dhakhtarad oo ay garabkayga midig ii noqoto oo ay igala shaqayso cusbitaalka. Waxaanan kula dardaarmay inay dadaasho oo ay dhibco fiican keento si loogu ogolaado inay gasho kulliyada caafimaadka.

Wuxuu yidhi: “Inantaydii way dadaashay, waxayna keentay dhibcihii la rabay, waana laga ogolaaday inay gasho kulliyada caafimaadka, kadibna anigoo faraxsan ayaan u iibiyey gaadhi qurxoon, hase ahaatee inantii maalin ayey shil gashay wayna dhimatay”.

Wuxuu dhahay: “Waan murugooday, oo inantaydii kaliya ayaa dhimatay, kadibna habeenkii markaan seexdo ayaan riyo ku arkaa inantaydii oo igula hadlaysa hadalo qariib ah oo yaableh!! Waan shakiyey oo waxaan is idhi; Malaa waa murugada faraha badan ayaad arkaysaa inantaadii.” Wuxuu yidhi: Si kastaba ha ahaatee, waxa igu batay riyadii inantayda oo waxay i leedahay: “Aabe baadil ayaad ku sugantahay, waa inaad raacdaa diinta muwaxidiinta <<dadka Ilaahay kali yeela>>, dadka aan dhulka ugu socon ayagoo kibirsan!!”

Ninkii Dr Kondi wuu yaabay, wuxuuna dabo galay alaabtii iyo kutubtii inantiisu lahayd, wuxuuna ogaaday in inantiisu ay islaamtay, oo ayna ka qarisay aabaheed, cabsi ay ka qabto awgeed. Hadana Dr Kondi wuxuu riyo ku arkaa meel dhagax madow oo dad ay dawaafayaan, mise dhagaxii madoobaa wuxuu ka helay xitaa sawir buugaagtii inantiisa, kadibna ninkii Dr Kondi wuxuu go’aansaday inuu islaamo, wuxuuna u yimid Cabdusamed Romero, waanu islaamay.

Dabadeedna wuxu doonay inuu booqda Makkah, hase ahaatee fiisihii dal ku galka magaalada Makkah ayaa loo diiday maadaama uu dhowaan islaamay. Ugu danbayn Cabdusamed Romero ayaa u sheegay Dr Kondi inuu garanayo dad madax sare ah oo jooga dalka boqortooyada Sacuudiga oo u sahli kara inuu booqdo Makkah.

Dr Kondi wuxuu yimid magaaladii Makkah, wuxuuna galaya baytka Ilaahay ee Kacbada, kolkuu arkay kacbadii ayuu suuxay nin Dr Kondi, kadibna cusbitaalka ayaa loo qaaday, markaas ayaa la waydiiyey: “Maxaad aragatay? wuxuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee sawirkii aan riyad ku arkayey maaha kii aan arkay buugaagta inantayda ee sawirkaan arkay wuxuu ahaa Kacbadan iyo dadkaas oo dhex dawaafaya!!!!

SubxaanAllah, ninkii Dr Kondi wuxu leeyahay: Maxaad muslimiineey uga tagteen Andalus, waxaan ahayn albaabkii ay reer Yurubtu ka islaamayee. Waxa kale oo uu dhahay: Xitaa ilaa iminka dadka Spanishka ah waxay adeegsadaan dhaqankii ay awoowyadood reer Andalus ay kasoo gaadheen, hase ahaatee ma garanayaan dhaqankaasi wuxuu yahay. Wali waxay dadka u aasaan sidii muslimiintu ay u aasi jireen waagii hore, ayagoo maydha maydka, kadibna kafan u galiya oo jiho rasmiya u jeediya, waxa kale oo guryahooda yaala looxyadii islaamiga aha, dacaskii musqusha lagu galayo, tasbiixda ama tusbaxa oo dadku aanay garanayn macnahooda iyo waxa loo adeegsado.

Dr Kondi waxa kale oo uu yidhi: “Anigu waxaan kamid ahay, dadkii asal ahaan kasoo jeeday muslimiintii reer Andalus, ee qasabka iyo seefta lagu kiristaanaysiiyeey, magaca qoyskayguna wuxuu ahaa Kindi, maaha Kondi, oo xitaa ayeyday ayaa ahayd muslimad.

Cabdusamed Rmero wuxuu yidhi: dadka reer Spain ilaa 2 milyan ayaa ah muslimiin, dadka asal ahaan kasoo jeeda Andalus ee wali muslimiinta ah waa ilaa boqolaal kun, laakiin waxaan ogaaday in dad aad u tiro badan ay ilaa hada ay qarsadaan islaamkooda, oo waxaan ku garanaynaa in dadkaasi ay wali u aasaan qaabka muslimiinta. Wuxuu qabaa Cabdusamed in sababta uu islaamay ay tahay ducooyinkii awoowyaashii laga saaaray dalka Andalus.

Tusmo

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle


Xigasho:

1: https://www.youtube.com/watch?v=vHVi_fzOYGY&t=1209s

2: https://www.youtube.com/watch?v=53pX1iQ6G28&t=1356s