Abulqaasim Cabbaas ibnu Alfarnaas ibnu Wardaas waa caalim iyo aqoonyahay Muslima oo mowsuuciya, kana soo jeeda qabiilka Berberiyiinta ee daganaa Dawladii Al-andalus. Cabbaas ibnu Farnaas waa Duuliyihii iyo Cirbixiyeenkii ugu horeeyey bani aadamka, waxa kale oo uu ahaa Dhakhtar, Xisaabyahan, Abwaan, hal abuur, aqoonyahan ku xeel dheer culuumta Kimistariga iyo Fiisigiskaba.

Cabbaas ibnu Farnaas wuxuu ku dhashay magaalada Randah ee dalka Spain ama Al-anadlus sanadkii 810 kii miilaadiga , wuxuuna ku barbaaray magaalada Qurduba, isagoo halkaas ku bartay culuum aad ukala duwan, sida cilmiga Falaga, Falsafada iyo Kimistarigaba.

Wuxuu soo gaadhay Khaliifkii dawladii Al-andalus ee Xakam ibnu Hishaam iyo wiilkiisii Amiir Cabdiraxmaan, wuxuuna ahaa Cabbaas nin aad ugu dhow madaxdii reer Al-anadlus illamaa Khaliifkii Xakam ibnu Hishaam ka dhigay macalinkiisii cilmiga Falaga iyo Xidigaha.

Cabbaas ibnu Farnaas wuxuu hal abuuray saacad ku shaqaysa biyaha, oo loo yaqaano Miiqaatah, waxa kale oo uu ku guulaystay inuu ka sameeyo dhagxaanta weel dhalo ah ama quraarada, sidoo kale wuxuu allifay muraayado indhood oo ay xidhaan dadka aragtidoodu liidato.

Dhanka kale Cabbaas wuxuu markii ugu horeysay Aduunka sameeyey aalad qeexaysa socodka xidigaha, meerayaasha iyo Qorraxdaba, sidoo kale Cabbaas wuxuu sameeyey qalin biiroogii ugu horeeye Aduunka oo dadka u fududeeyey in si joogta ah ay u qori karaan waraaqahooda iyo kutubtooda.

Cabbaas gurigiisu wuxuu ka koobnaa qolol warshadaysan oo uu ku habeeyo aalado casrigiisii uu noola wax badan ka horeeyey, illamaa dadkii la deganaa ay ku tuhmeen inuu waalanyahay iyo inuu yahay sixiroole ka baxay diinta Islaamka. Ugu danbeyna waxa lagu xukumay Masjid Jaamica magaalada Qurdubah, ayadoo la cadeeyey inuu bari ka yahay eedihii loo soo jeediyey.

Hal abuurkiisii ugu weynaa uguna caansani waa isku daygiisii inuu u duulo sida Shinbiraha, fikrdaasi inbadan ayey madaxiisa kusoo laablaabatay. Ugu danbeyna cilmi baadhis badan oo mudo dheer ku qaadatay, waxa u suurtowday inuu duulo.

Cabbaas wuxuu samaystay laba baalood oo isu dheeli tiraya miisaankiisa iyo cufijiidadka dhulka. Dabcana wuxuu kasoo booday manaarada magaalada Qurduba ugu dheer isagoo duulay mudo kooban, kadibna wuxuu isku dayey inuu soo dago hase ahaatee wuxuu halmaamay in soo dagista shinbiraha ay ka qeybqaadato dibkooda, sidaas awgeed Cabbas wuu soo dhacay wuxuuna  dhaawac kasoo gaadhay dhabarka.

Cabbaas isku daygiisa cajiibka ah waxa ka dhashay rajada ah in bani aadamku mar un ay ku duuli doonaan diyaarado, wayna dhacday oo fikradiisii waxa sii dhamaystiray reer galbeedka oo culuumta casriga ah intooda badan ka qaatay saynisyahanadii Muslimiinta.

Alle ha unaxariistee Cabbaas ibnu Farnaas wuxuu dhintay sanadkii 872 dii miilaadiga, isagoo bani aadamka uga tagay cilmi wax badan anfacay, sidaa awgeed ayaa wakaalada cirbiyeenka ee Nasa waxay ku maamuustay Cabbaas ibnu Farnaas in loo bixiyey magiciisa dhul ku yaala Dayaxa, sidoo kale waxa magaalada Qurdubah laga furay biriij wayn oo loogu magac daray Cabbaas ibnu Farnaas. Waxaana loo aqoonsaday isku daygiisii inuu ahaa Baylootkii ugu horeeyey bani Aadamka.