Tusmo

Dumarka Jannadu Xuuralcayn ma leeyihiin?

Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, waxaynaan u sugaynaa Ilaahay Mahadda oo dhan intaas kadibna waxaan ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa naxariistii Caalamiinta. Assalaama Calaykum wa raxmatullahi wa baraaktuhu.

Walaalayaal Su’aalaha ugu badan ee soo noqonda waxa kamid ah su’aalaha ku saabsan maxaa keenay in Ilaahay (S.W.T) u ballan qaado Raga dumar Xuuralcayn ah halka haweenkana aan loogu ballan qaadin Nin Xuuralcayn ah.

Dabcan waydiimahan isma waydiiyaan oo kaliya dumarka Muslimaatka ahi ee waxa barobogaadho ka dhigta gaalada isku dayda inay la dagaalamaan Islaamka hase ahaatee waxaan idiinku bishaareynaa in Diinta Islaamku tahay Diin xoog wayn oo ka sarreysa dhamaan diimaha iyo fikradooyinka kaleba.

Ugu horreyn waa in aynu fahamnaa farqiga u dhaxeeya ninka iyo gabadha. Sida aynu ognahay Ilaahay wuxuu abuuray Insaan ka kooban laba jinsi oo kala ah Lab iyo Dhadig. Labadan Makhluuqna waxyaalo badan way iska shabahaan waxyaalo kalena way ku kala duwanyihiin.

Maadaama ay kala duwanyihiin oo jidh ahaan, caqli ahaan, fikir ahaan iyo dhaqan ahaanba ay ku kala duwan yihiin waxa waajib ah in mid kastaba wuxuu jecelyahay ee fidradiisa  Ilaahay ku abuuray loo ballan qaado haduu fuliya awaamirta Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa.

Si aynu u fahmno farqigaas waxaynu soo qaadan karnaa tusaalahan; hadaad tahay waalid dhalay wiil iyo gabadh waxaad arkaysaa farqiga u dhaxeeya labadaa ilmo markay socodka bilaabaan.

Wiilku markuu socodka bilaabo markiiba wuxuu ku cayaaraa Baastoolad, Gaadhi, Baaskiil ama intuu Sariirta aado ayuu boodboodaa oo xitaa caruurnimadiisa waxaynu ka dareemaynaa inuu matalayo jinsiga labka ah.

Halka gabadha yar ee iminka socodka baratay ay ku cayaarayso ayadu Caruusad, Boonbalo ama waxay aadaysa qolka hooyadeed oo waxay isku daawanaysaa muraayada ayadoo  marsanaysa waxyaalaha hooyadeed isku qurxiso, waxaynaad dareemaynaa in ilmahaas yar uu matalayo jinsiga dhadiga.

Wiilka fidradiisu waa inuu yahay nin oo uu ku hamiyo shaqada aabihii, u socda sida aabihii sidoo kalena uu uhadlo sida aabihii ama walaaladiisa ka waawayn laakiin gabadha yar waxay ku dayanaysaa hooyadeed haday tahay xaga xishoodka, hadalka iyo dhaqankaba. Ilaahayna wuxuu dhahay isagoo ka hadlaya arrintan;

أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ﴿١٨

Ma Ilaahaybay u yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin. [Zukhruf:18]

Aaydani waxay tilmaamaysaa in Gaaladii xabaali jiray hablaha yaryari ay Ilaahay u nisbeeyeen inuu leeyahay gabdho kuwaasoo lagu barbaariyey is qurxinta,  markay noqoto xaga doodana aan cadayn karayn ujeedadooda.

Dabcan Fasirka aayadan oo aad u ballaadhan masii gudo galayno laakiin kaliya waxaynu ka faa’idaysanaynaa in habluhu markay yaryihiin ay ku barbaaraan is qurxin iyo inay dahab iska lulaan halka wiilka laga yaabo inuu isagoo qaawan suuqa cararo! Maadaama Ilaahay gabdhihii ku kobciyey is qurxinta waxa loo ogolaaday intay Aduunyada joogaan inay xidhaan Dahabka iyo Maryaha Xariirta ah balse ninka waa laga mamnuucay inuu gashto dharka Xariirta ah iyo Dahabkaba.

Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa markuu Raga Jannada ugu ballan qaaday Xuuralcayn, Dumarkiina wuxuu u ballan qaaday waxyaalo kale oo ay jecelyihiin, waynaan soo bandhigi doonaa InshAllah, balse marka hore waxaynu is waydiinaynaa inaad iiga jawaabtaan su’aashan.

Kasoo qaad waxaad tahay Aabe dhalay wiil iyo gabadh sideed iyo toban sano jira waxaanad rabtaa inaad labadaada caruura inaad siiso hadyad markay dhameeyaan Dugsiga Sare ama Dikriiga koowaad ee Jaamacada. Maxaad ugu hadyad u siinaysaa wiilka iyo gabadha?

Dabcan hadaad tahay Aabe soomaaliyeed ama Muslima kamaad xishooteen inaad Wiilkaaga aad ku tidhaahdo; Aabo markaad Iskuulka dhamayso waxaan kuu guurinayaa gabadh qurxoon oo indho waaweyn leh oo aan aqaano aabaheed iyo hooyadeed, markaad wiilkaaga sidaas aad u sheegto wuu farxayaa wuxuuna ka fakarayaa gabadhaas qurxoon ee uu la aqalgalayo, laakiin taas badalkeda hadaad inantaadii u tagto ood ku tidhaahdo; Aabe markaad Iskuulka dhamayso waxaan kuu guurinayaa Wiil xoog wayn oo murquyo waaweyn leh oo ku xanbaari kara !! ma kula tahay inantaadu inay warkaas kaa dhagaysanayso?

Jawaabtu waa maya, sababtuna waxa weeye haweenka Ilaahay wuxuu ku abuuray xishood, ayagaana ah kuwa la doono ee loo gole fadhiisto balse hadii aad ku tidhaahdo inantaadii sidan; Aabe waxaan kuu iibinayaa takham Dahab ah ama waxaan kuu gadayaa Dhar qurxoon ama Cadar aad u udgoon way farxaysaa inantii oo ku qancaysaa hadyadii.

Hadaba bal kawarran Rabbigii abuuray labka iyo dhadigaba oo cilmina u lahaa wuxuu ninku jecelyahay iyo waxay gabadhu jeceshahay. Sida Fidrada ah Ninku wuxuu jecelyahay dumarka, wax kastana wuu ku jecelyahay ha ahaato codkeeda, quruxdeeda, dhaqankeeda ama muuqaalkeeda. Ma jiro nin caadiya oo caafimaad qaba oo neceb haweenka!!

Wuxuu dhahay macalinkaygii Sheekh Axmed Deedaat Ilaahay ha u naxariistee; “Ninka waxa dabiici u ah inuu haweenka jecelyahay waana ta keentay inay reer galbeedku xayeysiin kastaba kasoo hor mariyaan gabadh qaawan oo xayeysiinaysa Taayir Baabuur ama wax lamida,  waa yaab!! Maxaa kala galay Taayirkaas iyo gabadhan miskiinada ah ee lasoo qaawiyey?  sababtu waxa weeye reer galbeedku waxay ogyihiinin in Ninku jecelyahay gabadha oo ay soo jiidanayso sidaa awgeed ayey usoo galiyaan xayeysiis kastaba. Ninkii dhaha; anigu dumarka ma jecli waa laba mid un inuu yahay; waa inuu xanuusanayo oo dareemayaashiisu aanay shaqaynayn iyo inuu beenaale yahay” [Ahmed Deedat]

Maadaama ninkii Ilaahay ku abuuray gabadh jaceyl waa in loogu ballan qaadaa haween daahir ah oo qurxoon si loogu booriyo inuu camal wanaagsan la yimaado oo uu ku guulaysto Jannada Ilaahay iyo gabdhahaas Xuuralcaynta ah.

Dhanka kalena haweenku waxay jecelyihiin waxyaalo badan, dabcan inay Rag qurxoon oo fiican jecelyihiin inay guursadaan taas shaki kuma jiro laakiin doonista ninka waxbaa dumarka xagooda ka horreeya. Waxa ugu horreeya ee ay gabadhu jeceshahay ee ay rajayso waa inay qurxoonaato oo cimrigeeduna yaraado kadibna deegaan aad u qurxoon ay dagto dabadeedna haweenaydii intaas markay hesho ayey rabtaa nin fiican oo daryeela.

Sidaas darteed ayuu Ilaahayna wuxuu dumarkii ugu ballan qaaday waxayaalihii ay aadka u jeclaayeen oo ah quruxdooda, dhalinyaradooda iyo deegaan aad u heersareeya. Ilaahay wuxuu ku leeyahay Quraanka isagoo ka warramaya abaal marinta gabadha Muslimada ah sidatan:-

إِنَّا أَنشَأْنَاهُنَّ إِنشَاءً ﴿٣٥﴾ فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا ﴿٣٦ عُرُبًا أَتْرَابًا ﴿٣٧ لِّأَصْحَابِ الْيَمِينِ﴿٣٨

(35) Annagaa ahaysiin abuurid (Da’yarayn Haweenka Jannada). (36) Kana yeeli kuwa bikro ah (37) Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna (isku da’ah). (38) Kuwa Midigta yaa muta (arrintaas). [Alwaiqica: 35-38]

Ilaahay wuxuu yidhi; Dumarkii waan abuuraynaa abuurid kale macnaha waxa looga jeedaa waa la da’yaraysiinayaa maadaama ay dhinteen ayagoo waayeel ah lagana yeelayaaa kuwo bikro ah oo jecelna ninka qaba wayna is la egyihiin xaga da’da waxaana guursanaya haweenkan raga kitaabkooda ku qaadanaya gacanta midig.

Hadaynu si wayn u dhuuxno aayadahan waxay tilmaamayaan in haween muslimaadka ahaa cimrigoodii la yareynayo oo bikrooyin ay noqonayaan sidoo kalena lagu abuurayo cod macaan iyo qurux aad u qaaliya kadibna ay gabadhaasi jeclaanayso oo kaliya ninka qaba oo ah isaguna nin wanaagsan oo jannada soo galay.

Aayadan Ilaahay wuxuu ugu ballan qaaday haweenkii in la qurxinayo oo da’doodana la yareynayo, arrintaasina waa mid ay aad u jecelyihii haweenku muslim iyo gaal tay doonaanba ha ahaadaane.

Dumarku inay quruxda iyo dhalinyaro nimada ay aad u jecelyihiin waxaa kuu cadaynaya inay xoolahooda iyo maalkoodaba ay ku bixiyaan siday u qurxoonaan lahayd intay aduunyada joogaan. Bal u fiirso inta mikyaash laysku qurxiyo ee ay gataan ama waxyaalaha afka ama bishmaha lagu caseeyo iyo dhar qurxoon. Waxaynu halkaas ka dareemaynaa in haweentu wixii ay jeclayd ee ay hantideeda oo dhan u huraysay in loo ballan qaado oo ah quruxda jidhkeeda, degaanka ay ku noolaanayso oo ah mid qurxoon iyo nin wanaagsan oo hananaya oo isaguna kamid ah asxaabta midigta.

Hadaba walaalayaal maxaa keenay in lays waydiiyo haweenku xuural cayn ma leeyihiin? jawaabtu waxa weeye; mid kasta raga iyo dumarka waxa loo ballan qaaday waxay fidradoodu jeclayd, cilmi iyo aqoona waxa  u leh labadan jinsiba Ilaahay oo abuuray labadoodaba yaqaanana mid kastaa wuxuu ka helo iyo wuxuu jecelyahay.

Haweenka Muslimaadka ah iyo Xuuralcaynta ayamaa wanaagsan?

Dabcan waxa wanaagsan oo khayr badan gabadha muslimada ah waxaana u daliila xadiiskan oo inooga qisoonaya xaalada haweenka muslimaadka ah ee Jannada. Wuxuu dhahay Nabigu (N.N.K.H);.-

قُلْت يَا رَسُول اللَّه نِسَاء الدُّنْيَا أَفْضَل أَمْ الْحُور الْعِين قَالَ : ” بَلْ نِسَاء الدُّنْيَا أَفْضَل مِنْ الْحُور الْعِين كَفَضْلِ الظِّهَارَة عَلَى الْبِطَانَة ” قُلْت يَا رَسُول اللَّه وَبِمَ ذَاكَ ؟ قَالَ ” بِصَلَاتِهِنَّ وَصِيَامهنَّ وَعِبَادَتهنَّ اللَّه عَزَّ وَجَلَّ أَلْبَسَ اللَّه وُجُوههنَّ النُّور وَأَجْسَادهنَّ الْحَرِير بِيض الْأَلْوَان خُضْر الثِّيَاب صُفْر الْحُلِيّ مَجَامِرهنَّ الدُّرّ وَأَمْشَاطهنَّ الذَّهَب يَقُلْنَ نَحْنُ الْخَالِدَات فَلَا نَمُوت أَبَدًا وَنَحْنُ النَّاعِمَات فَلَا نَبْأَس أَبَدًا وَنَحْنُ الْمُقِيمَات فَلَا نَظْعَن أَبَدًا أَلَا وَنَحْنُ الرَّاضِيَات فَلَا نَسْخَط أَبَدًا طُوبَى لِمَنْ كُنَّا لَهُ وَكَانَ لَنَا “

Umu Salama waxay nabiga wydiisay Rasuulkii Ilaahayoow yamaa fiican dumarka Aduunka iyo dumarka Xuuralcaynta? wuxuu yidhi; Dumarka Aduunka ayaa ka fiican xuuralcaynta sida marada sare (ee guudka laga gashto) uga fiicantahay marada (hoosta laga gashto sida garanka ama nigiska) waxaan idih ayey tidhi Umusala; maxay uga fiicanyihiin? wuxuu yidhi: Salaadoodii, Soomkoodii, Cibaadadii Ilaahay (S.W.T), wuxuu Alle ku labisay wajigoodii nuurka, jidhkoodana Xariir yahay, midabkooduna cadaan yahay, dharkooduna doog yahay, dahabkoodu yahay sufuri, weelkooduna ama cuudkooduna yahay Durri, shalladooduna dahab yahay dhahayana: anagu waxaan nahay kuwii waarayey mana dhimanayno abidkayo, waxaanan kuwa nicmaysan mana abaaroobayno abidkayo, waxaan nahay kuwa dagan ee aan tagayn, kuwa raaliyada ah ee aan cadhoonayn, waxa fiicnaaday cida na heshay iyo cidaan helno.

Xadiiskaasi oo imaam Dabari soo saaray wuxuu tilmaamayaa nicmada iyo quruxda haweenka muslimaadka ah. Sidoo kale haweenka Jannadu waa kuwo daahir ah oon u baahnayn inay suuliga booqdaan, malaha kaadi, dhiig iyo saxaro toona waa laga nadiifiyey dhamaan wax kasta oo fool xumo ah. Sidoo kale haweenka Jannadu malaha xaqdi, xaasidid , ciilkaanb, masayr iyo hinaase toona waxay ku kooban yihiin oo kaliya ciday la noolyihiin. Ilaahay isagoo si guud u tilmaamaya arrinkaasna wuxuu yidhi;.

يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ الْأَنفُسُ وَتَلَذُّ الْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ﴿٧١

(71) Waxaana lala korsocon Weelal (Saxamo) Dahab ah iyo Koobab, waxayna ka heli (Jannada) dhexdeeda waxay doonto Naftu kuna raaxaystaan Indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari. [Al-Zukhruf: 71]

Taasi waa nicmooyinka Mu’miniinta ee Jannada Ilaahay haynagu arzaaqo galida Jannada Raxmaanka inaga iyo ehelkeenaba iyo dhamaan muslimiinta oo dhan.

Haweenayda Guursatay Rag hore yaa ku guursanaya Jannada?

Ugu horeyn gabadha muslimada ah  ee Ilaahay ku arzaaqo inay gasho Jannada Raxmaanka waxay ahayd xaaladahan soo socda mid un:-

  • Gabadh yar oo dhimatay ayadoo bikro ah oo aan guur hore soo marin, gabadhaas Ilaahay wuxuu u guurinayaa nin wanaagsan oo ehlu Janno ah.
  • Gabadh nin guursatay oo ninkeedii (ilaahabaan ka magan galnee naarta galay) taasina waxay la mid noqonaysaa sida gabadhaas bikrada ahayd oo kale.
  • Gabadh hal nin kaliya guursatay oo labadoodiiba Jannada Raxmaanka ay galeen, taasina ninkeeda ayey nolol raaxo ah la wadaagaysaa. Wuxuuna Allah leeyahay sidan:-

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَاتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَانٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَا أَلَتْنَاهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَيْءٍ ۚ كُلُّ امْرِئٍ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ ﴿٢١﴾ 

(21) Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». [Ad-duur: 21 ]

  • Gabadh ninkeedii hore dhintay ama ay kala tageen kadibna guursatay rag kale, gabadhaasi waxay kala dooranaysaa ragaas dhowrka ah ka akhlaaqda fiican, ilaahayna wuxuu u guurinaya ka ugu akhlaaqda fiican. Culumo kalena waxay dhahaan; waxay guursanaysaa ninkii ugu danbeeyey ee qabay ayagoo xujo ka dhignaya in dumarkii Nabiga aan loo ogolaan inaanay cid kale guursan maadaama ay haweenkii nabiga yihiin oo ay Jannadana ku guursanayaan. Allahuaclam.

Radinta Gaalada isku dayeysa inay dumarka muslimiinta been u sheegaan.

Gaalada aan rumaysnayn hadalka Ilaahay iyo hadalka Rasuulkiisa Muxamed ayaa isku dayeya inay haweenka muslimaatka ah jar uga tallaabsadaan si ay ismoodsiin ama shubho diintooda ah ay ugu abuuraan. Gaaladu waxay tidhaahdaa; hadii Islaamku cadaalad yahay maxaa haweenkii loogu diiday inay guursadaan rag fara badan halka ninkii isaga loo baneeyey inuu guursado dumar badan xitaa marka aakhiro la tagana wuxuu guursanayaa ninkii haweenkiisii aduunka iyo xuuralcayn kale?? Arrintaas ayey Gaaldu ku khaldaan haweenka muslimaadka ah gaar ahaan kuwa aan cilmi badan u lahayn diinta Islaamka.

Jawaabta gaaladaasi waxay tahay marka hore haweenaydu in ay ku koobnaato hal nin oo kaliya ayaa u ah sharaf, hadii rag badan ay wadaagaan wax sharaf ama ixtiraam ah ma haysato gabadhaasi. Waxaana u daliila oo  xujo caqligiina galaysa ah  in laydin waydiiyo su’aalahan  si aad uga jawaabtaan?

Waydiinta koowaad waxay tahay;- Maanta Aduunyada gaar ahaan wadamada reer galbeedka waxa ka jira Kalaabyo badan oo lagu tunto laguna iibiyo jidhka haweenka kadibna wiilashu intay yimaadaan ayey shahwadooda gutaan oyna bixiyaan waxoogaa lacag. Gabadhaas jidhkeeda ka ganacsata waxa caafimaadkeeda la baadhaa todobaadkiiba laba jeer, si aanay cuduro ugu gudbinin dadka u imanaya!! Su’aashu waxay tahay; Maxaa gabadha ninka kaliya uu qabo caafimaadkeeda loo baadhi waayey todobaadkasta? Sababtu waxa weeye gabadhaasi waxay ku koobantahay hal nin oo kaliya loogamana cabsanayo cudurada jinsiga ku dhaca,  halka gabadhaas kalaabka joogtaa  banaanka u taalo cudurada jinsiga sida A-idska iyo Viraska kale ee lagu kala qaado galmada.

Waydiinta labaad waxay tahay;  hadii wiilashii loo sameeyey kalaabyo ay ugu yimaadaan gabdho jooga oo jidhkooda ka ganacsanaya maxaa loo heli waayey Aduunka oo dhan kalaabyo ay joogaan wiilal jidhkooda ka ganacsada oo dumarku u yimaadaan kadibna markay shawshooda fushaan oo lacagtana ay bixiyaan ay iskaga tagi waayeen. Sababta ma garanaysaan? Sababtu waxa weeye gabadhu xitaa haday gaalad tahay marnaba raali kama noqonayso  inay tagto kalaabka oo shahwadeeda ku gudato kadibna lacag ay bixiso oo ay siiso wiilkii sinaystaha ahaa, maxaayeelay gabadhu sharaf waxay ku leedahay in la doono laakiin marnaba maynaan maqal dumar ku faanaya inay raga baacsadaan!!!

Labadaa su’aalood waa kuwo caqliga bani aadamka galaya, inana tusinaya in haweenaydu si kasta oo ay u xuntahay hadana raali kama aha in ay guursato rag farabadan oo gogosha la wadaaga, hadayba dhacdana waxa badanaya jaaniska ay cudur jinsi ah ku qaadayso.

Inagoo ka duulayna caqliga haweenka waxayn fahmaynaa xikamada Ilaahay oo abuuray haweenka markuu u baneeyey inay guursato hal nin oo kaliya wuxuu sare u qaaday sharaftii haweenka waanu qadariyey.

Waxa kale oo dhowaan la ogaaday arrin mucjiso ah oo inoo cadaynaysa xikmada ku jirta in haweenaydu guursato hal nin kaliya halka ninku uu ka guursan karo dhawr haween ah.

Waxaynu ognahay in xubnaha faraheenu leeyihiin xarriijimo kaduwan kuwa dadka kale sidaas darteed ayaa faraha layska qaadaa si loogu adeegsado aqoonsiga shakhsiga.

Sidoo kale biyaha ninku waxay leeyihiin DNA u gaar ah ninkaas, markuu dhaco xidhiidh gogoleedka ugu horeeya ee ninka iyo xaaskiisuna waxa xubinta taranka ee gabadhu aqoonsataa in ninkaasi yahay ninka kaliya ee qaba haweenaydan. Xubinkaasina wuxuu awood u leeyahay inuu xasuusto biyihii ninka laakiin hadii ay haweenaydu gogol dhaaf ku dhacdo waxa burburaya xasuustii xubinkaas waxaana suurtagal noqonaya inay gabadhaasi qaado cuduro jinsi ah oo bukaan jiif ka dhiga. Waana sababta keentay in ninku uu guursan karo dumar badan halka gabadhu ay ka guursanayso hal nin kaliya.

Ilaahaybaa mahadleh, wixii khayr ah Ilaahaybaa i waafajiyey wixii khalad ahna waxay ka yimaadeen naftayda iyo Shaydaan.


Waxa diyaariyey oo soo jeedinaya Sheekh Abdulaziz Sh Mohamed Oogle