Dardaaranka ruuxa Muslimka intaanu dhimanin kahor waa awaamirta ay diinta Islaamku ku boorinayso Muslimiinta, waxaanu dardaaranku u qaybsamaa mid waajiba, iyo mid sunne ah:

– Qeybta Waajibka ah  waa inuu qofku cadeeyo xuquuqda lagu leeyahay iyo xuquuqda uu isagu dadka ku leeyahay, sida dayn lagu leeyahay, alaabo loo dhiibtay oo amaano ah, ama xoolo isagu uu dadka ku leeyahay sida inuu dadka amaahiyey lacago ama uu udhiibta alaabooyin uu leeyahay. Waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw) uu leeyahay:

عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَا حَقُّ امْرِئٍ مُسْلِمٍ لَهُ شَيْءٌ يُوصِي فِيهِ يَبِيتُ لَيْلَتَيْنِ إِلَّا وَوَصِيَّتُهُ مَكْتُوبَةٌ عِنْدَهُ

Cabdilaahi ibnu Cumar (I.R.H) waxa laga wariyey inuu Rasuulkii Ilaahay (scw) uu dhahay: “Uma ah xaq ruux Muslima isagoo leh wuxuu dardaarmo inuu seexdo laba habeen ayadoon dardaarankiisu agtiisa ugu qornayn” [Bukhaari:2587]

– Qeybta labaad waa Sunne, waana la jeclaystaa in ruuxu uu qoro dardaarankaas, sida inuu dardaarmo sadex meelood hal meel oo xoolihiisa ah markuu geeriyoodo kadib, lana siiyo tusaale ahaan qaraabadiisa aan dhaxlaynin (Dadka ku dhaxlaya looma dardaarmo), iyo sidoo kale inuu ku bixiyo acmaasha khayrka ah sida inuu dhiso masaajid, wado, iskuul, dugsi Quraan, dad muslimiina uu uqodo ceel biyo ah iwm.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ اللَّهَ تَصَدَّقَ عَلَيْكُمْ عِنْدَ وَفَاتِكُمْ بِثُلُثِ أَمْوَالِكُمْ زِيَادَةً لَكُمْ فِي أَعْمَالِكُمْ

“Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Ilaahay wuxuu idinku sadaqaystay korkiina (idiin ogolaaday) markaad dhimanaysaan sadex meelood hal meel oo xoolihiina (inaad bixisaan) si laydinku siyaadiyo camaladiina” [Ibnu Maajah: 2709]

Hadii ubadkaagu ay ku dhaxlayaan oo ay helayaan xoolo ku filan waxa haboon inaad xoolahaaga dardaaranto ugu badnaan sadex meelood marka loo qaybiyo  hal meel, sababtoo ah ma hubtid in ubadkaaga ama cida ku dhaxlaysaa inay xoolaha ay kaa dhaxleen ay wax kaaga sadaqaysanayaan.

Nabigeenu wuxuu dhahay (scw) : “Inaad ka tagto ehelkaaga oo xoolo haysta ayaa kaaga khayr badan inaad ka tagto ayagoo baahan oo dadka wax waydiisanaya” [Bukhaari:2591 ]

Dabcan inaad ehelkaaga wax uga tagto way fiicantahay balse yaa kuu damaanad qaadaya in xoolaha aad ka dhimatay lagu bixinayo wado xalaala oo diinteenu ogoshahay, waxay ubadantahay in xoolahaas loo isticmaalo jid xaaraama, sidaas awgeed inta aad nooshahahay sii qor dardaarankaaga si ay kuugu noqoto sadaqo jaariya ah.

Sidaynu la socono qofna ma oga maalinta iyo saacada uu dhimanayo iyo xaalada uu ku dhimanayo, sidaas daraadeed miyaanay haboonayn inaad sii qorto dardaarankaaga oo markhaatiyaal leh. Si aynu u ogaano muhiimada ay leedahay dardaaranku ila wadaag qisooyinka cajiibka ee aan kasoo xiganayno Dr Mohamed Alcariifi wuxuu dhahay:

  • Qisada 1 aad:

Waxa jira nin aan aqaano oo da’diisu kontonaad tahay, wuxuuna ahaa nin maalqabeena oo hantidiisu gaadhay Boqol iyo Labaatan Malayuun oo dollar, kadibna maalin isagoo ka gudbaya wadada ayaa gaadhi ka dul booday, sidaasbaanu ku geeriyooday. Markii la isoo sheegay geeridiisii ayaan aaday tacsidii, waxaan la kulmay caruurtii uu dhalay ninkaasi, waxaanan ku dhahay: aabihiin xoolo badan ayuu lahaa, ee ma katagay dardaaran sida sadaqo jaariya ah ama in masaajid loo dhiso? Waxay dhaheen: Maya, aabahayo wuu caafimaad qabay, cimrigiisuna wuu yaraa, wxuuuu dardaarmayna majirto.

Kadibna waxaan ku idhi: Hadii aabihiin Alle ha u naxariistee geeriyooday, maad xoolaha dhaxalka aad u hesheen wax uga sadaqaysataan, tusaale masaajid yar u dhistaan ama meelo kale oo khayra aad ku bixisaan?

Wuxuu dhahy Sheekhii: “Ubadkii madaxa ayey ruxeen, waxayna dhaheen: Waan ka bixin doonaa!! (oo laga fahmayo inay hadalka is dhaafinayaan). Wuxuu dhahay Sheekhii: Dhalinyaro, aabihiin xoolo badan ayuu idiinka tagay, waanu dhintay ee Alle ha idiin barakeeyo xoolaha ee masaajid yar udhisa aabihiin. Dhalintii wax sadaqo ah maysan bixinin ee Sheekhii wuxuu yidhi:  Goobtii ayaan ka dhaqaaqay ayadoon cidina bixinin wax sadaqo ah.

Subxaana Allah, walaalayaal waxaad qiyaastaan ninkaas milyaneerka ahaa waxa dadka loo baryayaa xoolhiisii uu ku tabcay inay sadaqo yar u bixiyaan!! Hadii uu qori lahaa dardaarankiisa iyo markhaatiyadii uga marag kacayey umuu baahdeen in loo baryo sadaqo yar oo uu awoodayey.

  • Qisada 2 aad

Sheekhii wuxuu dhahay: Nin Qaadiya oo jooga magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga ayaa la ogaysiiyey inuu cusbitaalka ku dhintay nin ka tagay xoolo badan, ninkaasina aanu lahayn wax ubada iyo xaas toona.

Qaadigii maxkamadu wuxuu baadhay dadkii ay ninkaas qaraabada ahaayeen, wuxuuna ugu danabayn helay sadex nin oo ay ilmo adeer fog ahaayeen, waanu u yeedhay sadexdiiba.

Nimankii markay yimaadeen maxkamada ayaa Qaadigii waydiiyey ma taqaanaan ninka la dhahu habel? Waxay dhaheen: Haa oo isku qabiil ayaan nahay, ee miyuu nasoo dacweeyey? Subxaana Allah, sadexda nin oo ahaa fuqaro ama dadka iska caadiga ah mabay ogayn inuu ninkaas taajirka ahaa uu dhintay!

Qaadigii wuxuu yidhi: Ninkii wuu dhintay, waxay dhaheen nimankii: Alle ha u nxariisto, manaysan saamayn ninka dhimashadiisu sababtoo ah wax xidhiidha kamabuusan dhaxaynin! Qaadigii wuxuu yidhi: Ninkii wuu dhintay, waxaana dad ugu dhow sadexdiinaas, idinkaana dhaxlaya, waxaydaan helaysaan midkasta lacag dhan Boqol iyo shan iyo toban milyan oo Riyaalka Sacuudiga ah (waa lacag u dhiganta Sodon Milyan oo dollar)!

Nimankii way u qaadan waayeen, waxa suuxay mid kamid ahaa, kii labaadna wuu ooyey, kii sadexaadna wuu isku dhex darsamay, isagoo leh ma runbaa? Dhaaro Sheekhow!

Qaadigii wuxuu u dhiibay sadexdii nin warqadii Jeega ahayd, wuxuuna ku dhahay: Nimanyahow ninkii xoolaha lahaa dhimay, waxaana idin soo gashay midkiinba sodon milyan oo dollar ee mid kasto waxyar u sadaqayso ninkii dhintay haloogu dhiso Masaajide! Kii koowaad wuxuu dhahay: Sheekh Aniga dayn badan ayaa laygu leeyahay! Kii labaadna wuxuu dhahay: Aniga caruur badan ayaan leeyahay! Kii sadexaadna wuxuu dhahay: Hadii uu markuu noolaa dardaarmi waayey, wax aanu u sadaqaysanayno majirto!!!

U fiirsada walaalayaal hadii inta ninkaasi noolaa uu qori lahaa dardaarankiisa looma baryi lahayn cidnaba, sidaas awgeed ma ogid adigu cida qaadanaysa dhaxalkaagee ee sii qor dardaarankaag.

 

Tusmo

Qaabkee loo qoraa dardaaranka:

Dardaaranka waxaad ku bilaabaysaa sidan: “Anigoo ah adoonkii Ilaahay ee ubaahnaa raxmada Ilaahay, magacayguna yahay hebel/heblaayo, waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee, Muxamedna yahay Rasuulkiisii, waxaan kale oon qirayaa inuu Ciise yahay adoonkii iyo nabigii Ilaahay iyo kalimadii Alle ku tuuray Maryama iyo ruuxdiisii, waxaan kale oon qirayaa in Jannadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, saacada Qayaamana ay imanayso, Ilaahayna uu qabuuraha kasoo saarayo dadka.. kadibna dardaarankii ayaad dhamaystiri, adigoo xusaya xuquuqda aad dadka ku leedahay iyo kuwa lagugu leeyahay iyo xoolaha aad dardaarmayso, ugu badnaan sadex meelood meel ahaan iyo meesha lagu bixinayo, sidoo kalena waa inaad qoyskaaga ugu dardaarantaa Alle ka cabsi samir iyo wanaag” Markaad dhamayso dardaaranka waxaad markhaati galinaysaa laba nin oo aad ku kalsoontahay. Wallahu aclam