Saacadii Qiyaame way soo dhowaatay, wuxuuna nabigeenu inoo sheegay in Masiikh Dajaal soo baxayo oo uuna imanayo duleedka  magaalada Madiina balse Malaa’ikta Ilaahay u diidayso inuu ugudb Madiina, wuxuuna dhahay:

عَنْ مِحْجَنِ بْنِ الْأَدْرَعِ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَ النَّاسَ فَقَالَ يَوْمُ الْخَلَاصِ وَمَا يَوْمُ الْخَلَاصِ يَوْمُ الْخَلَاصِ وَمَا يَوْمُ الْخَلَاصِ يَوْمُ الْخَلَاصِ وَمَا يَوْمُ الْخَلَاصِ ثَلَاثًا فَقِيلَ لَهُ وَمَا يَوْمُ الْخَلَاصِ قَالَ يَجِيءُ الدَّجَّالُ فَيَصْعَدُ أُحُدًا فَيَنْظُرُ الْمَدِينَةَ فَيَقُولُ لِأَصْحَابِهِ أَتَرَوْنَ هَذَا الْقَصْرَ الْأَبْيَضَ هَذَا مَسْجِدُ أَحْمَدَ ثُمَّ يَأْتِي الْمَدِينَةَ فَيَجِدُ بِكُلِّ نَقْبٍ مِنْهَا مَلَكًا مُصْلِتًا فَيَأْتِي سَبْخَةَ الْحَرْفِ فَيَضْرِبُ رُوَاقَهُ ثُمَّ تَرْجُفُ الْمَدِينَةُ ثَلَاثَ رَجَفَاتٍ فَلَا يَبْقَى مُنَافِقٌ وَلَا مُنَافِقَةٌ وَلَا فَاسِقٌ وَلَا فَاسِقَةٌ إِلَّا خَرَجَ إِلَيْهِ فَذَلِكَ يَوْمُ الْخَلَاصِ
Mixjan ibnu Al-adrac waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) u khudbadeeyey dadka, wuxuuna yidhi: “Maalinta khalaaska waa maxay maalinta khalaaska? Maalinta khalaaska waa maxay maalinta khalaaska? Maalinta khalaaska waa maxay maalinta khalaaska? ” Sadex jeer, waxa lagu dhahay: Waa maxay maalinta Khalaasku? Wuxuu dhahay: “waxa imanaya Dajjaal, wuxuuna fuulaya Uxud oo uu fiirinayaa Madiina, wuxuuna ku dhahayaa asxaabtiisa: Ma aragtaan qasrigaas cad, kaasi waa masaajidkii Axmed, markaasuu imanayaa Madiina wuxuuna helayaa in godkastaba uu joogo malak seeftiisa galka ka saaray, wuxuuna imanayaa Sabxat Alxarfi (meel madiina u dhow) wuxuuna ku dhufanayaa geeskiisa, markaasay Madiina gariiraysaa sadex jeer, kumana hadhayo munaafiq iyo munaafiqad toona, faasiq iyo faasiqad toona ee way baxayaan, waana taas maalinta Khalaaska” [Musnadka Axmed 18496]

 

Hadaba bal waxaad is barbardhigtaa siduu ahaa Masaajidkii Rasuulka ee Madiina iyo qaabka Masaajidka nabigu u eegyahay!

Masjidka Madiina (Xilligii Nabiga) Masjidka Madiina (Maanta) Masjidka Madiina (Maanta)

Hadaba ma ujeedaa qaabka maanta uu eegyahay Masaajidka Rasuulka (scw) oo midabkiisu cadaan yahay, una eegyahay Qasri!! SubxaanAllah, siduu ku gartay Rasuulka ummiga ah in Masaajidkiisa uu midabkiisu noqon doono cadaan, siduuse ku gartay inuu u ekaan doono Qasri? SubxanAllah, waxa usoo waxyooday Ilaahay (swt), dhanka kalena waxay cadayn u tahay in Qayaamihii soo dhowaaday oo Masiikh Dajjaalna dhowaan soo baxayo!!