Bismillah, waxaan kasoo xiganay muuqaal uu duubay Sheekh Caa’id Alqarni Ilaahay ha xifdiyee ayaa wuxuu dhahay: Waxa jiray nin u dhashay dalka Sudan, wuxuu daganaa isaga iyo xaaskiisuba wadanka Maraykanka, isagoo wax ka baranayey,  waxaana qalbigiisa ka guuxaysay inuu dadka dacwada gaadhsiiyo. Ninka Suudaaniga ah waxa gurigiisa la jaar ahaa islaan Yahuudiyad ah, oo kaligeed noolayd, cid la joogta ama daryeeshana aan haysan marka laga reebo Ey ay subaxii kaxaysan jirtay.

Islaantii Yahuudiyada ahayd ayaa xanuusatay markkaasaa ninkii Suudaaniga ahaa ayaa usoo gurmaday oo gaadhiga Ambulance ka u dalbay, kolkaasuu ninkii Suudaaniga ahaa islaantii sii raacay illamaa cusbitaalka ay ka tagayeen, markii ay cusbitaalka yimaadeen ayaa dhakhaatiir tidhi: ma la joogi kartaa islaanta? wuxuu yidhi: haa. Halka xaaskii uu qabay ninka suudaaniga ay cuntada cusbitaalka keeni jirtay,

Markay mudo joogeen halkii ayaa waxa soo gashay bishii Ramadan, kolkaasay soomeen labadii lamaane ee isqabay, markaasya islaantii Yahuudiyaduna lasoontay ayadoon muslimad ahayd, markii la gaadhay afurtiina way la afurtay.

Islaantii Yahuudiyada ahayd waxa ka heshay macaamilka wanaagsan ee labadaas qof kadibna waxay go’aansatay inay islaamto, wayna islaamtay oo qaadatay diinta Islaamka.

Islaantii waxoogaa way xanuusatay, ugu danbayna xaqii ayaa u yimid oo way geeriyootay, waxaana lagu aasay xabaalaha muslimiinta. Mudo kadib ayaa albaabka lagu soo garaacay ninkii Suudaaniga ahaa, mise waa nin looyar ah oo waxa looga yeedhay Maxkamada.

Ninkii isagii oo yaaban ayaa qaadigii ku dhahay, waxaan kuugu yeedhnay inaan kugu wareejino hanti laguu dardaarmay, mise islaantii ayaa u dardaarantay gurigeedii Villada ahaa, beer iyo lacag bangiga ugu jirtay. SubxaanAllah, Ilaahay wuxuu ugu abaal guday khayr aduun iyo mid aakhiraba, camalkii ay Ilaahay dartiis ay u qabteen.

Tusmo

Qisada Labaad Nin ku Islaamay Koob shaaha!!

Nin shaqaale ahaa ayaa wuxuu dhahay: Waxa ila shaqayn jiray laba nin oo muslim ahaa, marka lagaadho xilliga break time ka ama biririfta ee nususaacaha ayey aadi jireen maqaaxida, waxayna soo iibsan jireen koob shaaha ayagoo maalinkasta ii keeni jiray koob shaaha, waxaan is dhihi jiraya malaha way kaa naxeen, laakiin markasata oo ay aadaan maqaaxida waxay ii keenaan koob shaaha.

Dhaqanka dadka reer galbeedkuna waa nin kasta iyo gabadhkasta inay isku filnaato, majirto shaah laysu qaado iy wixii lamid ahba, markaa ninkii wuxuu la cajabay dhaqanka iyo akhlaaqda saeysa ee labadaas nin, sidaasbaanu ku qaatay diinta Islaamka.

SubxaanAllah, akhlaaqda iyo dhaqanka muslimiinta ayaa ah waxyaalaha ugu badan ee diinta Islaamka lagu soo galo.