Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, mahaduna Allah ayey u sugnaatay, waxaan kale oon ku sallinayaa Nabigeena Muxamed oo ahaa naxariistii Caalamiinta inuu Ilaahay korkiisa yeelo naxariis iyo nabadgalyo isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan Muslimiinta raacday jidkiisa. Waxaana walaalayaal idinku salaamayaa salaanta Islaamka oo ah Asalaama calaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhuu oo macnaheeduna yahay nabadgalyo, naxariisa iyo barakooyin ka timid xaga Allah korkiina ha yeelo.

Tusmo

Hordhac:

Mowduucan walaalayaal wuxuu ku saabsanyahay taariikhda cadawga koowaad ee Basharka waa Shaydaanka iyo Jinka oo asalkiisu yahay, waxaan marka hore ka afeefanyaa in mowduucan aanu ahayn mid aanu ku cabsi galinayno dadka ee uu yahay mid aanu ugu sharraxayno tamar yarida gaalka Ibliis iyo kuwa kaalmeeya. Marka ugu horeysa waxaan ku bilaabayaa muhiimada ay leedahay in la rumeeyo jiritaanka Jinka iyo Shaydaanka kadibna waxaan soo qaadanaynaa waxooga taariikhda colaadeed ee Shaydaanku ku hayo Basharka, dabadeen´dna waxaan wax ka tilmaami doonaa dhagarta Shaydaanku u maleego Bani-aadamka iyo Jinka Muslimka ahba, ugu danbayna waxaan kusoo gabogabaynaynaa masiirka iyo cidhibdanbeeda Ibliis iyo cida raacda.

Muhiimada in la rumeeyo jiritaanka Jinka iyo Shaydaanka Ibliis.

Marka koowaada Caalamka dahsoon ee Jinka iyo Shaydaanku waa arrimo qaybka kamid ah, waxaana qofka Muslimka ah uu rumaysan waxyaalo badan oo qayb ah (maqan) sida jiritaanka Allah, Malaa’ikta, Rusushii, Kutubtii la soo dajiyey, Maalinta Qayaame iyo Qadarka. Dhamaan kuwaasi waa waxyaalo qayb inaga ah oo aynaan arkin laakiin waynu rumaysanahay maadaama Quraanka oo ah hadalkii Ilaahay lagu xusay iyo xadiisyada Nabigeena. Waxa soo raaca qaybkaas waa jiritaanka Jinka iyo Shayaadiinta dagaalka kula jira Basharka. Waxaana u daliila aayado badan oo Quraan ah iyo xadiisyo badan, dhanka kale waxa isku raacay jiritaanka Jinka dhamaan culumada Islaamka iyo xitaa Diimaha kale sida Kiristanka, Yahuuda, Majuusiyiinta iyo kuwo kale.

Daliilka koowaad oo Quraan ah:

{قل أوحي إلي أنه استمع نفر من الجن فقالوا إنا سمعنا قرآنا عجبا} (الجن:1).

[(1) Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) oy Dhaheena waxaan maqallay Quraan layaab leh.] Jinn:1

Daliilka Labaad oo Xadiis ah:

(خلقت الملائكة من نور، وخلق الجان من مارج من نار، وخلق آدم مما وصف لكم) متفق عليه.

[waxa laga abuuray Malaa’ikta Nuur, waxaana laga abuuray Jinkana ololka naarta, waxaana Aadam laga abuuray wixii laydiin sheegay.] Waxa isku waafaqay labada Shiikh Bukhaari iyo Muslim.

Daliilka Sadexaad oo ah Ijmaac.

Ibnu Taymiyah wuxuu yidhi: Dhamaan kooxa Islaamku way isku waafaqeen jiritaanka Jinka iyo guud ahaan gaalada Ehlulkitaabka.

Waamaxay xukunka cida dafirta jiritaanka Jinka?

Hadaba  jiritaanka Jinku waa mid ku cad Quraanka, Sunnada Nabigeen sidoo kalena dhamaan Culumadu isku waafaqeen. Cidiise dafirta ama diida jiritaankooda wuxuu lamid yahay sida qof diidady aayad Quraana ama Xadiis ka sugan Nabigeena waana gaal ruuxaasi dafiray aayda Quraanka ah. Waxa kamid dadka dafira jiritaanka Jinka sida faylasoofyada, cilmaaniyiinta, mulxidiinta rumaysan oo kaliya waxay arkayaan iyo waxay maqlaan oo kaliya.

Waa maxay Jinku? Goormaa la abuuray? Maxaana laga abuuray?

Jinku waa makhluuqaad kamida Uunka Ilaahay abuuray, waxa laga abuuray ololka Dabka ama naarta, waxayna ku noolaayeen Dhulka Boqolaal sanadood intaan la abuurin Bani-aadamk. Tirada Jinku aadbay uga badantahay ta Bani-aadamka, farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya Jinka iyo Insaankuna waa Jinka oo ina arka halka Bani-aadamku aanu ka arkaynin marka laga reebo cid Ilaahay siiyey awooda ah inay arkaan sida Nabiyada, waxayna ka koobanyihiin qabiilo kala duwan sida Insaanka, waxayna haystaan diimo kala duwan qaar waa muslimiin halka kuwo kale ay ka yihiin gaalada Kiristanka, Yahuuda, Majuusiyiinta, Mulxidiinta iwm. Qaab dhismeedka Ilaahay u abuuray waa kala duwanaan karaa sida Basharkuba u kala duwanyahay. Jinku waa “Mukalaf” oo waxa la saaray waajibaadka Bani-aadamka la saaray oo kale, waana la xisaabinayaa maalinta Qayaame oo kuwa muslimka ah Jannada ayey galayaan halka gaaladuna ay ka galayaan cadaabka naareed Ilaahaybaan ka magan galnaye.

Waa maxay Shaydaanku? Waamaxay farqiga u dhaxeeya Shaydaanka iyo Jinka?

Shaydaanku waa Ibliis iyo durriyadiisa, wuxuuna kamid ahaa Jinka dabadeedna Ilaahay ayuu caabuday markaasaa sare loo qaaday oo la geeyey caalamka sare ee Malaa’ikta balse markuu Alle abuuray Nabi Aadam ayaa xaasidnimo gashay, isagoo ismoodsiiyey in Makhluuqan cusub uu ka qaadayo booskiisii iyo karaamadii loo yeelay kadibna Ilaahay ayaa faray inuu u sujuudo Nabi Aadam waana diiday Ibliis amarkii Ilaahay kolkaas ayaa laga dayriyey Jannada iyo Caalamka Malaa’ikta.

Farqiga u dhaxeeya Ibliis iyo Jimanku waa sidan:-

  • Jinku waa sida Basharka oo kale oo wuxuu leeyahay Muslim iyo Gaalo halka Shaydaanku ka yahay magaca guud ee loogu yeedho gaalada Jinka iyo Insigaba.
  • Madaxa ugu wayn Shayaadiintana waa Ibliis oo aan isagu dhimanayn illamaa Qayaamada laga gaadho halka Jinku kiisa muslimka ah iyo ka shaydaanka noqdayba ay ka dhintaan.
  • Jinka guud ahaan lama lacnado oo naxariista Ilaahay lagama wada dheereereyo sababtoo ah waxa ku guda jira kuwo Muslima halka Shayaadiinta guud ahaan laga lacnado sababtuna waxa weeye Shaydaanku waa gaal.

Waa kuma Ibliis? Ma malakbuu ahaa mise Jin ayuu ahaa?

Ibliis lacnadi dushiisa ha fuushee waa laysku khilaafay asalkiisa oo qolo waxay tidhi; Ibliis wuxuu ahaa Malak kadibna waa gaaloobay oo Shaydaan ayuu noqday halka kuwo kale ka dhaheen; Ibliis waligii Malag muu ahayn ee wuxuu ahaa Jinni kamid ah Jimanka kadibna Ilaahay karaameeyey dababdeedna gaaloobay.

Sida saxda ah waxa weeye inuu Ibliis ahaa Jinni kamid ah Jimanka sida Allah subxaanahu uu ku sheegay Quraanka, wuxuuna yidhi:

إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ ۗ

Marka laga reebo Ibliis oo ahaa Jinkii wuxuuna ka baxay (gaaloobay) amarka Rabigii. [Kahfi: 50]

Hadaba aayadan waxay si toos ah inoogu sheegaysaa inuu Ibliis ahaa Jinni kamid ah Jimanka kadibna Ilaahay amarkiisa ka gaaloobay, waxaana aayadani sidoo kale daliil u tahay in Ibliis aanu ahayn aabaha Jimanka ee uu yahay Jinni kamid jimanka.

Ibliis isagoo samooyinka jooga oo nimco iyo karaamo ku naaloonaya ayuu Alle doonay inuu abuuro Aadam, kadibna markuu Ilaahay sawiray Aadam oo ahaa dhoobo qallafsan ayuu Ibliis ku dul meeri jiray isagoo galaya calooshiisa kana baxaya wuxuuna dhihi jiray; hadii laygu kaa sallido waan ku caasinayaa. Waxa Ibliis lacnadi dushiisa ha fuushee ka muuqday xaasidnimo iyo xiqdi aad u wayn, kolkuu Allah ruuxda ku afuufay Aadam ayuu faray dhamaan Malaa’igta ku shuqul leh Basharku inay u sujuudaan nabi Aadam. Malaa’igta Ilaahay oo aan amarka Ilaahay aan caasiyin way u sujuudeen Aadam halka Ibliis oo ku dhex jiray Malaa’igtu uu ka diiday amarkii Ilaahay, kamanuusan mid ahayn kuwa sujuudsan.

Ilaahay ayaa waydiiyey: Maxaad Ibliisoow u sujuudiwayday? wuxuu yidhi: Aniga ayaa ka fadli badan oo waxaad iga abuurtay Naar halka isagana aad ka abuurtay Dhoobo. Meel amarkii Ilaahay yaalay ayuu fikradiisa galiyey sidaasbaanu Ilaahay u lacnaday kuna yidhi: ka bax xageeda Jannada waxaanad kamid tahay kuwa cadaabka naareed galaya.

Ibliis wuxuu yidhi: Rabiyoow maadaama aad i dayrisay ood naxariistaadana iga fogaysay waxaad ii ogolaataa inaad cimrigayga dib u dhigto illamaayo saacada Qayaame, Ilaahayna waa ka yeelay dalabkii Ibliis oo dib ayaa loo dhigay cimrigiisii. Ibliis wuxuu yidhi: Rabiyoow sidaad ii hoojisay darteed waxaan baadiyeysiinayaa dhasah Aadam oo aan ka luminayaa jidka toosan ee xaqa ah.

Ilaahay wuxuu ku dhahay: Tag Ibliisoow, adiga iyo cida ku raacda waxaan ka buuxinayaa cadaabka naareed ee Jahannama, kuna duufso ciddaad karto oo ka mid ah dhsha Aadam codkaaga kuna soo Jiido fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo Carruurta una yabooh, kumana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn (iyo Baadi).

Ibliis lacnadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ku dhaartay inaanu marnaba ka tagayn inuu lumiyo bani-aadamka hase ahaatee Ilaahayna wuxuu yidhi: Cizigayga iyo sharaftaydaan ku dhaartee waan u danbi dhaafayaa intay i danbi dhaaf waydiisanayaan.

Ibliis cidii ugu horeysay ee uu dhagar u maleegay waxay ahayd Nabi Aadam iyo xaaskiisii Xaawa oo wuxuu u sababay inuu kasoo saaro jannadii ay ku naaloonayeen kadib markii ay cuneen geedkii laga reebay inay u dhowaadaan.

Nabia Aadam kolkuu cunay geedii ayuu Allah dhahay: Aadamoow adiga, xaaskaaga iyo Ibliisba ka hoobta xaga Jannada oo waxa deegaankiinu yahay Dhulka, ogaadana Shaydaanka Ibliis waa cadwgiina waana nacabka idinka saaray Jannada ee hanuunka xagayga idiinka yimaada cidii raacdaa ma murugoonayso mana ka cabsanayso mustqbalka waxa soo socda.

Nabi Aadam isagoo xaqiiqsaday colaada Ibliis ayaa waxa loo dhalay ubad badan wuxuuna ubadkiisa uga digayey cadaawada qotoda dheer ee Ibliis iyo inuu sabab u noqday inuu aabahood iyo hooydood Janno kasoo saaray.

Ubadkii ugu horeeyey ee uu dhalay Nabi Aadam waxa kamid ahaa Qaabiil iyo Haabiil dabadeedna Ibliis wuxuu dhagar u maleegay Qaabiil oo ku dhahay walaalkaa Haabiil dil oo khaariji markaasuu Qaabiil dhagaystay cadwgiisii Ibliis oo walaalkii ayuu dilay. Dilkaasi wuxuu ahaa dilkii ugu horeeyey ee Bani-aadamku ku kaco waxaana ka danbeeyey qorshahaas Ibliis lacnadi dushiisa ha fuushee.

Ibliis waxa la siiyey isagaa Ubad u adeega oo ka caawiya luminta Dadka iyo Jinkaba, Ibliis wuxuu Carshi wayn ku leeyahay Badda halkaas ayuuna ciidankiisa kasoo diraa isagoo fitneynaya dhashii nabi Aadam.

Nabigeenu wuxuu inoo tilmaamay in Qof kasta uu leeyahay Shaydaan la rafiiqa oo xumaanta un fara, sidoo kale xadiisyo kale waxay tilmaameen in marka ilmo dhalanayo uu Ibliis usoo diro rafiiqiisa kadibna wuu gujiyaa ilmahaas marka laga reebo Maryama iyo wiilkeedii Nabi Ciise (N.N.K.H).

Ibliis dilkii ugu horeeyey ee uu ka qayb galay wuxuu ahaa dilkii Haabiil halka mudo kadib uu fuliyey falkii zino ee ugu horeeyey waxa la sheegaa dhashii Qaabiil ayaa ku kacay zinadii ugu horeeysey. Kadibna Ibliis wuxuu adeegsaday hadba danbiga iyo macsida uu u horseedi Bani-aadamka. Shirkigiii ugu horeeyey ee Ibliis u horseedo Basharkuna wuxuu ahaa kii ay ku kaceen qoomkii nabi Nuux, halkaasna waxa ka bilaabmay Gaalnimada iyo Shirkiga Ilaahay lala wadaajiyo cibaadadiisa sanamyo iwm.

Jinkii reer Nusaybiin ee soo Islaamay:-

Sida aynu hore usoo sheegnay Jinku wuxuu leeyahay Muslim iyo gaalo haysata madhabyo kala duwan sida diimaha Kiristanka, Yahuuda, Saabiyada, Majuusiyiinta, Hinduuska, Buudhiska iwm.

Maadaama Ilaahay usoo diray Nabi Muxamed dhamaan Caalamiinta waxa waajib ah in koox kamid ah Jinku inay yihiin muslimiin, waxaynaan soo qaadankarnaa islaamnimadii reer Nusaybiin.

Nabi Muxamed kolkay dhimatay xaaskiisii Khadiija iyo adeerkii Abudaalin waxay reer Qureesh bilowday dhibaatooyin horleh oo lagula kaco nabiga. Markay dhibtii badatay ayuu Nabigu aaday magaalada Daa’idf isagoo magangalyo siyaasadeed ka raadinaya ama inay qaataan diintiisa blase reer Daa’if way diideen diintii xaqa ahayd waxayna ku direen caruurtii, haweenkii iyo maangaabkii oo dhagxaan la dhacay nabiga iyo mawlihiisii Sayid ibnu Xaaritha.

Nabigu isagoo lugiisa dhiig kayimid oo uu hayo walwal badan ayuu fadhiistay geed hoostii meel beer ahayd oo ay lahaayeen Shayba ibnu Rabiica iyo Cutba ibnu Rabiica kadibna wiil yar oo la dhaho Cadaas ayey ugu soo dhiib xidhmo Cinab oo ay ku marti sooreen.

Nabigu waa baxay kolkay ahayd habeenkiina isagoo tukanay Salaada ayaa waxaa dul yimid koox jin ah oo ahaa qabiilka reer Nusaybiin waxayna dhagaysteen Quraanka kadibna wayba islaameen. Sababta keentay in jinkaasi halkaas yimaadana waxay ahayd in Jinka laga mamcnuucay inay dusha sare ama samada koowaad ee Aduunka ay ka yeeshaan meelo ay fadhiistaan oo waagii hore ayey fadhiisan jireen oo ay maqli jireen warka ay malaa’ikta Rabi ku hadlayso kadibna hal kalimad ayaa soo gaadhi jirtay markaasay soo gaadhsiin jireen weedhaas sixiroolaha ama faaliyaha ayagoo ku daray 99 beenood.

hase ahaatee markii nabi Muxamed lasoo diray ayaa Jinkii laga caydhiyey meelihii ay fadhiisan jireen oo Cirkii waxa Ilaahay dhigay askar ilaaliyayaal ah oo waardiyeynaysa kuna soo ganaysa jinka madaafiic iyo danabyo ku kasta oo isku daya inuu war dhagaysto. Arrintii oo jinkii la yaabanyihiin ayey dhaheen waxbaa dhulka ka dhacay ee warkeeda hala doono kadibna waxay la kulmeen Nabi Muxamed iyo diintiisa kolkaasbay u cadaatay in sababta keentay in la eryo ay tahay nabiga cusub ee lasoo diray.

Jinkii reer Nusaybiin Quraankii ayey dhagaysteen markaasay ku laabteen qoomkoodii ayagoo u digaya uguna yaboohaya inay rumeeyaan diinta Islaamka. Waxay ku dhaheen: qoomkayagoow, waxaan maqlnay kitaab ka danbeeyey kitaabkii nabi muuse oo aad u cajiiba ee qoomkayagoow islaama oo diinta xaqa ah qaata, cidiise diida inay qaadato diintan Ilaahay wuuu ciqaabayaa oo waxa lagu cadibayaa cadaabka naareed. Qisooyinki jinkan islaamay wuxu Ilaahay kaga warramay quraankiisa gaarahaan suurada Al-Jinn iyo suurada Al-axqaaf.

Jinku wuu dhintaa

Jinku waa dhintaa sida bani-aadamka oo kale wuxuuna soo saaray Imaamu maalik kitaabkiisa Muwada in saxaabiga Abusaciid alkhudri oo tukanaya uusoo galay qolkii uu joogay nin markaasuu arkay abeeso gidaarka raacaysa kadibna wuxuu doonay inuu dilo balse Abusaciid ayaa u ishaaray inaanu dilin. Kolkuu salaadii dhamaystay ayuu Abusaciid yidhi: Gurigaas waxa ku jiray wiil dhalinyaro ah waanu aroostay xilligii dagaalkii Axzaab kadibna nabiga ayuu waydiistay ogolaansho inuu tago gurigiisa waxaanu qaatay hubkiisii isagoo looga cabsaday dhagartii Yahuudii reer banu Qureyda, dabadeena wiilkii wuxuu yimid gurigiisii oo xaaskiisuna taagantahay albaabka hortiisa markaasuu wiilkii hinaasay oo gabadhan dibada usoo baxday ayuu ka qiirooday markaasay ku tidhi; waxba aniga haygu soo haadina ee waxa guriga igasoo saaray bal fiiri markaasu galay ninkii gurigii wuxuuna arkay abeeso wayn oo saaran furaashka kadibna wuxuu ku dhuftay nabarkuu haystay, lamana garanayo labadooda kahor dhintay. Dabcan labaduuduba way dhinteen markaasaa nabiga loo sheegay arrinkii wuxuuna dhahay: waxa magaalada Madiina idinla dagan jin muslim ah ee hadaad aragtaan abeeso abiya sadex jeer haday markaas tagi waydo dila.

Jinku wuu ka cimri dheeryahay Dadka

Waxa laga wariyey Khaliifkii Cumar ibnu Cabdilcaziiz inuu isagoo maraya meel saxare ah uu arkay abeeso dhimatay markaasuu aasay abeesadii kadibna wuxuu maqlay haatuf la hadlaya oo leh; Ilaahay hakuu naxariisto Suraqoow. Wuxuu yidhi; Suraq waayo? wuxuu dhahay Haatufkii; Suraq wuxuu ahaa nin wanaagsan oo Jinni kana mid jinkii la kulamay nabiga waxaana sii noolaa jinkii la kulmay nabiga aniga iyo suraq, waxaanan maqlay nabiga oo ku leh Suraq; Suraqoow, waxaad ku dhimanaysaa meel saxare ah waxaana ku aasaya ninka umadayda ugu khayrka roon xilligaa, markaasuu Cumar ooyey.