Xikmada Ilaahay waxa kamid ah inuu kala fadilo waqtiyada iyo amaakiintaba, waxa meelaha ugu fadli badan magaalada barakaysan ee Makkah, halka bisha barakaysan ee Ramdan ay ugu fadli badantahay bilaha oo dhan. Hadaba fadligaas iyo waynaantaas maxay bishani ku kasbatay?

  1. Bishan barakaysan ee Ramadaan waxa lasoo dajiyey Kitaabka wayn ee Quraanka Kariimka ah iyo sidoo kale kutubadii hore ee Allah uu soo waxyoon jiray.

(شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ)

(waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka)[1]

Waxa kale oo Imaam Aldabir kusoo saaray tafsiirkiisa xadiiska Abi Jaldi wuxuuna dhahay: “Suxuftii nabi Ibraahim waxa lasoo dajiyey kowada bisha Ramadaan, tawraadna lixda Ramadaan,  Zabuurna laba iyo tobanka Ramadaan, Injiilna sided iyo tobanka Ramadaan, Furqaankana oo ah Quraanka kariimka ahna waxa lasoo dajiyey afar iyo labaatankii Ramadaan” [2]

  1. Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha Alle faray in la soomo siduu Allah ku leeyahay Suurada Albaqarah.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ﴿١٨٣﴾

“kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan.”[3]

  1. Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bishii tawbad keenka, iyo danbi dhaafka, waxa Imaam Muslim soo saaray inuu Rasuulku scw dhahay: “Salaadaha shanta ah, Jimcaha jimcihiisa, ramadaanka ramadaankiisa, waxa lagu dhaafaa dunuubta dhacda dhexdooda hadii laga fogaado danbiyada waaweyn.[4]

Sidoo kale Imaam Bukhaari wuxuu soo saarat inuu nabigu scw dhahay: “cidii soonta bisha ramadaan ayadoo iimaan laga helay, kana ajir dalbaya Ilaahay waxa loo dhaafaa danbiyadiisii hore”[5]

Waxa kale oo Imaam Bukhaari sii raaciyey inuu nabigu (scw) dhahay: “Cidii tukata habeenka laylatul qadriga isagoo iimaan laga helay kana ajir dalbaya Ilaahay waa loo danbi dhaafo”[6]

 

  1. Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha layska xoreeyo naarta, waxaana u daliila xadiiska nabiga scw uu lahaah ee soo saaray Imaam Tirmadi:  “Waxa dhawaaqa ku dhawaaq oo leh Ka dalbanaya khayrkoow kaalay oo u imo, ka dalbanaya sharkooow adiguna gaabso, wuxuuna Allah leeyahay dad uu ka xoreeyo naarta, waana habeenkasta”[7]
  2. Bishan barakaysan ee Ramadaan waxa la furaa Albaabada Jannada, waxa la xiraa albaabada Naarta, waxaana la silsiladeeyaa Shayaadiinta, wuxuuna Imaam Muslim soo saaray inuu Rasuulku dhahay: “Markuu soo galo Ramadaan, waxa la furaa albaabada Jannada, waxaana la xiraa albaabada naarta, waxaana la silsiladeeya Shayaadiinta”[8]
  3. Bishan barakaysan ee Ramadaan waa bisha samirka iyo adkaysiga, wuxuu ruuxa Muslimka ah ku baranayaa samirka, sida inuu naftiisa ka horjoogsado shahawaadka aduunyada, cunista iyo cabitaanka maalinta Ramadaanka. Samirkaasina wuxuu ruuxa Muslimka ah dhaxalsiiya Jannada siduu Allah leeyahay:

إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ ﴿١٠﴾

“Waxa loo oofiyaa kuwa samra ajirigooda xisaab la’aan (10)”[9]

  1. Bishan barakaysan ee Ramadaan waa bisha la ajiibo ducooyinka, wuxuuna Imaam Altirmadi soo saaray inuu Rasuulku (scw) dhahay: “Sadex ducadooda lama celiyo, ruuxa sooman illamaa uu ka afurayo, Imaamka caadilka iyo ducada ruuxa la dulmiyey”[10]
  2. Bishan barakaysan Ramadaan waa bishii sadqada iyo wax bixinta, waana bisha gacanta la furo ee la quudiyo masaakiinta, fuqarada, agoomada iyo afurinta dadka baahan. Wuxuu ibnu Cabbaas dhahay: “Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu ahaa dadka ugu deeqsisan, wuxuuna ahaa mid aad wax ubixiya bisha Ramadaan”[11] Waxa soo saaray Bukhaari.
  3. Bishan barakaysan ee Ramadaan waxa ku jira Laylatulqadir oo ah habeen ka khayr badan kun habeen, cidii beerdaraysa habeenkana waa ruux laga xarrimay khayrka, wuxuu Allah leeyahay:

لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍ ﴿٣﴾

“Waa Habeen ka khayr badan Kun Bilood (oo kale). (3)”[12]

Sidoo kale Ibnu Maajah wuxuu soo saaray in nabigeenu scw dhahay: ”Bishan way idiin timid, waxaana ku jira habeen ka khayr badan kun habeen, cidii laga xarrimo waa ruux laga xarrimay khayrka dhamaantiis, lagamana xarrimo khayrkeeda ruuxa la xarrimay mooyee”[13]

Hadaba walaal bishan khayrkeeda lamasoo koobi karo, waxayna dadkii saalixiinta ahaa Ilaahay ka baryi jireen lix bilood inuu gaadhsiiyo Ramadaan, lixda kalena inuu Alle ka aqbalo camaladii ay Ramadaan la yimaadeen. Alle haynaga dhigo kuwa ka faa’idaysta Ramadaan, ee Ilaahay ka xoreeyo cadaabkiisa, kuna guulaysta raali ahaansha ah Alle iyo liibaanta Aduunyo iyo Aakahiraba.


[1] Suurada Albaqarah: (185)

[2] Tafsiirka Dabari:  (24/ 377)

[3] Surada Albaqarah: (183)

[4] Saxiix Muslim: (349)

[5] Saxiix Bukhaari (1802)

[6] Saxiix Bukhaari: (1802)

[7] Tirmadi (682)

[8] Saxiix Muslim (1079)

[9] Suurada Zumur (10)

[10] Sunan Altirmadi (3598)

[11] Saxiix Albukhaari (6)

[12] Suurada Qadar (3)

[13] Sunan ibnu Maajah (1634)