Dadyow badan waxay is waydiiyaan dhulkan maanta ay ku noolyihiin bani aadamku yaa ku noolaan jiray kahor ayaga, ma basharka ayaa ahaa noolihii ugu horeeyey mise noolayaal kale ayaa kahooreeyey?  Si kastaba ha ahaatee waxa jira noolayaal cimrigooda la xaqiijiyey inay gaadhayaan malaayiin sanadood kuna noolaan jiray dhulka, maxay diinta Islaamku kaqabtaa arrintaas? Mase jirtaa daliilo Quraanka ama xadiiska ah oo qeexaya ama tibaaxaya in bani aadamka looga soo horeeyey Dhulka?

Si aynu uga jawaabno su’aashaas waxaynu soo xiganaynaa aayad Quraana oo kusoo aroortay suurada Albaqarah, wuxuu Allah leeyahay:

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٠

Xus markuu ku yidhi Rabigaa Malaa’igta waxaan yeelayaa Dhulka cid u hadha, oyna dhaheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo ku daadisa dhiig annagoo ku wayneynayna, markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn. (30)

Aayadan Alle wuxuu la hadlayaa Malaa’ikta isagoo usheegay inuu abuuray makhluuq u hadhaya dhulka, wuxuuna Alle adeegsaday ereyga ah Khaliifah. Ereygaasna waxa loo adeegsadaa madaxda muslimiinta, sida Khaliifkii Rasuulkii Ilaahay ee Abubakar, kaasoo ahaa saxaabigii uga danbeeyey Rasuulka madaxtinimada Musliminta, sidaas awgeed khaliif waa ruuxa uga danbeeya arrinka cid kale.

Aayadan culumadu waxay ku fasireen in Alle ka yeelayo noolahan cusub ee Basharka ah kuwo is dhaxlaya, oo ukala danbayna Dhulka oo jiilba jiil uu kusii simayo. Balse sidoo kale waxaynu ka qaadanaynaa isla ereygaas in noolaha cusub ee Alle abuurayo ka danbeynayo noole hore ugu noolaan jiray Dhulka.

Wuxuu Ibnu Cabbaas dhahay: “Dhulka Aadam kahor waxa ku noolaa Jinni, jinkaasina wuxuu fasahaadiyey dhulka wuxuuna daadiyey dhiiga, kadibna Alle ayaa soo diray malaa’ik ama Ibliis oo ahaa xilligaas nin wanaagsan, dabadeedna jinkii ayaa laga fogeeyey dhulka oo lagu ekeeyey xaga xeebaha, sidaas daraadeed ayuu jinku ilaa hada ugu noolyahay xeebaha iyo badaha.” Ibliis oo kamid ahaa jinkana waxa sare loogu qaaday xaga samada, wuxuuna la dhaqmay  malaa’ikta isagoon kamid ahayn, kadibna Ilaahay ayuu caasiyey waana lagasoo eryey ehelkii samada isagoo lakeenay Dhulka.

Malaa’iktii Alle markii ay maqashay in Alle abuurayo noole cusub ayey u maleeyeen in kuwanina lamid noqon doonaan noolihii hore ee jinka ahaa, oo ayaguna dhulka ay fasahaadindoonaan, dhigana ay daadin doonaan. Markaasay waydiiyeen Ilaahay “Ilaahow ma waxaad dhulka ku abuuraysaa qoom fasahaadinaya oo dhiiga daadinaya, anagoo anaguna aan kuu tasbiixsano kuuna mahadcelina!”

Hadalka malaa’ikta waxa laga qaadanayaa inay rabeen in ayaga la dajiyo ama deegaan looga dhigo Dhulka oo ay Ilaahay ugu tasbiixsadaan, balse jawaabtii waxa bixiyey Ilaahay oo dhahay: “Anigu waxaan ogahay waxaydaan garanay” Macnuhuna waxa weeye Malaa’igtii Ilaahayey aqoon uma lihidin makhluuqaan cusub ee Adam iyo ubadkiisa, waxay yeelan doonaan kuwo wanaagsan oo saalixiina, sida Rususha, nabiyada, shuhadada, iwm.

Halkaas Alle wuxuu ugu cadeeyey malaa’ikta in makhluuqan cusub uu yeelan doono kuwo wanaagsan iyo kuwo xun labadaba, xikmada loo abuurayana waxa garanaya oo kaliya Ilaahay, sidoo kalena og mustaqbalka iyo waxa ku qarsoon qaybkaba.


Xigasho:

Quraanka Kariimka ah

Tafsiirka Quraanka ee Ibnu kathiir