Tusmo

Baadari ku adkaa diinta Kiristaanka oo qaatay diinta Islaamka!!

Sheekh Yuusuf Estes waa wadaad u dhashay wadanka Maraykanka, kuna soo barbaaray diinta Kiristaanka. Wuxuu ahaa nin faafiya diinta Masiixiyada sidoo kalena ka shaqayn jiray Kaniisada isagoo u qaabilsanaa qolyaha u garaaca cuudka iyo musika.

Hadaba Yuusuf Estes iyo aabihii oo ganacsadayaal ahaa ayaa shuraako baayacmushtareed  la noqdeen nin dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dalka Masar, wuxuu dhahay Yusuf Estes: ” Aabahay ayaa ii sheegay inuu imanayo nin muslim ah, waan yaabay oo waxaan la cajabay aabahay, sababtoo ah waxaan muslimka ka rumaysnaa inay yihiin dhiigyo cab, argagixiso afduubta dadka, dumarka iyo caruurtana ku xidha jeelasha, sidoo kalena caabuda dhagax madow oo saxaraha yaala iyo maalintii shan jeer inay dhunkadaan dhulka iyo ciida.

Waxaan filayey in ninkaas dhalinyarada ah ee imanayaa uu sito dharkii Khumeynigii reer Iiran, sidoo kalena  labadiisa indhood dhexdoodanay ay ka muuqan doonto cadho iyo waji cabusnaan”Kolkuu yimid wiilkii reer Masar, ayuu Yuusuf la kulmay nin sita maryo caadiya, sidoo kalena dhoola cadaynaya oo wajigiisu furanyahay.

Kadibna wiilkii ayaa bilaabay inuu dukaankii ka shaqeeyo. Wuxuu dhahay Yuusuf Estes: “Wiilkan waxaan ku arkay akhlaaq aad u sarreysa, iyo qaab dhaqameed aanan ku arkinba dadka kale. Wiilkaas markuu shaqaynayo wuxuu ku dadaali jiray inuu hubsado in macaamiisha wax ka iibsanaysaa ay heshay alaabtii ay ubaahnayd, sidoo kale wuxuu ahaa nin run sheeg badan oo dabacsan”

Arrinta ugu yaabka badnaydna waxay ahayd in wiilkaasi maalinkasta shan jeer uu qaadan jiray fasax gaaban isagoo tukanaya salaadaha shanta ah, wax isoo jiidatay qaabka uu ugu dadaalayo diintiisa, isagoo tukan jiray salaadaha mid kasta waqtigeeda, maalinta Jimcahana wuxuu qaadan jiray laba saacadood oo fasaxa isagoo gaadhi u kaxaysan jiray masaajid meel aad u fog ku yaalay”

Wiilkaasi muu cabi jirin khamriga, manuusan fiirin jirin dumarka oo xitaa dumarka gadaashood muu socon jirin. Maalmaha Isniinta iyo Khamiisahana marka loo keeno cuntada ayuu dhihi jiray, maya uma baahni cunt, waanad mahadsantahay, waan soomanahay!!

Wuxuu yidhi Yusuf Estes: Markaan arkay akhlaaqdaas aadka u sarreeya ayaan doonay inaan ugu yeedho diinta Kiristaanka, maxaa yeelay haduu wiilkani uu soo galo diinta Masiixiyida wuxuu noqonaya baadariyada waaweyn ama malag.

Kadibna waxaan usoo xidhay saliibkii, koofiyad ay ku qorantahay (Jesus is God), iyo kitaabka Baybalka oo aan hore kasoo qaatay. Dabadeedna waxa wada kulmay wiilkii reer Masar, aniga, aabahay iyo baadari Catholic oo saaxiibkay ahaa. Waxaan sadexdayadu kala sidaan sadex Baybal oo kala duwan, markaasaan sadexdayadii ku muranay, baybalkayaga ayaa saxsan iyo kaygaa saxsan.

Intaas kadibna wiilkii reer Masar ayaan waydiinay: Adinkana imisa kitaab ayaad leedihiin? wuxuu yidhi: Annagu hal kitaab ayaan leenahay oo ku qoran luuqada Afka Carabiga!! Wuxuu yidhi Yuusuf Estes: Waan la yaabnay sideebaa Muslimku hal kitaab oo kaliya ay u haystaan, kadibna wiilkii ayaa na waydiiyey Ilaahay sadexoolaha ah, waanan ka jawaabi kari waynay.

Markaasbaan anaguna waydiinay inuu rumaysanyahay Ilaahay? Wuxuu dhahay: “Haa, Ilaahay waan rumaysanahay, waana Ilaaha kalida ah oo ilaah kale oo waheliyaa aanu jirin. Wuxuuna nagu dul akhriyey suurada 112 aad ee Quraanka suurat Ikhlaas.”

Hadana waxaan waydiinay: Ma rumaysantahay Ciise Masiix? Wuxuu wiilkii dhahay: “Haa, Ciise waa Nabigii iyo Rasuulkii Ilaahay, waana eraygii Ilaahay ku tuuray Maryama, wuxuuna ku dhashay qaab mucjiso ah, isagoon aabo lahayn, wuxuuna la yimid mucjisooyin badan, sida inuu daweeyo qof qaba cudurka Baraska, ama ruux indho la’ ayuu u fiiqi jiray indhaha, iyo isagoo ku noolayn jiray idanka Ilaahay dadka dhintay”

Wuuxuu yidhi Yuusuf Estes: ” Waan yaabnay, oo wuxuu sheegayo waxay ku qorantahay kitaabkayaga, waxaan moodnay inuu muslimku kiristaanka oo kale yahay. Illaa iyo markaas farqiga noo dhaxeeya maan fahamsanayn, markaasaan wiilkii waydiinay: Ma u rumaysantahay Ciise Masiix inuu Wiilka Ilaahay yahay?”

Wiilkii wuxuuu yidhi: ” Maya, ee waa wiilkii Maryama, mana ah wiil Ilaahay dhalay maxaa yeelay Ilaahay waa kali oo malaha ubad iyo reer toona”.

Wuxuu yidhi Yusuf Estes: markaasaan naftayda isku idhi, waa run oo Ciise waa wiilkii Maryama, ee sideebuu ku noqday wiilka Ilaahay?

Mudo markuu wiilkii halkii joogay ayuu saameeyey dhamaan qoyskii Yusuf Estes. Waxa doonay inuu islaamo Yusuf Estes saaxibkiisii ahaa Catholic, wuxuuna aaday masaajidka kadibna wuxuu soo fiiriyey qaabka ay muslimiintu u tukadaan. Kolkuu soo laabtay ayuu Yusuf waydiiyey, maxaad ku aragtay Masaajidka? Ma banbooyin ayey ku diyaarinayeen meesha? Wuxuu yidhi: Maya, ee inta ay istaagaan ayey aamuseen, kadibna jilbaha ayey qabsadeen oo markaasay sare usoo kaceen, kadibna way sujuudeen, sidaasbayna dhawr jeer ku celceliyeen, ugu danbayna intay fadhiisteen ayey dhamaantood wada aamuseen, kadibna labada hareerood ayey usalaamo naqsadeen” Yuusuf wuxuu yidhi: Maxay kale? Markay salaama naqsadeen miyaanay is qarxina? Maxay ka danbaysiiyeen? Wuuu yidhi: Maya, ee sidaasbay ku dhamaatay salaadii, waana la kala dareeray!!

Mudo yar kadib waxa islaamnimadii qaatay baadarigii saaxiibka la ahaa Yusuf Estes, waxaanu islaamnimadiisa u sheegay saaxiibkii Yuusuf, dabadeedna Yuusuf ayaa orday oo doonay in islaamnimada saaxiibkii uu usheego xaaskiisii, markaasay xaaskiisii tidhi: waa inaad i furtaa? Wuxuu dhahay Yuusuf: Maxaa dhacay? waxay tidhi: Aniguna waan islaamay, islaamkuna ma ogola in gabadha muslimaatka ah ay guursato nin kiristaan ah.

Maalintaas Yuusuf oo doonaya inuu qaato islaamnimada ayuu la kulmay wiilkii reer Masar, kadibna wuxuu bilaabay hadal badan oo uu ka sheekaynayo noloshiisa, ganacsiga, iyo qoyskiisaba, wuxuuna sugayaa oo kaliya in wiilka reer Masar uu ku dhaho: Maxaad u qaadan wayday diinta Islaamka? Hase ahaatee wiilkii reer Masar ayaa fahmay qasdigiisa wuxuuna ku dhahay: “Yuusufoow, arrintu maaha waxa idiin dhaxeeya adiga iyo qoyskaaga, adiga iyo hantidaada, adiga iyo dadka kale ee arrintu waa waxa idiin dhaxeeya adiga iyo rabigii ku abuuray!!”

SubxaanaAllah, wuxuu dhahay Yusuf Estes: “Maalintaas ayaan tagay meel aan dadku i arkaynin, markaasbaan sujuuday oo aan baryey Ilaahay anigoo leh; Ilaahayoow, i hanuuni” Kadibna wuxuu Yuusuf go’aansaday inuu qaato diinta Islaamka, isagoo soo raacay xaaskiisii, iyo saaxiibkii, waxaana shahaada u qabtay wiilkii reer Masar.

Yusuf Estes wuxuu rumaysnayahay in qaabka ugu fiican ee ugu wanaagsan ee dadka aan islaamka ahayn ay diinta kusoo galayaan ay tahay in qofka muslimka ah uu si dhab ah ugu dhaqmo diinta Islaamka.

Maanta Yusuf Estes waa daaci wayn oo caan ah, isagoo dadka ugu yeedha dacwada Islaamka, waxa gacantiisa ku muslimay boqolaal qof hadaanay kumanaan ahay, oo ay ku jiraan wadaada iyo baadariyada kaniisadaha ee diinta Kiristaanka.


Xigasho:

Ka daawo muuqaalka uu ka hadlay Yuusuf Ests noloshiis