Tusmo

Yaa xukumayey Masar xilligii nabi Yuusuf? Ma Boqorbaa mise Fircoon?

وَقَالَ الْمَلِكُ ائْتُونِي بِهِ

Wuxuu yidhi Boqorkii ii keena.. (nabi Yuusuf)

Quraanku wuxuu ku tilmaamay madaxdii ka talinaysay dalka Masar inay ahaayeen Fircoono, waxayna kalimadaas fircoon kusoo aroortay 74 jeer, hase ahaatee suuratu Yuusuf ilaahay kumuu sheegin Fircoon ee wuxuu madaxiii Masar ku tilmaaya Boqor (الْمَلِكُ ), ayadoon ognahay in nabi Yuusuf uu ku noolaa dalka Masar.

Dhamaadkii qarnigii 19 aad ee miilaadiga ayaa ninka la dhaho Jean-François Champollion ayaa furfuray calaamadihii fartii qadiimiga ahayd ee reer Masar waana luuqa Hieroglyphs, wuxuuna cadeeyey in nabi Yuusuf ku noolaa dalka Masar xilligii boqoradii reer Hexsos, kuwaasoo ka awood batay Faraaciintii reer Masar, xilliyadii 1730 kii ilaa 1580 kii dhalashadii nabi Ciise kahor.  Hadaba su’aashu waxay tahay siduu ku ogaaday Rasuulka Muxamed scw dhacdadaas taariikhiga ah?