SHAQADA QORRAXDA

وَجَعَلۡنَا سِرَاجً۬ا وَهَّاجً۬ا

“Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda)” Surada Naba’ ayaada 13aad.


وَجَعَلَ ٱلۡقَمَرَ فِيہِنَّ نُورً۬ا وَجَعَلَ ٱلشَّمۡسَ سِرَاجً۬ا

“Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad” Suurada Nux, Ayada 16aad.


هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلشَّمۡسَ ضِيَآءً۬ وَٱلۡقَمَرَ نُورً۬ا وَقَدَّرَهُ ۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَ‌ۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٲلِكَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ‌ۚ يُفَصِّلُ ٱلۡأَيَـٰتِ لِقَوۡمٍ۬ يَعۡلَمُونَ

“Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og.” Suurada Yuunus, Aayada 5aad.


وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّہَارَ ءَايَتَيۡنِ‌ۖ فَمَحَوۡنَآ ءَايَةَ ٱلَّيۡلِ وَجَعَلۡنَآ ءَايَةَ ٱلنَّہَارِ مُبۡصِرَةً۬ لِّتَبۡتَغُواْ فَضۡلاً۬ مِّن رَّبِّكُمۡ وَلِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَ‌ۚ وَڪُلَّ شَىۡءٍ۬ فَصَّلۡنَـٰهُ تَفۡصِيلاً۬

“Waxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada) Surada Isra/banu israel Aayada 10aad.


 تَبَارَكَ ٱلَّذِى جَعَلَ فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجً۬ا وَجَعَلَ فِيہَا سِرَٲجً۬ا وَقَمَرً۬ا مُّنِيرً۬ا

“Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi.” Suurada Furqaan, Aayada 61aad.


Qura’aanka waxa uu ku tilmaamay Qorraxda Siraad, shayna looguma yeedho siraad illaa uu yeesho iftiin iyo kuleyl (xaraarad) markaa kalmada siraad ayaa ah ta ku haboon sababtoo ah way iftiintaa waxayna soo daysaa xaraarad, laakiin marka Xaqu (S.W.T) uu ka waramayo Dayaxa waxa uu ku tilmaamay nuur, shayna looguma yeedho nuur illaa uu yahay walax ilayska celisa (reflection) isagoo aan soo daynin kuleyl ama xaraarad.

Sida aayadaha aan ka fahmayno waxa Xaqu (S.W.T) ku tilmaamay in Qorraxdu tahay shay kulul oo gubanaya, halka Dayaxuna uu yahay mid qabow oo aan isagu lahayn xaraarad (kuleyl) balse ilayska ka hela Qorraxda.

Heer kulka Qorraxda ee sare waxa lagu qiyaasaa 6000 oo decree, halka ubucda hoose lagu qiyaaso 20milyan oo decree.

Waxa layaableh in la ogaaday in Qorraxda ubucdeeda hoose ay tahay mugdi (madow) waxayna soo saartaa falaadho aan la arkaynin sida falaadha Gamma, X, iyo falaadhaha UV (ultraviolet rays) hase ahaatee daboolkan sare ee ku dahaadhan qorraxda ayaa ah ka ubadala falaadhaas kuwo iftiimaya oo la arki karo, sidaa awgeed ayuu Xaqu (S.W.T) uu ku tilmaamay Qorraxda calaamada maalintii wax tusisa, waana kalmada ku haboon sababtoo daboolkan ku dahaadhan ee ay kasoo burqadaan falaadhaha ilaysku ayaa wax ina tusiya. Subxanallah.

SOCODKA QORRAXDA

وَٱلشَّمۡسُ تَجۡرِى لِمُسۡتَقَرٍّ۬ لَّهَا‌ۚ ذَٲلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

“Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og” Suurada Yaasiin, Aayada 38aad.


لَا ٱلشَّمۡسُ يَنۢبَغِى لَهَآ أَن تُدۡرِكَ ٱلۡقَمَرَ وَلَا ٱلَّيۡلُ سَابِقُ ٱلنَّہَارِ‌ۚ وَكُلٌّ۬ فِى فَلَكٍ۬ يَسۡبَحُونَ

“Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan” Suurada Yaasiin, Aayada 40aad.


….وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ‌ۖ كُلٌّ۬ يَجۡرِى لِأَجَلٍ۬ مُّسَمًّ۬ى‌ۚ….

” Eebe waa Sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban” Suurada Racd, Aayada 2aad.


Ayaadkan waxay inoo tilmaamayaan in Qorraxdu ku socoto xawaare xadidan, orod xadidan iyo meel xadidan. Cilmi baadhis lagu sameeyey ayaa waxay muujinaysaa  in Dayaxu uu ku wareego udub dhexaadkiisa (orbit), isla markaana uu ku wareego dhulka oo dhan mudada Sagaal iyo labaatan casho iyo maalin badhkeed, 29,5 maalmood. Sidoo kale Dayaxa iyo Dhulkuba waxay ku wareegaan Qorraxda mudada dhan 365 maalmood, halka Dhulku ku wareego udubkiisa 24kii saacadoodba hal mar.

Qorraxduna waxay ku wareegtaa udubkeeda hal mar 25kii maalmoodba, ayadoo ku soconaysa xawaaraha 250km/il. Sidoo kale Dhulka, Dayaxa, iyo Qorraxduba waxay ku wareegaan Xidig ururka (Glaxy)  250 milyan oo ilays sanadeed. ilays sanadeedku waa 950 bilayan km. markaa waxaad isku dhufataa 950 bilyan iyo 250 milyan waxayna noqon 2375 iyo todoba iyo toban eber oo ka danbeeya. waa xawaare aan la qiyaasi karayn.

Hadaan si kooban u sheegno, Dhulka,Qorraxda iyo Dayaxuba waxay ku wareegaan udub dhexaadkooda, isla markaana Dayaxu waxa uu ku wareega Dhulka, halka Dhulkuna ku wareego Qorraxda. Sidoo kale Qorraxda iyo Meerayaasheedu waxa ku wareegaan Xidig urureedka (Glaxy) kaaso oo loo yaqaano (Milk way) wado caaneedka.

Isku soo wada duuboo dhamaan xidigaha iyo meerayaashuba way soconayaan ayagoo midba midka kale ku wareegayo, waxayna ku socdaan nidaam iyo kala hagis aad u sarreysa, sidaa awgeed ayuu Xaqu (S.W.T) uu uleeyahay Qorraxda uma suurto gasho inay gaadho Dayaxa sababtuna waxa weeye dhamaan way wada soconayaan, ismana gaadhayaan hadana way is haystaan awooda cufis jiidadka awgeed. Subxaanallah.

Wareega Dhulka waxa ka dhasha Habeenka iyo Maalinta, moosimyada kala duwan (Xagaaga, Jiilaalka, Guga iyo Dayrta).

[huge_it_videogallery id=”5″]