Tusmo

MUCJISOOYINKA QURAANKA IYO DAYAXA

وَٱلۡقَمَرَ قَدَّرۡنَـٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلۡعُرۡجُونِ ٱلۡقَدِيمِ

“Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.”  Suurada 36aad ee Yaasiin Aayada 39aad.


….وَٱلۡقَمَرَ نُورً۬ا وَقَدَّرَهُ ۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَ‌ۚ….

“Kayeelnay Dayaxa Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, Si aad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta.”

Suurada 10aad ee Yuunus, Aayada 5aad.


فَالِقُ ٱلۡإِصۡبَاحِ وَجَعَلَ ٱلَّيۡلَ سَكَنً۬ا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ حُسۡبَانً۬ا‌ۚ ذَٲلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

Eebe waa kan Abuuray Iftiinka kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka Eebe Adkaadaha  og. Suurada 6aad ee Ancaam, Aayada 96 aad.


Dayaxa waxa Eebe u qadaray meelo uu kasoo baxo habeenkasta, marka hore waa yaryahay kadibna iftiinkiisa ayaa sii waynaada habeenkasta illaa laga gaadhayo habeenka 14aad oo uu dhamaystirmo, markaasuu bilaabaa inuu dib unuqsaamo una ekaado sidii laan gabowday oo kale.

Dayaxu waxa uu iftiinka ka helaa Qorraxda, markaa dhanka ay qorraxdu ka qabato waa iftiimayaa halka dhanka kalena uu yahay mid mugdi ah, boosaska uu dago dayaxu habeenkastana waxay inoo sahlaysaa xisaabta iyo sidaan u garano cadadka maalmaha.

Taariikhda Miilaadiga iyo Taariikhda Hijriga

Sanadka Miilaadiga waxa loo yaqaanaa sanad qorraxeed sababtoo ah waxay tirsadaan Qorraxda. Sanad Qorraxeedkuna waa mudada uu dhulku ku wareego Qorraxda, waxaana weeye 365 maalmood, 5 saacadood, 48 daqiiqo iyo 64 ilbidhiqsi. Si loo sahlo xisaabta tirada loogana saaro tirada jajabka ah ayaa lagu soo koobay in sadexdii sanoba ay ku dhamaato 365 halka sanadka afaraad ay ku dhamaato 366 maalmood, taa macnaheedu waxa weeye afartii sanaba waxa lagu darayaa maalin dheeraad ah, sidaa awgeed bisha labaad ee Fabraayo waxa lagu daraa 1 maalin afartii sanaba hal mar. Bisha Febraayo Sadexda sanadood ee hore waxay ku dhamaataa 28 maalmood, sanadka kalena waxay ku dhamaataa 29 maalmood.

Sanadka Hijriga waxa loo yaqaana Sanad Dayaxeed, sababtoo ah waxa la tiriyaa Dayaxa. Sanad Dayaxeedku waxa weeye wareega Dayaxu ku sameeyo dhulka 12 jeer, wareegii kastana waa hal bil,  waxaanu qaataa mudada ah  (29 maalmood, 12 saacadood 44 daqiiqo iyo 2,8 ilbidhiqsi) sidaa awgeed bisha hijriga ah waxay ahi waxay ku dhamaataa 29 maalmo ama 30 malmo. Sanadkuna wuxuu noqonayaa (354.367056 maalmood). Taas oo macnaheedu yahay in Sanad Dayaxeedku (Hijrigu) ka yaryahay 11 casho Sanad Qoraxeedka.

Xisaabtan oo ay adagtahay in la ogaado ama la xisaabiyo ma kula tahay Quraanka kariimka ah ayaa ka waramay, Layaab!!!!!!!!!!! 

Haa, Eebe (S.W.T) waa ka waramay xaqiiqadan xisaabta ah, waxaanu Xaqu ku leeyahay Suurada 18aad Kahfi Aayada 25aad.

وَلَبِثُواْ فِى كَهۡفِهِمۡ ثَلَـٰثَ مِاْئَةٍ۬ سِنِينَ وَٱزۡدَادُواْ تِسۡعً۬ا

“waxay ku nagaadeen godkoodii Sadex Boqol oo sano waxayna siyaadsadeen Sagaal.”


Xaqu (S.W.T) asagoo ka waramay dhalinyaradii Asxaabul-kahfi ayuu leeyahay waxay hurdeen Sadex boqol oo sano (Miilaadiga) ama waxay hurdeen Sadex boqol iyo sagaal sano oo (Hijriya).

Sanad Qorraxeedu (miiladigu) waxa uu ka badanyahay  11 casho Sanad Dayaxeedka (Hijriga) markaa boqolkii sanoba waxa dheeraad noqonaya 3 sano.

Sanad Qorraxeedka (Miilaadiga) 365*100 = 36500 maalmood.

Sanad Dayaxeedka (Hijriga) 354*100 = 35400 maalmod.

hadaba aynu kala jarno maalmaha si aan u helno farqiga 36500-35400 = 1100

Farqigii waxa uu noqday 1100 maalmood, markaa waxaynu ubadalaynaa sanad anagoo u qaybinayna 1100/365 = 3 sano. Waxaynu ogaanay in 100kii sanaba sano  ay Sanad Qorraxeedku (miilaadigu) ka badan tahay ta Sanadka Dayaxeedka (Hijriga).

Madaama 100 kii sanoba ay 3 sano dheeraad noqonayso, Sadexda boqoln waxa dheeraad noqonaya 9 sano.

  • Sanad Qorraxeed (Miiladi) Sadex boqol oo sano = 300 miilaadiya.
  • Sanad Dayaxeed (Hijri) Sadex boqol oo sano = 309 miilaadiya.

Sidaa awgeed ayuu Xaqu (S.W.T) uu uleeyahay Dhalin yaradu waxay hurdeen 300 sano (miilaadi), waxayn siyaad sadeen Sagaal sano oo ah Sanad Dayaxeedka (Hijriga) !!!!!!!!!!!!!!!!! Hadaba yaa u waxyooday Nabiga xisaabtan layaabka leh, Subxaanallah waa hadalkii Eebe.