Sirta dhisida Ahraamta Masar iyo Quraanka.

Ahraamta Masar ee aadka u waaweyn oo inbadan cajsi galisay dhammaan Culumada baadha qaabkii loo dhisay iyo qalabkii la adeegsaday markii la dhisayey ayaa dhowaan daaha laga qaaday, laakiin sirta ka danbaysa qaabka loo dhisay ayaa Quraanka Kariimka ah lagu sheegay 1400 oo sano kahor.

Cilmi baadhistan cusub waxay leedahay Ahraamta waxa laga dhisay dhoobo iyo xaraarad! Waxaana mucjiso ah in Quraanku ka warramay arrintaas, balse intaynaan bilaabin sida Quraanku uga warramay waxaan soo bandhigi doonaa inshaAllah sida Culumadu ku ogaadeen cilmi baadhistan.

Joornaalka afka dheer ee American times ayaa daabacay war cilmiyeysan oo adkaynaya in Ahraamta Masar laga sameeyey dhoobo, waxayna cilmi baadhistan oo culumo Faransiis ah wadeen dhaheen; Dhagxaanta Ahraamaata Masar waxa laga sameeyey dhoobo lagu qaaday iska rogo oo kale ah kadibna la kuleyliyey illamaayo ay yeelatay qaabka dhagxaanta dabiiciga ah.

Waxyana intaa ku dareen in Faraaciintii Masar ay aad u yaqaaneen cilmiga Chemistry (Kimistariga) iyo qaabka loo dhiso dhagxaan dhoobo ah, cilmiganina wuxuu ahaa mid sir ah oo loo diidanaa inuu meel ka baxsan xukunka Faraaciinta uu ku faafo.

Aqoonyahanada Gilles Hug iyo Michael Barsoum ayaa xaqiijiyey in Haramka ugu wayn Ahraamta ee ku yaala Giza laga dhisay laba dhagaxaan oo kale ah; Dhagax dabiici ah iyo dhagaxaan gacmaha laga sameeyey.

Saxiifada Journal of the American Ceramic Society waxay cadeysay in in Faraaciintii adeegsadeen dhoobo, si looga dhiso guryaha dhaadheer iyo Ahraamtaba. Sababtoo ah wax suurta gal ah maaha inay Bashar qaadeen dhagax miisaankiisu yahay kumanaan kilo garaam. Sidaa darted waxa Faraaciintu seeska/aasaaska Ahraamta ku dhiseen dhagxaan caadiya, kuwa sarena waa dhagxaan lagu sameeyey gacmaha.

Dhoobo ayaa lagu kuleyliyey moofo (fireplace), waxaana lagu daray cusbo, waana la uumi bixiyey taasoo abuurtay dhoobo isku jir ah (clay lime-mixure). Kadibna  waxa lagu qaaday iska rogo loox ah taasoo geynaysa meesha dhagaxa la dhigayo.

Pro: Davidovits ayaa baadhis ku sameeyey dhagxaanta Ahraamta isagoo adeegsanaya mikraskoob (microscope), wuxuuna helay raad is falgal degdeg ah, taasoo cadeynaysa in dhagxaantu yihiin dhoobo.

Arrintan culumado ogaadeen dhowaan ayaa Quraanku ka warramay, Ilaahay (S.W) oo ka warramaya Fircoon oo wasiirkiisii Haamaan u diraya inuu u dhiso guryo dhaadheer wuxuu leeyahay:

{ وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُمْ مِنْ إِلَهٍ غَيْرِي فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ فَاجْعَلْ لِي صَرْحًا لَعَلِّي أَطَّلِعُ إِلَى إِلَهِ مُوسَى وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ مِنَ الْكَاذِبِينَ}

{ Wuxuu Yidhi Fircoon golahoow (wasiiradoow) Idiinma Ogi Ilaah aan aniga ahayn ee ii Huri Haamaanow Dhoobada iina Yeel Daar (dheer) aan Daalacdo Ilaaha Muuse  waxaan u malaynaynayaa inuu beenaale yahaye} {Qasas:38}

Waxa la yaab leh sida Aayadu u tilmaantay dhoobadii iyo xaraaradiiba! [فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ] [Haamaanoow ii huri Dhoobada iina yeel Daar], SubxaanaAllah.

Faraaciintii hore aadbay u qarin jireen in la ogaado sirta ay ku dhiseen Ahraamta, waxaana lala yaabanaa meesha laga keenay dhagxaanta Haramka wayn oo tiradiisu dhantahay Shan Milyan oo tan, dhererkiisuna yahay 146 mitir, laguna dhisay 20 sano oo kaliya, mudo iminka laga joogo 4000 ilaa 5000 oo sano kahor.

Dad badan ayaa fikrado kala duwan keenay laakiin dhamaantood waxay noqotay midaan suurta galayn, kaliya waxa indhaha caalamka si wayn usoo jiitay cilmi baadhistan ugu danbeysay oo si cad u qeexday in Ahraamta Masar isugu jiraan dhagxaan caadiya iyo dhagxaan gacmaha lagu sameeyey, laakiin arrinta cajiibka ahi waxa weeye sida Nabi Muxamed (N.N.K.H) ku gartay sirta la qarinayey 5000 oo sano, walina lala yaabanyahay, subxaanaAllah waxa kaliya oo inala haboon waa inaan Ilaahay u tasbiixsano.