Sidee loo Abuuraa Dadka?

Qura’aanka waxa kusoo arooray in kabadan 40 aayadood iyo tobanaan xadiis oo ku saabsan cilmiga (Embryology). Aqoonta ku saabsan koriniinka ilmaha waxba lagama ogayn mudo aad udheer, inkastoo Quraanku si aad u xeeldheer uu uga faalooday, hase ahaatee waxa saaxada cilmiga lagusoo bandhigay cilmigan dabayaaqadii qarnigii labaatanaad.

Fiiro gaara:-

Ilaahay Xaqa kama xishoodo, waxa laga yaabaa inay kaa hor yimaadaan Erayo aan inta badan la isticmaalin, laakiin waxa nagu kalifaya waa inaan sida ugu fudud usoo gudbino inshallah.

Qeexid:-

Biyaha Ninka (Mani) waxay ka koobanyihiin malaayiin unugyo yaryara, midkasta oo ka mid ah unugyadaas waxa uu wataa isir sidaha (DNA) waxaanu afka hore ku leeyahy dhuun yar iyo dib dheer oo u samaaxaya inuu dabaalan karo, kadibna waxa uu gaadhaa riximka haweenka si uu ula kulmo beedka.

Beedka dumarka  waxay kasoo baxaan mid kamida labada ugxamood hal mar bishii, ugaxantu waxay leedahay beed xadidan oo lagu qiyaaso laba milyan oo beed, marka ay haweenku qaangaaraan waxa kusoo hara oo kaliya Sadex kun oo beed, waxaana soo baxa Afar boqol oo beeda mudada u dhaxaysa 13 sano jir  ilaa 50 sano jir.

Marxaladaha uu maro basharku:-

 (وَقَدۡ خَلَقَكُمۡ أَطۡوَارًا)

“Eebe waxa uu idinka abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan” suurada 28aad ee Nuux Aayada 14aad

Qur’aanku wuxuu u qaybiyey marxaladaha ilmuhu soo maro lix qaybood waa marka laga reebo marxaladda koowaad ee dadka oo dhan laga abuuray ee ciida/carrada.

Marxalada koowaad:- (Ciid/Carro)

Tusmo

…..يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِى رَيۡبٍ۬ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَـٰكُم مِّن تُرَابٍ۬)

“Dadoow haddaad Tihiin kuwo ka Shakisan soo Bixinta, waxaan idinka Abuurnay Carro” Suurada 22aad Al-Xajj, Aayada 5aad.

(وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَىۡءٍ حَىٍّ‌ۖ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ…..

“kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn” Suurada 21aad Al-anbiya, Aayada 30 aad.

(وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَـٰنَ مِن سُلَـٰلَةٍ۬ مِّن طِينٍ۬)

“Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo” Suurada 23aad Al-Muminuun, Aayada 12aad.

Aayada hore waxay tilmaamaysaa in basharka laga abuuray carro/ciid, aayada labaadna waxay tilmaamaysaa in biyo laga abuuray dadka, halka aayada sadexaadna sheegayso in laynaga abuuray dhoobo, dhoobaduna waa carro iyo biyo laysku daray. Waxaana cilmigan maanta joogaa xaqiijiyey in dhammaan maadooyinka uu ka koobanyhay jirka bani aadamka iyo carradu ay isku mid yihiin, waana 22 maado oo kala ah:-

  • Oksijiin (oxygen) Haydarojin (hydrogen) waana labada maado ee biyuhu ka kooban yihiin.
  • Karboon (carbon) Haydarojin (hydrogen) oksijiin (oxygen) waxaana ka samaysmay sonkorta, brotiinka, duxda, faytamiinada iyo hormoonada.
  • Macdanada sida kaalshiyo (calcium) botasiyum (potassium) milix (sodium) koloor (chlorine) magnisiyam (magnesium) foosfaro (phosphor) xadiid (iron) iwm.

Marxalada Labaad (Candhuuf)

…..ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٍ۬ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٍ۬ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٍ۬ مُّخَلَّقَةٍ۬ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٍ۬ ………….

” kadibna ka abuurnay Dhibic (candhuuf) Haddana xinjir, Hadana waslad la Abuuray iyo Midaan la Abuurin” suurada 22aad Al-Xaj, aayada 5aad.

(ثُمَّ جَعَلَ نَسۡلَهُ ۥ مِن سُلَـٰلَةٍ۬ مِّن مَّآءٍ۬ مَّهِينٍ۬)

“kadibna ka yeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo tabaryar” Suurada 32aad As-Sajda, Aayada 8aad.

Marka Qur’aanku ka hadlayo biyaha, waxa looga jeeda biyaha ninka (Mani) iyo biyaha dumarka (Beed) sida kusoo aroortay xadiis laga warinayo rasuulka (N.N.K.H):-

“ماء الرجل أبيض غليظ وأن ماء المرأة أصفر رقيق”

“Biyaha ninku waa cadaan adag, biyaha haweenkuna waa jaale/huruud khafiifa” xadiiskana waxa wariyey ibnu cabaas, Imaam Axmed.

Midabka biyaha dumarka inuu yahay jaale waxa la ogaaday qarnigan aan ku jirno, nabiguna waxa uu ka warramay 1400 oo sano ka hor. Subxaanallah.

Aayada labaad waxa ku jira mucjiso layaab leh, Eebe waxa uu yidhi (نَسۡلَهُ) fariciisii ka doortay unug kaliya. Aayadan waxay inoo sheegaysaa in biyaha Ninka ee aadka u tirada badan laga doortay unug ka mid ah, si ay u bacramiso ama ula fal gasho dhigeeda (beed) haweenka.

Eebe waxa kale uu leeyahay suurada 76aad ee Insaan aayada labaad.

(إِنَّا خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَـٰنَ مِن نُّطۡفَةٍ أَمۡشَاجٍ۬ نَّبۡتَلِيهِ فَجَعَلۡنَـٰهُ سَمِيعَۢا بَصِيرًا)

“Annagaa ka abuuray dadka candhuuf isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah”

Kalmada (أَمۡشَاجٍ۬) waxa weeye laba shay oo isku dheehan, waa biyaha ninka iyo biyaha dumarka oo isku dhafan ayaa Eebe ka abuuraa basharka, sidoo kale waxa arrintan sii adkaynaya xadiis ka sugan nabiga (N.N.K.H).

يا يهودي ، من كل يخلق ، من نطفة الرجل ومن نطفة المرأة …

“Nin Yahuudiya ayaa Nabiga waydiiyey waxa dadka laga abuuro, markaasuu rasuulku ku yidhi dadka waxa laga abuuraa biyaha ninka iyo biyaha dumarka”


Todobaadka 1aad, Candhuuf (النطفة) :- 

Xilliga uu dhaco isu taga raga iyo dumarka ayaa manida ninka oo ka kooban malaayiin unugyo u gudbaysaa riximka dumarka, laakiin unugayada badankoodu ma bacramin karaan beedka dumrka, sidaa awgeed badankoodu way dhintaan marka laga reebo hal unug oo kaliya kaasina waxa uu awood u leeyahay inuu gaadho riximka si ay isu bacramiyaan beedka haweenka, kadibna waxa bilaabmaysa marxalada xigta oo ah in ay kobcaan, waxaana shardi ah in ay kulmaan labadan (beedka iyo unugta) dabadeedna waxay ukala qaybsamaan laba qaybood mudo sadex saacadood ah, labadiina afar ayay u qaybsamayaan mudo dhan 38 saacadood, afartiina sideed ayey noqon 50 saacadood kadib, sidaasbaanu ku kori ilmaha yar.

Marxalada Sadexaad (Xinjir) 

…..ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٍ۬ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٍ۬ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٍ۬ مُّخَلَّقَةٍ۬ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٍ۬ ………….

” kadibna ka abuurnay Dhibic (candhuuf) Haddana xinjir, Hadaana waslad la Abuuray iyo Midaan la Abuurin” suurada 22aad Al-Xaj, aayada 5aad.

Macnaha (عَلَقَةٍ۬) ayaa ah shay ka lusha meel, runtiina waxa la xaqiijiyey in Todobaadka 1aad unugyadii isu tagay ka lushaan riximka hooyada, sidoo kale waxay leedahay macne labaad oo ah Xinjir waxaana laga qaaday sawirro muujinaya midabka xinjirta ee guduudka ah.

Tobodaadka 1aad ilaa Todobaadka 3aad, Xinjir (العلقة) :-

Markay unugyadii qaybsamayey gaadhaan 58 unug ayey yeelanayaan qaab u eeg xinjirta dhiiga, kadibna waxa uu ka lulmanayaan gidaarka riximka ee danbe markaasuu noqonayaa shay laalaada, waxaana bilaabmaysa marxalada xigta oo aad uga khatarsan kuwa hore sababtoo ah carqalad yar oo timaada waxay keenaysaa in uu soo dhaco ilmuhu.

Marxalada Afaraad  (Waslad)

…..ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٍ۬ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٍ۬ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٍ۬ مُّخَلَّقَةٍ۬ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٍ۬ ………….

” kadibna ka abuurnay Dhibic (candhuuf) Haddana (xinjir), Hadaana (waslad) la Abuuray iyo Midaan la Abuurin” suurada 22aad Al-Xaj, aayada 5aad.

Waxa mucjiso ah sida Quraanku uga horeeya cilmaga ee ugu tilmaamay marxaladan in ilmuhu u eegyahay sida waslad hiliba oo la calaaliyey, run ahaantiina waxa laga qaaday sawirro ilmaha todobaadka 4aad waxaana cadaatay in ilmuhu yahay sida waslad la calaaliyey.

Aayadu waxa kale oo ay tilmaamaysaa in wasladu ka koobantahay laba qaybood oo mid la abuuray  oo ah ilmaha (cunuga) iyo midaan la abuurin waa mandheerta.

Todobaadka 4aad illaa Todobaadka 7aad, Waslad (المضغة) .

Xinjirtii laalaaday ayaa kortay oo waxay noqotay wax kuusan oo u eeg waslad la calaaliya, waxa layaab leh in quraanku ku tilmaamay shay la calaaliya runtiina marka lagu fiiriyo kamarada waxad moodaa sida hilib la calaaliyey oo kale. Wasladan waxay ka koobantahay sadex qaybood:- lakab dibada ah, lakab dhexe iyo lakab gudaha ah.

  1. Lakabka dibada ah (Ectoblaste) waxayna ilamaha yar siisaa maqaarka, neerfaha, afka, dibnaha iyo xididada indhah….
  2. Lakabka dhexe (Mesoblaste) waxay qaabilsantahay lafaha, murqaha, kaadi mareenka iyo xubnaha taranka sidoo kale dhiiga…
  3. Lakab gudaha ah (Endoblaste) waxay qaabilsantahay beerka, xamiitada, dheef shiidka iyo neefqaadashada..

Marxalada Shanaad (Lafaha)

(ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةً۬ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةً۬ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَـٰمً۬ا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَـٰمَ لَحۡمً۬ا ثُمَّ أَنشَأۡنَـٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَ‌ۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَـٰلِقِينَ)

“Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Xinjir kana Abuuray Xinjirtii Waslad, kana Abuuray Wasladii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay”

Marxaladan waxa bilaabma abuurista lafaha ayadoo qayb kamid ah wasladu ay isu badasho xarko yaryar si ay usamysao laf dhabarta iyo lafaha kale oo dhan, markaas ayuu ilmuhu u eekaanayaa basharka waana usbuuca todobaad, 42 casho kadib bacramintii.

Marxalada Lixaad (Jirka)

…فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَـٰمَ لَحۡمً۬ا ثُمَّ أَنشَأۡنَـٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَ‌ۚ…

“Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale” Suurada 23aad Al-Muminuun, Aayada 14aad.

Aayadu waxay tilmaamaysaa in marka hore la abuurayo lafaha kadibna la huwinayo hilib waana todobaadka 8aad. Mucjisada Ayadan ku jirta ayaa ah in ay tilmaantay in lafuhu marka hore la abuuro kadibna la huwiyo hilibka, arrintan ayaa la ogaaday Qarnigan aan ku jirno waxaana billada Nobel Prize ku qaatay aqoonyahanka Nelsom kadib cilmi baadhis uu ku sameeyey mudo dheer, hase ahaatee Quraanka ayaa ka warramay 1400 oo sano ka hor.

Marxalada Todobaad (Qof)

Sadex bilood ayaa kasoo wareegay markuu ilmuhu uurka galay, Marxaladana ilmuhu waxa u eegyahay sida basharka oo kale, waxaana sii soconaysa korniinkiisa, sidoo kale ilmuhu waxa uu bilaabaa socod iyo dhaqaaq asagoo nuugaya suulkiisa, maqlayana codka iyo sawaxanka u dhow.

Ninka ayaa xadida wiil iyo gabar kuu dhalayo:-

(46)وَأَنَّهُ ۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ (45) مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ

“Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba (45) Kana abuuray dhibic soo baxday (46)” Suurada 53aad Najm, Aayadaha 45-46.

 أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةً۬ مِّن مَّنِىٍّ۬ يُمۡنَىٰ (٣٧) ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً۬ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ (٣٨) فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

“Miyuusan ahayn dhibic Mani ah oo la dhibciyo, Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana, Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. Suurada 75aad Al-Qiyamah, Aayadaha 37-39.

Aayadahan waxay tilmaamayaan in manida Ninku xadido wiil iyo gabar kuu dhali doona, arrintan ayaa la ogaaday dhamaadkii Qarnigii tagay ayadoo la xaqiijiyey inaanay haweenku shaqo ku lahayn xadida jinsiga ay dhalayso ee wiil ama gabar.

Jirka bani Aadamku waxa uu ka koobanyahay 100 Bilyan oo unugyo, unugii kastaana waxa uu leeyahay 46 koromosom (chromosome) oo ku jira bu’da unuga, marka ay bilaabmato marxalada kala qaybinta unuga ayuu Koromosomku isu ururinaya qaab lamaane oo kale ah labadii kastabaa way isku dhaganyihiin tiraduna waxay noqonasyaa 23 koromosoom oo lamaane ah ama 46 koromosom.

  • 22 lamaane koromosom ah waxay masuul ka yihiin dhisida jirka iyo sifooyinka ruuxu yeelanayo.
  • hal lamaane koromosom ah waxa uu masuul ka yahay xadida ilmaha dhalanaya laba iyo dhidig.

Lamaanaha Dumarku waxa uu noqdaa marksata (XX) halka lamaanaha Ninku noqanayo (XY) markaa hadii ay is qabsadaan (Y) katimid Ninka iyo (X) ka timid haweenka waxa dhalanaya Lab, hadii ay is qabsadaan (X) ka timid Ninka iyo (X) ka timid haweenka waxa dhalanaya Dhidig.

Sidaa awgeed manida ninka ayaa xadida cunuga dhalanaya jinsiga uu yeelanayo lab ama dhidig, sababtoo ah koromasoomka ninka ayaa wata (XY) halka dumarka koodu yahay mar kasta (XX). Unuga wata koromosmka (Y) ayaa hor gaadha beedka mudo dhan 6 saacadood, halka unuga wata (X) uu yahay gaabis waxayna ku qaadataa 12 saacadood inuu gaadho beedka.

Halkan ka daawo Filim dhamaystiran oo ku saabsan korniinka Basharka