Buuraha iyo Mucjisooyinka uu ka waramay Qraanku.

وَٱلْجِبَالَ أَوْتَاداً

“Buurahana ka yeelay rukuno”

وَأَلْقَىٰ فِي ٱلأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَاراً وَسُبُلاً لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ

“wuxuuna ku riday (sugay) dhulka buuro si ayna idinla iilan (wuxuuna yeelay) wabiyo iyo wadooyin inaad ku toostaan”


Xaqu (S.W.T) waxa uu ku tilmaamayaa aayadahan muhiimada iyo shaqada buuraha, oo ah inay sugaan dhulka si aan dhulku inoola liicliicin, waxay dhahaan Mufasiriintu Eebe waxa uu ka yeelay buuraha hoostiisa  rukuno, sababtuna waa inay sugaan dhulka iyo qaaradaha, una diidaan in dhulku socscoda xilliga dhulka uu wareegayo.

sidoo kale xaqu waxa uu ku tilmaamay buuraha rukuno, rukunkuna waa shay haya ama sida shay kala si aanu u dhaqaaqin, waxa tusaale fiican noqon kara sida musmaarku iskugu hayo looxyada oo kale. buuruhuna waxay isu hayaan dhulka qaybtiisa hoose iyo qaybta sare.

waxa la xaqiijiyey sanadkii 1956 dii in buuruhu leeyihiin xidid aad udheer kaasoo gaadhaya lakabyada uu dhulku ka koobanyahay illaa laga gaadhayo lakabka (Sima) oo ah lakabka ugu hooseeya ee wajiga dhulka (Earth crust). Tusaale ahaan buurta aduunka ugu dheer waa buurta Everest, dhererkeedu dhulka waxay ka saraysaana waa 9 km, halka xidikeedu ka gaadhayo 135km oo dhulka hoostiisa.

Lakabka sare ee wajiga dhulku waa adagyahay hase ahaatee lakabka ka hooseeya ee (Sima) waa mid dhagdhag leh (qoyaan leh), maadaama dhulku wareeg sameeyo waxa ka dhalan lahaa dhul gariir joogta ah, markaa waa inay jiraan rukuno isku xidhaya wajiga dhulka iyo lakabka Sima, si ay uga hortagaan ama u yareeyaan dhulgariirka iyo fulkaanayaasha, sidaa awgeed ayuu Eebe ka yeelay buuraha kuwo xidid dheer leh oo gaadhaya lakabka Sima, si ay usugto dhulka.

[huge_it_slider id=”5″]

Qaabka ay buuruhu u samaysmaan.

…وَٱلأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ

“Dhulkana waan fidinay waxaanan ku ridnay dhexdooda buuro” suurada 15aad Al-Hijr, Aayada 19.


Xaqu (S.W.T) waxa uu inoo tilmaamayaa inuu dhulka dhexdooda ku riday (sugay) buuro , taas oo aan meel kale kaga iman dhulka ee ka yimid isla dhulka.

kalmada ku ridida ahina waxay noqotaa shay ka yimaada xaga sare oo ku dhaca shay ka hooseeya, sidoo kale waxay noqon kartaa shay ka yimaada xaga hoose oo yimaada xaga sare sidaa awgeed Xaqu (S.W.T) waxa uu inoo bayaaminayaa in buuruhu ka koobanyihiin labadan qayboodba.

Buuraha qaar waxa sameeya isku dhaca qaarada aduunka kaas oo ay ka dhalato is fal gal kadibna waxa soo baxa buurta mudo kadib. Halka qaybo kale oo buuraha ka mida ay samayso dabaylah oo wata ciid iyo mawjadaha bada iyo wabiyada oo sababa in dhulku iyo dhagxaantu sameeyaan buuro.

Midabyada buuraha:-

وَمِنَ ٱلْجِبَالِ جُدَدٌ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَانُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ..

“Buurahana waxaa ka mida wadooyin cadcad, iyo kuwo guduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madaw daran ah” suurada 35 Faatir, Ayada 27.


Xaqu (S.W.T) waxa uu u xusay aayadan wadooyinka ina tusinaya macdanaha dhulka ayadoo laga duulayo midabyada buuraha.

Inta badan midabyada madowga iyo casaanku waxay ina tusiyaan macdanada Xadiida iyo Naxaasta, halka cadaanku inaga tusiyo macdanaha Alumuinum (Aluminium)  iyo magnisiyamka (Magnesium).

Daawo sida Ilaahay buuraha u sameeyo. subxaanAllah.

[huge_it_videogallery id=”6″]