Sidee buu ku samaysmay Koonka?

Eebe Subxaana Watacaala waxa uu inooga waramay Qur’aanka Kariimka ah sida uu u abuuray Koonka, Basharka, Malaa’ikta iyo Makhluuqaad kale. Hadaba Quraanku maadaama uu yahay hadalkii Eebe waxa uu Icjaas galiyey dhamaan bashariyada, sidaynu la socono dadka inta rumaysay Eebe iyo hadalkiisa aad bay u yaryihiin marka la barbardhigo gaalada. Arrinta ku saabsan Koonka abuuristiisa waxa kaliya uu si faahfaahsan uga hadlay waa kitaabka Quraanka  halka kutubtii sheeganayey in uu ilaahay soo dajiyey sida kitaabka (bibleka) (Veda) ee diimaha Kiristanka iyo Hinduusku ay ku hoobteen kuna dhaceen, lagana helay khaladaad farabadan, waxa kaliya oo kasoo dhex muuqday cilmiga xaqiiqada  kitaabka Qur’aanka. Eebe waxa uu leeyehay Suurada 18aad ee Kahfi, aayada 51aad:

مَّآ أَشۡہَدتُّہُمۡ خَلۡقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَا خَلۡقَ أَنفُسِہِمۡ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلۡمُضِلِّينَ عَضُدً۬ا

“marag iyo markhaati ugama dhigin Ibliis iyo awlaadiisa abuurida Samooyinka iyo dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi (Eebe)mid ka yeesha kuwa wax lumiya kaalmo.”


Eebe waxa uu si cad inoogu sheegay inaanu cidna ka markhaati galin markuu abuurayey dhulka, Cirka iyo nafaha kaleba. hase ahaatee hadana waxa uu Eebe aayad kale ku leeyahay:-

قُلۡ سِيرُواْ فِى ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ ڪَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَ‌ۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأَخِرَةَ‌ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ ڪُلِّ شَىۡءٍ۬ قَدِيرٌ

“waxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u bilaabay khalqiga (Abuurka), hadana Eebe u ahaysiin abuuridda dambe (Soo bixinta), Eebana wax walba wuu karaa”


Aayadii hore waxa Eebe yidhi markhaati kama tihidin sida Eebe u abuuray dhulka iyo cirka, hadana waxa uu ina faray inaan fiirino siduu u bilaabay khalqiga, taas oo macnaheedu tahay hadii aad isku daydaan inaad wax ka ogaataan abuurista iyo sida loo bilaabay koonka waad soo dhowayn kartaan. Sida culumada Fiisikiska iyo Falaguba isku waafaqsanyihiin waxa weeye in bilowgii koonku ahaa dhibic yar oo kaliya kadibna ay dhacday Qarax wayn waa Big Bang. Arrintan Qaraxa wayn waa fikrad socotay mudo 150 sano ah, waxayna hirgashay oo indhaha caalamka soo jiidatay 1970kii xilligaas oo la soo bandhigay in koonku ka samaysmay qarax dhacay 14 bilyan oo sano ka hor, waa siday ku qiyaaseen culumada falaku (xidigiyaasha). markuu qaraxu dhacay kadib waxa kala fircamay maadooyinkii iyo qaab dhismeedkii uu usamaysnaa waagii hore, koonka oo ahaa walax yar oo isku xidhan kadibna kala baxday ayadoo shay kasta iskii isutaagay.

Tusaale ahaan marka uu dhaco qarax (miino) waxa kala fircama oo kala baxa maadooyinka ay ka samaysantahay miinadu, sidaa awgeed ayagoo ka duulaya arintan ayey ku fadhiisiyeen cilmigan ama fikrada Big Bang. waxa kale oo dhowaan la ogaaday in walax kasta oo qarixii sameeyey ay leedahay nidaam iyo qaab ay usocoto, sidoo kale ay sameeyaan wareeg xawaare u gaar ah, taasoo la aaminsanyahay in awood aad u layaab leh ay isu hayso, awoodahaas oo u kala baxa afar qaybood, waxa ugu wayn waa awooda (gravity) cufus jiidadka.

waxa is xasuusin mudan dadka inta badan baadha cilmiga Fiisikiska iyo Falgaba waxay u badanyihiin dad diinlaawayaal ah (atheist), fikrad kasta oo ay ogaadaana ha noqoto xaqiiqo ama mid mala’awaal ahbee waxay ku saleeyaan in dabeecadu iskeed isu abuurtay ayagoon wax daliil cad ah u hayn. Diimaha kale way ka caajiseen inay iska dhiciyaan dadka diinlaawayshaada ah sababtoo ah nasiib daro kutubta ay aaminsanyihiin ayaa xarifan oo la badalay. Hal diin oo kaliya, hal kitaab oo kaliya, hal Nabi oo kaliya ayaa iska dhiciyey oo meel aanay kasoo noqonayn ku tuuray una cadeeyey inay ku suganyihiin baadi cad, masiirkooduna yahay cadaab, ilaahbaan ka magan galnee, waa diinta Islaamka iyo kitaabka Qur’aanka. Alxamdulilaah. Macluumaadka ay culumada saynisku gaadheen wixii xaqiiqo ah waxay is waafaqeen kitaabka Quraanka oo aynu soo bandhigi doono Inshallah. Eebe waxa uu ku leeyehay Suurada 21aad ee Al-anbiya aayada 30 aad:-

أَوَلَمۡ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ ڪَانَتَا رَتۡقً۬ا فَفَتَقۡنَـٰهُمَا‌ۖ وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَىۡءٍ حَىٍّ‌ۖ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ

“Miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku Dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.”


Halkan waxa uu Eebe inooga waramayaa arrin aad u cajiiba oo ay adagtahay in qof bani aadam ahi ogaan karo mudo 1400 oo sano ka hor. waxa uu Eebe leeyahay Miyeydaan arkayn inay Samooyinka iyo Dhulku ahaayeen kuwo isku Dhagan oo ah hal mida ah, sidaa awgeed samada iyo dhulkuba waxa uu ahaa kuwa isku yaala oo ah mid qudha kadibna la kala bixiyay. waxaan idiin soo bandhigi doona waxay culumada tafsiirku ku fasireen aayadan.

Ibnu Kathiir ( Dhulka iyo cirkuba waxay ahaayeen kuwo isku dhagan ama isku daboolan kadibna Eebe ayaa kala furay, markaasu ka yeelay todobada cir iyo todobada dhulba)


Dabari (isku dhagan waxa loola jeedaa wax dalool ah maysan lahayn oo waxay ahaayeen  walxo  isku yaal/dhagan, kadibna Eebe ayaa kala qarxiyey oo kala kaxeeyey)


Qurdubi (Samada iyo Dhulku waxay ahaayeen isku hal shay, manaysan jirin samooyin todoba ah iyo dhul todoba ah ee waxa ahaayeen hal mid oo kaliya, lamana odhan way isku dhagdhagsanaayeen ee waxa uu Eebe yidhi way isku dhagsanaayeen, taas macanaheedu yahay waxay ahaayeen isku hal walax oo kaliya, markaasuu Eebe kala kaxeeyey kala durkiyey waxaanu u dhaxaysiiyey hawo)


Isku soo wada duuboo culumada tafsiirku waxay qabaan dhamaantood sida aayada ka muuqata in samada iyo dhulku isku yaaleen, oo ahaayeen hal walax oo kaliya kadibna la kala furay lana kala kaxeeyey.

Sideebaa loo kala furay Samoyinka iyo Dhulalka?

Runtii fikradan Big Bang oo ah qaraxa wayn ayaa ah fasirka ugu dhow ee lagu fasiri karo, sabatoo ah laba shay oo is haysta waxa kala furi kara oo kaliya waa qarax iyo dilaac lagu sameeyo, sidaa awgeed Qur’aanka Kariimka ah kama hor imanayo Fikaradan oo udhaw inay caafimaad qabto, dadka badankooduna la dhaceen ee Big Bang (qaraxa wayn).

[huge_it_slider id=”2″]

Sawirkan waxa uu muujinayaa mid ka mida (Glaxy)  waxaana jira malaayiin galaxy, oo aan tiradooda la  garanayn, waxaad qiyaastaa dhibic yar oo kamida ah  galaxikgan ayaa noqonaya waxa loo yaqaano (Solar  System) majmuucada qoraxda, gaar ahaan qoraxdeena  iyo meerayaasha la socda ee ay ka midyihiin Dhulka. Ilaahay awoodiisa weeye, Nabigeenuna runbuu  sheegay maruu ina lahaa dhulka waxa u dhigmaa sida  garab kaneeco. Allahu akbar.

Habeenka iyo Maalinta ayamaa la hor abuuray?

Su’aashan waxa ka jawaabay saxaabigii waynaa ee Cabdilaahi ibnu Cabaas (N.N.K.H) asagoo adeegsanaya aayadan quraanka ah, waxaanu yidhi “hadii ay cirka iyo dhulkuba isku dhagsanaayeen maysan jirin wax iftiimiya dhexdooda (qorrax) sidaa awgeed waxay ahayd  mugdi (habeen), markaa habeenka ayaa la hor abuuray. Arrintan ayaa ah cilmi aad uwayn oo Eebe ku ilhaamiyey saxaabigaa qaaliga ah, waana cilmi wali curdin ah oo aan la cadayn karaynin mudo aad udheer.

Halkan ka daawo Qaraxa lagu kala fujiyey Dhulka iyo Cirka.

[huge_it_videogallery id=”2”]

Waxa kale oo sii xoojinaya fikradan Qaraxa wayn aayad kale oo Xaqu ku tilmaamay Quraankiisa Kariimka ah, Suurada 41aad ee Fussilat, aayada 11aad.

(ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ اِئْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ)

“Markaasuu Eebe u istiwooday Cirka oo qiiq ah, kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi, waxayna dhaheen waan nimid anagoo addecsan.”


Aayadan waxaan ka fahmaynaa in Samadu ahayd Qiiq, waxaana is waydiin leh maxaa keena qiiqa, waxa keenaya waa in ay walax qaraxdo ama gubato kadibna qiiq ayaa ka dhashma. Subxanallah. waagii hore Culumada Falagu waxay aaminsanaayeen in Koonku ahaa bar bilowgii Hawo (Gas), kaasoo ka koobnaa hawada Haydarojin (Hydrogen) iyo hawada (Helium) sidaa awgeed waxay ku magacaabeen Hawo (Gas).

Mudo kadib waxay culumadu ogaadeen in Koonku yahay boodh, ee aanu ahayn hawo hadana waxay ugu magac dareen Cosmic dust. Ugu danbayn waxay culumada waxa u cadaatay inaanu koonku ahayn hawo iyo boodhtoona ee uu yahay Qiiq, markaasay hadan u magacaabeen (Smoke). Magacan cusubna waa hirgalay kadib markii Qamar sanaaci la diray soo qaaday qaybo ka mida Qiiqaas, waxaana la iclaamiyey in Qiiqani cimrigiisu yahay Balaayiin sano. Halkan waxa ka cad in Qaraxii waynaa ee lagu kala fujiyey walaxdii koonku ka abuurmay ay dhalisay qiiq, Qiiqaasna uu Eebe inooga waramay.

Allahu Aclam.


Dib usoo celinta Koonka:-

Xaqu waxa uu ku leeyahay Kitaabkiisa Qur’aanka, Suurada 14aad ee Ibraahim, Aayada 48

يَوْمَ تُبَدَّلُ الْأَرْضُ غَيْرَ الْأَرْضِ وَالسَّمَاوَاتُ ۖ وَبَرَزُوا لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ

“Maalint buuna (oofin) lagu badali Dhulka Dhul kale iyo samooyinkaba….”


Xaqu waxa uu ku leeyahay kitaabka Qur’aanka kariimka ah, Suurada 21aad  Alanbiya, Ayada 104.

يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ

“Waana maalinta aan uduubayno Samada sida loo duubo warqadaha kitaabka, sidaan ku bilownay abuuridii hore ayaan kusoo celinaynaa, waa yabooh korkaaga ah, ananagaan falna saas”


Labadan aayadood waxay tilmaamayaan sida Xaqu u gabogabaynayo Koonka, kadibna dib u soo celinayo. Eebe waa duubayaa/laalaabayaa Samada sida waraaqaha kitaabka loo laalaabo, wuxuuna Koonka kusoo celinyaa walaxdii yarayd ee ay ka abuurantay. Maalinta la badalayo dhulka iyo samooyinka laguna badalayo samo iyo dhul kale waa maalinta Qayaame, samada iyo dhulka kalena waxay ka koobantahay unugyadii, iyo atomyadii dhulkan aan iminka ku nool nahay (Earth) sababtoo ah Xaqu waxa uu aayad kale ku leeyahay, Suurada 20aad ee Daaha, Aayada 55.

مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى

“Xageedan (Dhulka) idinka abuurnay, dhexdeedana idinku celin, xageedaana laydin kasoo bixin”


Aayadan kale waxay tilmaamaysaa in dhulka laynaga soo bixin doono maalinta qayaame, markaa laba siyoodba waa laysku waafajin karaa in dhulkan aan ku nool nahay laynaga soo saaro, kadibna laynaga xaadiriyo dhulka kale ee Xaqu inoo tilmaamay, ama waa in dhulka kale ka koobanyahay Unugyadii (Atom) dhulkii aduunyada. Allahu aclam.

Culumadan Fiisikiska oo runtii baadhis ku sameeya Koonka, waxay u badanyihiin dad aan Eebe aamin sanayn, markaa waxay isku khilaafeen fikradaha iyo aragtida ay ka bixiyeen cilmi baadhistan. marka koowaad intooda badan waxay isku raaceen in Koonku leeyahay cimri, marka da’diisa la gaadhana uu baaba’ayo/dhimanayo Koonku (Maalinta Qayaame) ayagoo ka duulaya fikrada ah in koonku korayo, markaas ayey garwaaqsadeen in maalin maalmaha ka mida uu qarxi doono Koonku, uuna burburidoono. hase ahaate waxay qaateen laba fikradood oo kala ah in Koonku marka uu burburo aanu dib usoo noqonayn, iyo fikrad kale oo ah in Koonku dib usoo noqonayo, mudo kadibna dib u burburayo. Labada Fikradoodba Qur’aanka way ka hor imanayaan sababtoo hadaan nahay Muslimiin waxaan rumaysanahay Maalinta Qayaame, Eebana waa ballan qaaday in Koonka uu dib usoo celin doono kadibna ay noloshu tahay mid waaris ah, Jano ama Naar. Xaqa (S.W) waxaan ka baryaynaa inuu wada tooska ah nagu hanuuniyo.

Diyaariye: Abdulaziz Oogle

.الله اعلم