Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa inakoo cuskanayna Magacyada iyo Sifooyinka wanaagsan ee Ilaahay (S.W.T), Waxaan kale oon ku sallinaynaa oo Naxariis iyo Nabadgalyo badan Ilaahay u waydiinaynaa inuu yeelo Nabigeena sharafta iyo karaamada leh waa sayidkeen Muxamed iyo Ehelkiisa, Saxaabadiisa iyo dhammaan inta raacday Diintiisa illamaayo saacada Qayaame. AAAMIIN.

Wuxuu Allah (S.W.T) leeyahay: 

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ ﴿٥٣﴾ [ فُصِّلَتْ ٥٣] صَدَقَ الله العَظِيْم

[Waxaanu ka tusaynaa Calaamadayaga Jahooyinka iyo Naftooda intey uga caddaanayso inuu Quraanku xaq yahay, Miyuuna ku filleyn Rabbigaa  inuu waxkaste ogyahay.]

Walaalayaal bal aynu fiirino Xadiiska Nabigeena ee inooga warramaysa waaqica/xilliga aynu noolnahay, taasoo caddaynaysa inuu Nabi Muxamed (N.N.K.H) uu yahay Rasuul ka ahaaday xaga Ilaahay (S.W.T).

Hordhac: 

Nabigeenu (N.N.K.H) wuxuu ku noolaa Saxaraha Jasiirada Carbeed inkabadan 1400 oo sano kahor, dadka uu la noolaa waxay ahaayeen Dad Jaahil ka ah Cilmiga, aqoonta iyo xadaaradaha Dunidaba. Waxa yaraa in la helo qof wax qora ama wax akhriya. Deegaanka ay Carabtu ku noolaayeen waxa uu ahaa deegaan Saxare ah oo ay biyaha iyo baadkuba ku yaryihiin, sidaa darteed Dawladihii dunida ka jira xilligaas oo ay ugu waynayd Dawladii Faarisiyiinta, Roomaanka iyo Masaaridu dan sidaas u wayn kamay lahayn, manaysan xiisan jirin. Dadka Jasiirada Carbeed dagan oo aqoon darro ka gaadhay heer ay hablaha yaryar ay nololxabaalaan, xuquuqda dumarkana meel kaga dhacaan ayaa Ilaahay kasoo saaray Nabi Ummi ah oo aan waxna qorin, waxna akhrinin, waa Nabi Muxamed (N.N.K.H). Nabigeenu waligii Iskuul muusan galin, macalin wax barana muusan arkin laakiin Ilaahay ayaa doortay oo ka dhigay Sayidka caruurta Nabi Aadan. Wuxuuna waxyi ka helay xaga Rabigii subxaana wa tacaala. Bal hadaba aynu fiirino mucjisooyinka mustqabka ah ee uu inooga warramay inay dhacayso Isaga geeridiisa kadib.

Mucjisooyinka Nabigeenu inooga warramay ee Isaga geeridiisii kadib dhacay:-

  • Beenta, Fitnada oo soo if baxda iyo Waqtiga oo isu dhowaada.

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال( لا تقوم الساعة حتى تظهر الفتن ويكثر الكذب ويتقارب الأسواق ويتقارب الزمان) رواه إمام أحمد

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu dhahay: {Saacadu dhici mayso illamaayo ay soo if baxdo Fitnadu, beentuna badato, Suuqyaduna isu dhowaadaan, Waqtiguna isu dhowaado. }

Xadiiskan wuxuu ka warramayaa xilligan aynu noolnahay, waxa batay fitnooyinkii, Beentii, waxaana isu dhowaaday Suuqyada Dunida oo maanta adigoo gurigaaga jooga ayaad Suuqa aad doonto wax ka iibsanaysaa kana iibinaysaa adigoo adeegsanaya Internetka ama Telefoonka, SubxaanaAllah; Waa arrin aan jirin xilligii uu noolaa Nabigeenu (N.N.K.H), waxa kale oo uu dhahay Nabigu: Waqtiga ayaa isu dhowaanaya, taasina waxay daliil u tahay in ay badanayso gaadiidka si fudud kuu geynaya meeshaad Aduunka rabto mudo gaaban. Tusaale ahaan xilligii Nabiga Magaalada Makkah iyo Madiina waxa loo kala socon jiray 8 maalmood, halka maanta loo socdo oo kaliya mudo saacado ah. SubxaanaAllah.

Picture1,1 Picture2 Picture3,2 Picture4,2

  • Dhaqaalaha Caalamka iyo ganacsiga oo sare u kacaya:-

عن عمرو بن تغلب قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم{ إن من أشراط الساعة أن يفشو المال ويكثر وتفشو التجارة} روه النسائي. وفي رواية الثانية (حتي تشارك المرأة زوجها في التجارة) رواه أحمد

Camru ibnu Taqlab wuxuu dhahay; Rasuulkii Ilaahay wuxu yidhi: {Calaamadaha saacada waxa kamid ah inay xooluhu bataan oo ganacsiguna fido. Riwaayad kale waxay tilmaamaysaa: {Illamaayo ay haweenaydu ninkeeda kala qaybgasho ganacsiga}

 

Xadiiskana wuxuu tilmaamay in Ganacsigu noqonayo laf dhabarka dhaqaalaha Caalamka. Taasoo xilligii Nabigu noolaa aan suurta gal ahayn waxaanu dhaqaaluhu ku tiirsanaa beeraha iwm. Xoolaha oo badanaya iyo Dumarka oo goobaha ganacsiga tagaya oo shaqaynaya sida Raga. SubxaanAllah, Waagihii hore Dumarku waxay fadhiyi jiree guryaha balse xilliga Qayaamuhu soo dhowaado waxaad arki Haween xamaalanaya oo suuqa ganacsiga iyo xarumo kasta ka shaqaynaya. Runbuu sheegay Rasuulkeenu Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Picture5Picture24

  • Gaadiid cusub oo soo baxaya:

عن ابن عمر عن صلى الله عليه وسلم قال: (يكون في آخر الزمان رجال يركبون على المياثر حتى يأتوا أبواب المساجد، نساؤهم كاسيات عاريات على رؤوسهم كأسنمة البخت العجاف العنوهن فإنهن ملعونات، قيل يا رسول الله وما يرخص الفرس؟ قال: لا تُركب لحرب أبداً) [رواه ابن حبان، وابن ماجة]

Ibnu Cumar wuxuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu dhahay: Waxa ahaanaya Aakhir samanka Rag fuulaya (Mayaasii) gaadiid cusu, Illamaayo ay ka imanayaa Masaajidka albaabkiisa, Haweenkooduna waa kuwo maryo gashan hadana qaawan madaxooda dushoodana la mooda sida kuruska geela, lacnada maxaa yeelay waa malcuuniin. waxa la dhahay Rasuulkii Ilaahayoow; Muxuu qaban farduhu? wuxuu yidhi: Mar danbe laguma dagaalami doono.

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in gaadiid cusub oo aan jirin waagii uu Nabigu noolaa dadku adeegsan doonaan, gaadiidkaasi ha noqdaan Baabuur, Tareen, Diyaarad, Doon, Baaskiil iyo Dayax gacmeed.

Picture6 Picture7 Picture8 Picture9

  • Guryo dhaadheer oo la dhisanayo:

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu ka wariyey Nabiga markuu Malalkul Jibriil waydiiyey Nabiga Saacada Qayaame wuxuu dhahay Calaamadaheeda ayaan kaaga warramayaa:

 وإذا تطاول رعاة الإبل البهم في البنيان،) متفق عليه

(Marka geel jiruhu u baratamaan guryahay dhaadheer)

Maantana waxaynu aragnaa in Dadku ku baratamaan dhisida guryaha dhaadheer ee Daruuraha dhaafa. SubxanAllah.

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in dadkii reer baadiyaha ahaa ee geela dhaqan jiray ku baratamayaan dhisida guryaha dhaadheer, tusaale ahaan Wadanka Imaaraadka Carabta wuxuu ahaa dhul saxare ah mudo yar kahor balse maanta waxa ku yaala guriga Aduunka ugu dheer. SubxaanAllah,. Wallahi Runbaad sheegtay Nabigii Ilaahayoow!!

Picture10 Picture11

  • Dilka oo bata:

 عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال(  ” لا تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى يُقْبَضَ الْعِلْمُ , وَتَكْثُرَ الزَّلازِلُ , وَيَتَقَارَبَ الزَّمَانُ , وَتَظْهَرَ الْفِتَنُ , وَيَكْثُرُ الْهَرْجُ وَهُوَ الْقَتْلُ , وَحَتَّى يَكْثُرَ فِيكُمُ الْمَالُ فَيَفِيضَ “) متفق عليه

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu Nabigu yidhi: {Saacadu dhici mayso illamaayo Cilmiga la qabto, dhul gariirkun bato, fitnaduna soo if baxdo, oo uu bato Harjigu, waana Dilka, iyo Illamaayo xooluhu idinku bato oo fido.}

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in dilka aan sababta lahayn badanayo, SubxaanAllah. Maanta bal u fiirsada Caalamka Islaamka, qofku ma garanayo sababta loo dilayo, ka wax dilayana ma garanayo sababtuu ku dilay Naf bani Aadam ah. Tusaale ahaan, dagaalada Suuriya, Ciraaq, Soomaaliya, Afgaanistaan, Yemen iyo kuwo kale.

Picture12 Picture13

 

  • Sinada iyo Khamriga oo la muujisandoono:

عن أنس – رضي الله عنه – قال : سمعت رسول الله – صلى الله عليه وسلم – يقول : “ إن من أشراط الساعة أن يرفع العلم ، ويكثر الجهل . ويكثر الزنا ، ويكثر شرب الخمر ، ويقل الرجال ، ويكثر النساء ، حتى يكون لخمسين امرأة القيم الواحد ” متفق عليه

Anas waxa laga wariyey inuu dhahay: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) oo leh: [Calaamadaha Saacada waxa kamid ah in Cilmiga la qaado, Jaahilnimaduna badato, Zinaduna badato, Cabida Khamriguna badato, Raguna yaraado, Dumarkuna bataan, Illamaayo Konton haween ah uu ka masuul noqdo Nin kaliya.]

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in sinada iyo khamriga la muujisandoono, maanta waxa Wadankasta ka jira Kalaabyo loogu talo galay kaliya Sinada iyo xumaanta (Faaxishada) Ilaahbaan ka magan galnaye iyo Khamriga oo ah Cabitaan iska caadi ah. Waa dhibaato iyo xumaan haysata dhammaan bulshooyinka Caalamka, SubxaanAllah. Nabigeenuna wuxuu inooga warramay in dhacdadani ay dhacayso marka saacada Qayaame qariib ay tahay.

Picture14 Picture15

  • Qayaamaha oo soo dhowaaday:

 قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (بعثت أنا والساعة هكذا ويشير بإصبعيه فيمد بهما) بخاري

Rasuulku (N.N.K.H) wuxuu dhahay: (Waxa laysoo saaray Aniga iyo Saacada sidaas, wuxuu ishaaray labadiisa farood oo uu kala bixiyey)

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in soo dirista Nabiga iyo saacado ay u dhaxaysa inta u dhaxaysa farahiisa sharfta le (Farta dhexe iyo Murdisada). Macnaha Xadiiskan hadaynu fasirno waxaan leenahay Cimriga Koonka waxay culumadu ku qiyaasee Sadex iyo Toban Bilyaar oo sano 13000000000. Dhanka kalena cimriga bani-Aadamka intuu ku noolaa Dhulka waa wax aad u yar marka loo eego cimriga Koonka. Nabigeena waxa la soo diray 1400 Kun iyo Afar boqol oo sano kahor hadaba si aynu u ogaano inuu Qayaamuhu qariib yahay waxaynu isu qaybinaynaa xilliga kasoo wareegay soo diristii Nabiga (N.N.K.H) iyo Cimriga Koonka  waxay noqonaysaa: 1400/13000000000 = 0.0000001 Waxa soo baxay tiro aad u yar taasoo u dhiganta in samankii Qayaamadu dhacaysay inuu aad u dhow yahay.

Picture16 Picture17

  • Computerka iyo Printerka:

عن عبد الله بن مسعود عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” إن بين يدي الساعة…وظهور القلم” بخاري

Ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu Nabigu dhahay: (Saacada waxa kasoo horeeya…. Qalinka oo soo if baxa)

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa inay soo bixi doonto aalado wax lagu daabaco sida Kombiyuutarka (Computer) iyo Printerka ama Daabacaada. Soo ifbixida qalinka waxa kale oo kamid ah inay bataan dada wax qora, sababtoo ah waagii uu Nabigeenu (N.N.K.H) uu noolaa waxa yaraa dadka wax qora ama wax bartay.

Picture18 Picture19

  • Tiknaloojiyada iyo Sayniska:

لا تقوم الساعة حتى تروا أموراً عظاماً لم تكونوا ترونها ولا تحدثون بها أنفسكم…. وفي رواية (فإذا رأيتم ذلك فاذكروا الله تعالى واعلموا أنها أوائل الساعة

Qiyaamuhu dhici maayo illamaayo aad aragtaan arrimo oo aydaan hore u arki jirin oo aydaan Naftiina iskugu sheekayn jirin… Riwaayad kale ( Hadaad aragtaan Ilaahay xusa, ogaadana in ay tahay bilowgii Saacada. )

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in bilowga saacada Qayaame ay soo bixi doonaan waxyaalo cusub oo aan hore loo arkin, waxa kamid noqonay Tiknaloojiyada iyo Sayniska oo maanta horumar wayn oo la taaban karo gaadhay. Dadkana u fudaydiyey wax badan dhanka kalena keenay waxyaalo dhib ah sida hubka, caafimaad darro iwm.

Picture20 Picture21

  • Nashkhadaynta Guryaha iyo Dhismayaasha:

لا تقوم الساعة حتى يبني الناس بيوتا يوشونها وشي المراحيل. بخاري  في الأدب المفرد 

Qayaamuhu dhici maayo illamaayo Dadku dhistaan guryo la nashkhadeeyo sida Maryaha loo Nashkhadeeyo.

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in Dadku ay nashkhadayn doonaan guryahooda, suuqa iyo meelaha ay ku cibaadaystaan.  Maantana waxaynu la noolnahay in Nashkhada (Arts) lagu nashkhadeeyo Masaajidada lagu dhisi karo Masaajid kale, lacagta iyo dhaqaalaha ku baxa darteed. SubxaanAllah.

Picture22 Picture23

  • Ninka oo gabadh iska dhiga iyo gabadha oo Nin iska dhigta:-

من اقتراب الساعة تشبه الرجال بالنساء والنساء بالرجال.  رواه أبو نعيم في الحلية وروى غيره مثله

Qayaamuhu inuu dhowyahay waxa kamid ah Raga oo isku shabaha gabadh, Gabadhuna isku shabahdo Nin.

Xadiiskan wuxuu inoo tilmaamayaa waaqica aan ku nool nahay, maanta maxaa ka badan Rag iska dhigaya dumar oo u dhaqmaya sida gabdhaha, iyo sidoo kale dumar iska dhiga rag oo u dhaqma sida raga. SubxaanAlah. Maanta reer galbeedku marka akhlaaqdii ka dhimatay ayey isu guuriyaa laba qof oo isku jinsi ah sida nin guursad nin kale ama gabadh guursata gabadha kale. Mucjisooyin aan dhici jirn waagii uu noolaa Nabigeenu balse wuxuu Inoo sheegay NAbigu (N.N.K.H) in marka Qayaamuhu soo dhowaado aad arki doontaan dumarkaas isku shabahaya Raga iyo Ragaas isku shabahay Dumar.

Picture25 Picture26

  • Heesaha iyo Khamriga:

ليكوننَّ من أُمَّتي أقوام يَستحلُّونَ الْحِرَ والحَريرَ والخمر والمعازِف. بخاري 

Umadayda waxa kamid ahaan doona qoom xalaashanaya Furuujta (Xubnaha Taranka), Xariirta, Khamriga iyo Heesaha.

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in dadku ay xalaashanyaan Heesaha iyo Khamriga, SubxaanAllah. Walaalayaal maanta ya Aduunka ka hees iyo Khamri badan gaar ahaan hadaad fiirisaan bulshadeen Soomaaliyeed, waxay noqotay Heestu wax lagu faano oo lagu caan baxo.

Picture27 Picture28

  • Heesaha iyo Jaaska oo badan doona:-

عن عمران بن الحصين أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : في هذه الأمة خسف ومسخ وقذف، فقال رجل من المسلمين : يارسول الله ومتى ذلك ؟ قال : إذا ظهرت القينات والمعازف وشربت الخمور . رواه الترمذي وصححه الألباني

Cimraan ibnu Xusayn waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay dhahay: Umadan waxa ku dhici doona, dhul go’, Nasakhid, Dhagxaan Samada laga soo tuuro. Nin Muslimiinta kamida ayaa dhahay: Rasuulkii Ilaahayow Waa goorma? Wuxuu dhahay: Markay soo if baxaan Kuwa Jaasa (Dancing), Fanaaniinta iyo kuwa caba Khamriga.

Xadiiskana wuxuu tilmaamayaa in heesuhu badanayaan, fanaaniinta, xidigaha, khamriga, dhulgariirka, iyo inuu Ilaahy nasakho ciduu doono. Waa calaamado aynu aragno habeen iyo maalin kasta oo ka turjumaya in saacadii qayaame soo dhowaatay. Soomaalida oo ah Dad Muslimiin ah waxa dhexdooda ku faafay Heesaha oo loo adeegsado in laysku maaweeliyo, waxa kale oo ayadana ka daran in Dumar qaawan ama dhar laga dhex arkayo cawradoodu ay ku dhex ciyaaraan Rag ajnabi ka ah, ciyaarahaasi ha noqdaan kuwo dhaqan ah sida Dhaantada, Jaan dheerta iwm. Walaalayaal Ilaahay aynu ka cabsano oo xumaanta waynu garanaynaaye yaynaan u badheedhin.

Picture29 Picture31 Picture32Picture33

  • Magacyo cusub oo Khamriga loo bixin doono:

ليستحلن طائفة من أمتي الخمر باسم يسمونها إياه، (وفي رواية) : يسمونها بغير اسمها

Koox Umadayda kamid ah ayaa xalaashanaysa Khamriga magac kale oo ay u magacaabaan darteed. Riwaayo kale;- Waxay ku magacaabayaan waxaan magaceeda ahayn.

Maanta maxaa ka badan in Khamriga lagu magacaabo Magacyo cusub oo Dadku ula baxeen, sida Cabitaanka Rooxaaniga, Iskiriinka Dadka Waawey Beer iwm. Waxa Cajiiba xilligan aan iminka noolnahay in la soo saaray Khamri lagu dul Xalal (Halal) si Muslimiinta loo cabsiiyo Khamri. SubxaanAllah.

Picture34

Walaalayaal Ilaahay aynu ka cabsano oo aynu ku cibro qaadano Mucjisooyinka uu Nabigeenu inooga warramay 1400 oo sano kahor inay dhici doonaan markuu Qayaamuhu soo dhowaado. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu inaga dhigo kuwa liibaanaa Aduun iyo Aakhirab.

WD: Abdulaziz M. Oogle