Injineer Abdi Daa’im Alkaheel oo ah nin daneeya mucjisooyinka sayniska ah ee Quraanka Kariimka ah uu cilmi baadhis ku sameeyey xuruufaha ay ka koobanyihiin aayada ugu horeysa Quraanka iyo aayada ugu danbaysa Quraanka, wuxuuna helay in labadaas aayadood ay Quraanka u yihiin qaanuun cajiiba oo ilaalinaya, hadii xaraf kamid ah Quraanka laga saaro ama lagu soo darana uu dhamaan Quraanku khalkhalayo.

Hadaba intaynaan soo bandhigin qaanuunkan cajiibka marka hore waxaad iga gudoontaa macluumaad yar oo kooban: Quraanka Kariimka ah wuxuu ka koobanyahay 6236 aayadood, waxa kale oo Quraanku leeyahay qiraa’ooyin dhawr ah, wuxuuna Quraanku soo dagayey 23 sanadood isagoo marba ay soo dagaysay aayado xadidan, kadibna sanadkii ugu danbeeyey ayuu Malaku Jibriil (csw) uu nabiga la subciyey Quraanka laba jeer, taas oo macnaheedu tahay inuu Malakul Jibriil u tilmaamay nabiga (scw) in aayad kasta oo Quraana booska ay ku taalo inuu yeelo, ayadoo aayadii ugu horeysay ee soo dagtayna laga dhigin aayad kowaad ee Quraanka!

Hadii aad ogaatay inuu Quraanku ka koobanyahay 6236 aayadood, waxaynu isla fiirinaynaa aayad ugu horeysa Quraanka oo ah:

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿١

Bismillah arraxmani arraxiim (1)

Kubilaaban magaca Allah, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba (1)

Aayada ugu horeysa Quraanka oo ah bismillah waxay ka koobantahay 10 xaraf ama 10 qurbe, oo kala ah: (.ب، س، م، ا، ل، ه، ر، ح، ن، ي ). Hadaba xuruufta ay aayadaasi ka koobantahay oo toban xaraf ah waxay ku jiraan aayad kasta oo kamid ah Quraan 6236ka aayadoodba. Si kale hadaan u tilmaamno xuruuftaas mid kamida waxay ku jiraan dhamaan aayadaha Quraanka Kariimka, ayadoo aynu ognahay in ay jiraan aayado ka kooban laba xaraf oo kaliya sida : (يس، طه، حم)

Dhanka kale waxa jira Qiraa’ooyinka iyo riwaayadaha qaar soo aroorinaya in aayada koowaad ee Quraanku ka bilaabmo tahay Alxamdu oo aanay ahayn Bisinka, sidaas daraadeed waxaynu isla eegayna bal hadii aynu tirino xuruufta aayadaasina ka koobantahay makuwada jiraan aayadaha kale ee Quraanka Kariimka ah. Waxa la yaab noqotay in aayadaas Alxamduna xuruufta ku jirtaa ay ku jiraan ugu yaraan xaraf kmidi aayadaha Quraanka oo dhan!!

 الْحَمْدُ لِلَّـهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴿٢﴾ 

Axamdulilaah rabbi alcaalamiin (2)

Mahaddu waxay u sugnaatay Rabiga barbaariyey Caalamiinta (2)

Aayada Alxamdu waxay ka koobantahay 11 xaraf oo ah (ا، ل، ح، م، د، ه، ر، ب، ع، ي، ن), hadii aynu qaanuunkii aayadana ku dabaqno waxaynu helaynaa in xuruufta ku jirta aayadanina sidoo kale ay ugu yaraan mid kamid ah ku jirto aayadaha Quraanka dhamaanteed.

Aayada ugu danbaysa Quraanku waa (مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ) oo kusoo aroortay Suurada Alnaas, aayadanina xuruufta ku jirta waxay ku jiraan dhamaan aayadaha Quraanka kariimka ah. Subxaana Allah!!

مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ ﴿٦

Mina Aljinnah wal naas (6)

Jinka iyo dadkaba (6)

Xuruufta ay ka koobantahay aayadanina waa (م ن ا ل ج ه و س), xuruuftaasina waxay ku jiraan ugu yaraan xaraf kamid ahi dhamaan aayadaha Quraanka oo tiradoodu dhantahay 6236 aayadood.

Hadaba halkaas waxa inooga soo baxay qaanuun cusub iyo xeer aad u yaab badan:

  • Aayada ugu horeysa Quraanka xuruufta ku jirtaa waxay ku jiraan dhamaan aayadaha Quraanka ugu yaraan xaraf kamid ah.
  • Aayada ugu danbaysa Quraanka xuruurfta ku jirtaa waxay ku jiraan dhamaan aayadaha Quraanka ugu yaraan xaraf kamid ah.

Qaanuunkan iyo qaanuuno kale ayaa ka dhigaya Quraanka Kariimka ah mucjiso iyo yaab iyo hadal aan cid basharka kamid ah badali karayn, hadii ay isku dayaana uu Quraanku khalkhalayo, tusaale ahaan hadii ay ka saaran xaraf kamida Quraanka, waxa khalkhl ku imanayaa dhamaan aayadka Quraanka Kariimka ah, taasina waa mid aan suurto galayn oo Ilaahay ayaa ballanqaaday inuu ilaalinayo kitaabka Quraanka Kariimka ah.


Xigasho:

http://www.kaheel7.com/ar/index.php/7/2026-2017-07-02-20-09-10