Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, mahaduna waxay u sugnaatay Allah (S.W.T) sidoo kalena waxaan ku sallinaynaa raxmadii iyo naxariistii Caalamiinta sayidkeenii Nabi Muxamed (N.N.K.H). Walaalayaal barnaamijkani waa barnaamiyo cusub oo la magac baxay Mucjisooyinka Sayniska ah ee kusoo arooray Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Nabiga (N.N.K.H). Ugu horreyn waxaan qeexaynaa macnaha weedhahan kala ah Mucjiso, Saynis iyo waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sayniska iyo Kitaabka Quraanka ah.

  • Marka koowaad weedha Mucjiso waxa laga soo dhiraandhiriyey weedh af-carabi ah oo ina tusinaysa caajisnimo ama tamar yari. Mucjisona waxa weeye Dadka oo ka tamar yaraada ama awoodoodu ay u saamixi waydo inay keenaan ama la yimaadaan waxa la tusayo. Mucjiso Nabina waxa la socda had iyo jeer taxadi ama carrin oo la leeyahay bal hadaad xiniinyo leedahay la kaalay waxaan oo kale, tusaale ahaan; Quraanku waa mucjiso lagu garanayo inuu Nabi Muxamed (N.N.K.H) uu yahay Nabigii ugu danbeeyey, sidaa darteed waxa la socota carrin la carinayo Dadka oo la leeyahay bal hadii aanu Nabi Muxamed ahayn Nabi ka ahaaday xaga Ilaahay (S.W.T) bal hadda la kaalaya Quraanka Kariimka ah wax la mid ah ama Hal suurad oo la mida ah, Taxadigaas ama carrintaasna waa mid ay dhammaan gaaladu ku hoobteen oo ay keeni kari waayeen.
  • Weedha kale ee u baahan inaynu sharraxno waxa weeye weedhan Saynis waa maxay? Weedha Saynis waxay ka timid kalmad Laatiinya oo ah Sayntiya oo macanaheedu yahay (Knowledge) Cilmi. Cilmiguna waa wax kasta oo ku yimaada tijaabo kadibna noqda xaqiiqo laysku waafaqsanyahay, tusaale ahaan waxaynu soo qaadan karnaa garaaca Wadnaha muxuu ka turjumayaa? Garaaca Wadnuhu wuxuu ka turjumaa in Wadnuhu dhiiga u qaybinayo qaybaha kala duwan ee Jidhka noolaha, arrintaasna cid kasta waa ay ogtahay, waxayna ku timid tijaabooyin kala duwan oo Basharku sameeyeen kadibna laysla qaatay in ay tahay xaqiiqo waaqici ah. Cilmiga waxaynu u qaybin karnaa laba qaybood oo waaweyn; Qeyb ka hadlaysa Deegaanka iyo Dabiicada sida Cilmiga Juquraafiga, Cilmiga Buuraha, Cilmiga Badaha iyo Cilmiga Roobka. Qeybta kalena waxaynu odhan karnaa waa Culuumta ka hadlaysa Deegaankaas waxa korkiisa yaala ama ku kor nool sida Cilmiga Bulshada oo ay kamid yihiin Culuumta Biology, anatomy, plantology iwm.

Waxaynu qeexnay weedha ah Mucjiso iyo weedha ah Cilmi ama Saynis hadaba waxa is waydiin mudan maxaa kala dhex galay Sayniska iyo Quraanka ama waa maxay xidhiidhka u dhaxeeya labadooda?

Si aynu uga jawaabno waydiintaas waa inaynu ku noqono cidii uu Quraanku kusoo dagay waayo? Quraanku wuxuu kusoo dagay Nabi Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa Rasuulkii ugu danbeeyey Nabiyada Ilaahay. Nabigu wuxuu noolaa mudo laga jooga hadda Kun iyo Afar boqol oo sano kahor, wuxuuna deganaa Saxaraha Jaziirada Carbeed gaar ahaan magaalada barakaysan ee Makkah. Dadka uu Nabigu la noolaa waxay ahaayeen Dad Jaahiliin oo aan aqoon badan lahayn, xadaarada iyo horumar la hiigsado toona aan lahayn, waxaana tusaale inoogu filan in Carabtaas jaahiliga ah ay dili jireen Caruurta ay dhaleen ayagoo ka cabsanaya cida quudinaysa ama ceeb, waxay ahaayeen Dad ay daashatay dagaalo sokeeye oo ay qaarkood sababtay Hal!! Dagaalkaas Hashu sababtay wuxuu socday 40 sanadood!! Guud ahaana waxay ahaayeen Carabtu kuwo aan waxna qorin waxna akhriyin waxaaba tirsanaa Dadka lagu majeerto inay wax qoraan ama ay wax akhriyaan.

Sidoo kale Carabtu way ka arradanaayeen aqoontii iyo xadaaradihii kale ee Dunida xilligaa ka jiray sida xadaaradii Faarisiyiinta iyo xadaaradii Roomaanka ama xadaaradii Masaarida. Waxaas oo dhan waxay ina tusayaan in deegaanka uu Nabigu (N.N.K.H) uu kasoo baxay aanay ka suurtoobaynin Cilmi iyo xadaarad toona. Hase ahaatee Rabbiga wayn ee falkiisu aqoon iyo xikmada ku fadhido ayaa ka dhex doortay Basharka Nabi Muxamed (N.N.K.H) oo isagu shakhsi ahaan aan waxna qorin waxna akhriyin, sidoo kalena waligii aan hor fadhiisan Macallin iyo ruux waxbara toona, deegaanka uu ku noolaana kamaysan suurtoobayn inuu aqoon helo hadaba Su’aashu waxay tahay; Ma kula tahay in Ruux bani-aadam ah oo noolaa xilligaas kuna noolaa deegaankaas inuu Cilmi helo ama aqoon u yeesho Sayniska iyo Culuumta kale ee Basharku u baahanyahay????

Qofkasta oo caqli leh kolka la dhaho deegaankii Carabtu daganayd  iyo xilligaa ay noolaayeen marka la fiiriyo xaalada iyo duruufta ma ka suurtowdaa Cilmiga Saynisku? Wuxuu kuugu jawaabayaa; Maya, ee Abidkeed kama suurtoobayso in Qof xilligaa noolaa uu wax ka ogaan karo cilmiga Saynisku maanta uu daah furay.

Hadii aynu isla ogolnahay inaan cidna ogaan karaynin Culuumta maanta Basharku gaadhay, ma kula tahay in Quraanka oo cimrigiisu yahay 1400 oo sano uu ka warrami karo Cilmigaas? Muslimku wuxuu odhanayaa; Haa, sababtoo ah Quraanku waa hadalkii Ilaahay (S.W.T), hadalka Ilaahayna waa Cilmiga Allah, cilmigiisuna isma badalo mana koro sidoo kalena ma nuqsaamo oo ma yaraado.

Laakiin ruuxa aan Muslimka ahayn waxay ku noqonaysaa Af kala qaad sideebuu Ruux noolaa Kun iyo Afar Boqol oo sano kahor oo ku noolaa Saxaraha Jaziirada Carbeed uu uga warramay ama uga faalooday Cilmiga Sayniska ee dhowaan un dadku ay daah fureen!!

Barnaamijkan waxaynu kusoo qaadanaynaa Mucjisooyinkaas Sayniska ee kusoo arooray Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga (N.N.K.H). Mucjisooyinkaasina waxay ruuxa Muslimka ah u tahay iimaankiisa oo u kora iyo cibaadada Allah oo ku dedaalo halka gaalka ama ruuxa aan muslimka ahayna ay u tahay xujo iyo daliil cad oo loo qabsandoono maalinta Qayaame hadii aanu is dabo qaban.


Waxa idiin soo jeedin doonaa oo soo diyaariyey Sh. Abdulaziz M.Oogle