Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, waxaanan ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed oo ahaa Naxariistii Caalamiinta, waxaanan Ilaahay ka baryeynaa inuu Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa yeelo isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhammaan muslimiinta raacday jidkiisa toosan.

Waxaan hore uga soo tilmaamnay in Koonkan uu korayo ama uu waasacmayo, arrintaas oo Dadku ogaadeen ama la daahfuray qarnigii ina soo dhaafay, halka Kitaabka Quraanku uu kawarramay 1400 oo sano kahor. Wuxuu Allah ku leeyahay Suurada 51 aad ee Quraanka Suurada Daariyaat, aayada 47 aad.

[وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ ﴿٤٧]

[(47) Samada anakaa ku dhisnay awood (xoog) waanan waasicinaynaa]

Sidaa darteed Bani-aadamku markay ogaadeen in Koonkani waasacmayo ayaa waxay is waydiiyeen Koonkani ma bar bilo ayuu leeyahay? Sababtoo ah wax haduu koro ama uu waasacmo waxa la garan karaa in hadii waqtiga dib loogu noqdo ay walaxdaasi ahayd wax yar oo bar bilow ay ka bilaabmatay leh.

Sanadku markuu ahaa 1927 ayaa ninka la dhaho Georges Lemai’tre oo kasoo jeeda wadanka Belgium ayaa markii ugu horeysay qeexay in Koonku ahaa walax qiiqaysa oo gubanaysa, heerkulkeeduna ahaa mid aad u sarreeya, kadibna uu dhacay Qarax wayn oo ay u bixiyeen Culumada Falaku Bigbang Theory.

Ugu horeyn in koonku aha Walax yar oo qiiqaysa waxaa inooga warramay Allah (S.W.T) mudo kabadan 1400 oo sano kahor oo wuxuu Allah ku leeyahay Suurada 41 aad ee Quraanka Suurada Fussilat, aayada 11 aad:-

[ثُمَّ اسْتَوَىٰ إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ ﴿١١]

[(11) Markaasuu Allah u istiwooday Cirka oo qiiq ah kuna dhahay Cirka iyo Dhulkaba kaalaya idinkoo adeecsan ama idinkoo laydin karhi (qasab) waxay dhaheen waxaan nimid anagoo adeecsan.]

Aayadan waxay inoo tilmaantay in Cirka iyo Dhulkuba ahaayeen Qiiq kolkaasna Rabbigeen ku dhahay: Cirka iyo Dhulkoow kaalaya idnkoo adeecaya ama laydinku qasbayo awaamiirta Allah, waxayna dhaheen: Ilaahayoow, waxaan nimid anagoo adeecsan awaamirtaada. Aayadan mucjida ku jirtaa waxay tahay in Koonku ahaa qiiq, qiiqaasna waa maadadii laga abuuray Koonka xitaa hadda Rabbigeen wuxuu Xidigaha ka abuuraa Qiiqa.

Ta labaad waxay tahay wuxuu Allah sidoo kale inoo tilmaamay in Koonkan ahaa walax yar oo isku taala, kadibna lakala fujiyey oo lakala kaxeeyey. Allah wuxuu ku leeyahay Suurada 21 aad ee Al-anbiyaa aayada 30 11d:

[أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ ﴿٣٠]

[(30) miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.] 

Allah wuxuu tilmaamay in Koonku ahaa Walax yar oo isku dhagan kadibna lakala fujiyey, waxaynu fiirinaynaa sida ay Culumada Muslimiintu u fasireen aayadan, oo aynu ka faa’idaysanayo in Culamadeenu ahaayeen Dadkii ugu garaadka badnaa Caalamka.

Ibnu Kathiir ( Dhulka iyo cirkuba waxay ahaayeen kuwo isku dhagan ama isku daboolan kadibna Eebe ayaa kala furay, markaasu ka yeelay todobada cir iyo todobada dhulba)


Dabari (isku dhagan waxa loola jeedaa wax dalool ah maysan lahayn oo waxay ahaayeen  walxo  isku yaal/dhagan, kadibna Eebe ayaa kala qarxiyey oo kala kaxeeyey)


Qurdubi (Samada iyo Dhulku waxay ahaayeen isku hal shay, manaysan jirin samooyin todoba ah iyo dhul todoba ah ee waxa ahaayeen hal mid oo kaliya, lamana odhan way isku dhagdhagsanaayeen ee waxa uu Eebe yidhi way isku dhagsanaayeen, taas macanaheedu yahay waxay ahaayeen isku hal walax oo kaliya, markaasuu Eebe kala kaxeeyey kala durkiyey waxaanu u dhaxaysiiyey hawo)

Culumada Falaka iyo kuwa Fiiskisku waxay maanta isla qaateen Fikradan o dhanaysa in Koonku ku bilaabmay Qaraxaas wayn Bigbang, laakiin Anaka hadii aanu nahay Muslimiin waxaan leenahay: Meesha qarax kamuu dhicin sababtoo ah Qaraxu malaha Nidaam iyo Tartiib uu raaco, waxaynaan ognahay in Koonku maanta leeyahay Qaanuun iyo Nidaam cajiiba oo uu raaco. Sidaa darteed Ilaahay muu odhanin Waan kala qarxinay Samada iyo Dhulka ee wuxuu dhahay waanu kala fujinay taas oo macnaheedu tahay kala fujintaa waxa la socotay Nidaamayn iyo kala hagid cajiiba oo Allah u qorsheeyey in Koonkani maro.

Waxa hadab is waydiin leh Yaa uga warramay NAbi Muxamed (N.N.K.H) arrimahan Basharku dhowaan daahafureen, waxaan leenahay cida uga warrantay waa Allah oo cilmi u leh wixii jiray iyo waxa jiri doonaba. Ilaahay ayaa xumaan iyo nuqsaanba ka dheer oo ka hufan waxaana amaan mudan Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa Raxmadii iyo Naxariistii Caalamiinta.


Waxa diyaariyey oo inoo soo jeedinaya Sh. Abdulaziz Oogle