Bismillaah:

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isa soo taraya daahfurka mucjisooyinka nabigeena Muxamed (scw), nabigeenu wuxuu ka warramay in dhawr arrimood oo cajiib ah ay dhici doonaan kahor intaan Qayaamuhu dhicin:

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَا تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى تُكَلِّمَ السِّبَاعُ الْإِنْسَ وَحَتَّى تُكَلِّمَ الرَّجُلَ عَذَبَةُ سَوْطِهِ وَشِرَاكُ نَعْلِهِ وَتُخْبِرَهُ فَخِذُهُ بِمَا أَحْدَثَ أَهْلُهُ مِنْ بَعْدِهِ. سنن الترمذي » كتاب الفتن عن رسول الله صلى الله عليه وسلم » باب ما جاء في كلام السباع. [وَهَذَا حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ غَرِيبٌ]

Abasaciid Al-khudriyy (I.R.H) waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (SCW) uu dhahay: ” Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, dhici mayso Saacada Qayaame: Illamaa xayawaanka (Bahalku) la hadlo Insaanka, iyo illamaa Ninku la hadlo madaxa ushiisa, iyo xadhkaha kabihiisu, oo ay bawdadiisun uga warranto wixii ehelkiisu faleen isaga dibadii”  Tirmadi wuxuu yidhi: “Xadiiskan waa Xasan waana qariib” [1]

Waxa jira xadiis kale oo isla saxaabigaas Abasaciid Alkuhuri warinayo, wuxuuna macnihiisu ahaa sidan: Yay ayaa la haadaay lax, kadibna ninkii adhiga raacayey ayaa kasoo daba booday markaasuu Yaygii ka riday laxdii uu qaatay, kadibna waxa hadlay Yaygii oo dhahay: “Waar miyaanad Ilaahay ka cabsanaynin, ma waxaad iga ridaysaa irsaaqad Ilaahay isiiyey? Ninkiiba yidhi: waa yaab! Yay dibka ruxaya, igulana hadlaya hadalka bani Aadamka! Yaygii ayaa yidhi ma kaaga warramaa, wax arrintaas ka cajab badan, waa kaas Muxamed (scw) jooga magaalada Yasrib (Madiina) oo dadkana baraya warkii dadkii hore. Dabadeedna ninkii Adhiga raacayey ayaa soo caraabiyey adhigii, wuxuuna soo galay magaalada Madiina, markaasuu ninkii u tagay Rasuulka (scw) oo uu uga warramay arrintiisii, markaasuu nabigu faray (scw) oo salaad ayaa dadka loogu yeedhay, markaasuu ninkii ku dhahay: dadka warkii uga warram, waanu u sheegay warkii, markaasuu Rasuulku dhahay: “Runbuu sheegay, Ilaahbaan ku dhaartee Qayaamuhu dhici maayo, illamaa ay xayawaanku la hadlaan Insaaka, iyo illamaa Ninku la hadlo madaxa ushiisa, iyo xadhkaha kabihiisu, oo ay bawdadiisun uga warranto wixii ehelkiisu faleen isaga dibadii”  Tirmadi wuxuu yidhi: “Xadiiskan waa Xasan waana qariib” [2]

Tusmo

Sharraxa Qodobada ugu muhiimsan:

Xadiisyadaas waxay sheegeen in Xayawaanka bahalka ah ay la hadli doonaan bani Aadamka, sidoo kale Usha bani Aadamku ku tukubo ama adhiga lagu raacana ay la hadli doonto Bani Aadamka, xadhkaha kabahana ay la hadli doonaan Insaanka, iyo bawdada oo ayaduna ninka uga warrami doonta xaalada ehelkiisii uu kasoo tagay.

– Xayawaanada la hadla bani-aadamka, way dhacday mucjisadaasi oo xadiiskaasiba wuxuu tilmaamay in Yaygaasi kula hadlay ninkii adhiga raacayey hadal caadiya oo bani Aadamku fahmayo. Maanta Aduunka aynu noolnahayna meelo badan ayey ka dhacday in Xaywaanku la hadlay bani Aadamka. Tusaale ahaan: Aniga oo ah cida qoraysa maqaalkan (Abdulaziz Mohamed Oogle), waxaan arkay oo aan maqlay sidoo kalena aan weeleeyey, Bisad ku hadashay hadalka bani Aadamka, kadib markii aan siiyey waxoogaa hilib digaag ah ayey bisadii jeesatay oo ay tidhi: (Alxamdulilaah). Dabcan arrintaasi waxay igu dhacday anigoo sanadkii 2015 kii joga magaalada Madiina, gaar ahaan masaajidka Rasuulka (scw), waan yaabay waanan cajabay, sidaas awgeed ayaan jeclaystay inaad iila qaybsataan sheekadaa cajiibka ah ee aan la kulmay.

– Usha lagu wax lagu garaaco (sibitoor) oo madaxeedu hadlo: dabcan culumadu way isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen: waa usha oo si dhab ah u hadasha, waxayna arrintaasi dhacaysaa aakhiru zamaanka. Halka culumo kale oo uu kamid yahay Ibnu Baaz ay dhaheen waxa looga jeedaa aaladaha wax lagu duubo, sida mikrafoonada u eeg usha, wayna dhacday mucjisadaasi. SubxaanAllah. [3]

– Xadhkaha Kabaha ee hadlay, sharraxan laftigeedana culumadii hore waxay dhaheen, waa arrin dhici doonta aakhiru zamaanka. Halka culumo mucaasiriin ahna ay ka dhaheen, mucjisdan laftigeedana waa la arkay, oo xadhkaha dhagaha la gashto ee lagu dhagaysto telephoneka ayaaba ah xadhkaha xadiisku ka warramayo. Dhanka kale, waxay shirkada Google soo saartay kabo hadlay (Talking Shoes], oo si caadi ah u warramaya, subxaanaAllah, waa mucjisadii nabigeenu inooga warramay.

– Bawdadiisuna ay uga warramayso wixii ehelkiisu sameeyeen isaga dibadii, dabcan mucjisadan wali lama arkin bawdo hadlaysa, waxaana laga yaabaa in aakhiro zamaanka ay dhacdo, laakiin ma loo fasiri karaa telefoonada gacanta ee dadku jeebada galiyaan, kadibna laga soo garaaco telefoonka ayadoo telefoonku ku jiro bawdadiisa, wallahu aclam.

 


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle.

Xigasho:

[1] Xadiiska waxa soo saaray: Tirmadi (2181 ), Imaam Axmed (11383 ), Xaakim (8490 ) , ibnu Xabaan (14: 6494 ), Ibnu abii Shaybah Shaybaan (5604, 101), waxa saxiixiyey Albaani, silsilada Saxiixa ah, 1:190

[2] Imaam Axmed (11383)

[3] Ibnu Baaz, ka akhriso lifaaqaan oo ku qoran afka carabiga (Ibnu Baaz-)