Bismillah:

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isasoo taraya mucjisooyinka uu kawarramay nabigeena Muxamed (scw), bal aynu dheehano maanatan mucjisada ku saabsan dhulka Carabtu dagto ee saxaraha ah oo isu badalaya dhul wabiyayaal badan leh iyo beero waaeyn. Sida kusoo aroorta Xadiiska saxiixa ah ee Imaam Muslim soo saaray wuxuu dhahay:

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا تقوم الساعة حتى يكثر المال ويفيض حتى يخرج الرجل بزكاة ماله فلا يجد أحدا يقبلها منه وحتى تعود أرض العرب مروجا وأنهارا

“Aba hurayra waxa laga wariyey inuu Rasuulka (scw) ka wariyey inuu dhahay: “Saacada Qayaame dhici mayso illamaa xooluhu ka bataan oo ay fidaan, iyo illamaa ninku uu la baxo Zakadiisa oo uu waayo cid ka qaadataba, iyo illamaa shulka Carbeed kusoo laabto beero iyo wabiyayaal” [Muslim: 1681]

Xadiiska wuxuu tilmaamayaa in dhulka carbeed uu kusoo laabanayo dhul leh beero waaweyn iyo wabiyayaalba, waxa xadiiskan ku jira laba mucjiso:

  • Marka hore wuxuu nabigu dhahay kusoo laabto dhulka carabtu beero iyo wabiyayaal, taas oo macnaheedu tahay in dhulkaas saxaraha ah iminka ay waagii hore ahaan jirtay dhul biyo iyo baadba leh. Balse sanado badan kadib ay isu badashay dhulkaasi dhul saxare ah, oo lama dagaan ah. Tusaale ahaan dhulka ay Soomaalidu degto waagii hore mudo laga joogo konton sanadood kahor wuxuu ahaa dhul cagaaran oo ay duurto joogto, hase ahaatee cimilada sii kululaanaysa iyo dhibaatooyinka deegaanka ayaa ku kallifay inuu dhulkaasi isu badalo mid saxare lamood ah, hadii aan lays daba qabanina wuxuu isu badalayaa saxare boqolkiiba boqol ah.  Arrintaas uu nabigu (scw) ka warramay waxa la ogaaday dhowaanahan kadib markii la arkay wabiyayaal hoos qulqula saxaraha dhulka carbeed, sidoo kalena la helay raadadkii xayawaanada duurjoogta sida Maroodiga, Jeerta, Fardo badeedka, Yaxaasyada, kuwaas oo aynu naqaano inay had iyo jeeraale ku noolyihiin dhulka wabiyada leh. SubxaanAllah, arrintaasi way xaqiiqowday oo culumada Geologis ka ayaa isla qaatay, waana mucjiso kamid ah mucjisooyinka nabigeena suuban (scw).
  • Wuxuu nabigu dhahay dhulka Carabta ayaa kusoo laabanaya mid leh beero iyo wabiyayaal, taasina waa mucjiso kale oo culumada ku takhasusay cimilada waxay leeyihiin: Arrintaasi waa xaqiiqo cilmi ah oo meel laga maraa aanay jirin, sababtuna waa cimilada Aduunka oo isbadalaysa kana yeelaysa dhulkaasi inuu helo biyo badan, wabiyayaal burqanaya iyo beero waaweyn oo cagaaran. SubxaanAllah, tanina waa mucjisada kale ee nabigeenu inooga warramay 1400 oo sanadood kahor.