Tusmo

Mucjisada tiro ee Quraanka [Onkod]

Bismillah, ku bilaaban magaca Allah.

Maalinkasta waxaynu arkaynaa mucjiso cusub oo Quraanka kariimka ah kasoo ifbaxaysa, bal aynu fiirino mucjisada tiro ee erayga (Onkodka) ee kusoo arooray Quraanka Kariimka. Ereyga Onkod wuxuu Quraanka kusoo arooray 2 jeer, mar wuxuu ku jiraa aayada 19 aad ee Suurada Albaqarah iyo aayada 13 aad ee suurada Arr-racdi.

أَوْ كَصَيِّبٍ مِّنَ السَّمَاءِ فِيهِ ظُلُمَاتٌ وَرَعْدٌ وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِم مِّنَ الصَّوَاعِقِ حَذَرَ الْمَوْتِ ۚوَاللَّـهُ مُحِيطٌ بِالْكَافِرِينَ ﴿١٩﴾  سورة البقرة/(19)

وَيُسَبِّحُ الرَّعْدُ بِحَمْدِهِ وَالْمَلَائِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِ وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ وَهُمْ يُجَادِلُونَ فِي اللَّـهِ وَهُوَ شَدِيدُ الْمِحَالِ ﴿١٣﴾  سورة الرعد/(13)

Ereyga (رَعْدٌ) macnaheedu waa Onkodka, waxayna ku jirtaa Quraanka labadaas aayadood, labada aayadoodna waxay ku kala jiraan suurada Albaqara iyo Suurada Arracdi.

Hadaba labada aayadood mid kasta waxay ka koobantahay 19 kalimadood (eray) waa marka [woowga] aan loo xisaabin sida kalimad ee loo xisaabiyo sida xaraf, kolkaa labada aayadood mid kasta waa 19 kalimadood!!!

Ereyga (رَعْدٌ) waa eray ka kooban sadex xaraf waa (Ra, Ca iyo Da) hadaba hadii aynu xisaabin labada aayadood midkasta imisa xaraf oo [Ra, Ca,iyo Da ] ayaa kusoo kala aroortay waad yaabaysaa waxa soo baxaya, midkasta waxa kusoo arooray kolka laysu geeyo 9 sagaal. Hadii aan si kala u dhigno Ereyga (رَعْدٌ) wuxuu labada aayadood kusoo kale arooray 9 jeer.

Dhanka kale hadii aynu ereyga ubadalno (الرَّعْدُ) waa erey isaguna ka kooban 5 xaraf, bal aynu fiirino inta jeer ee uu kusoo arooray labada aayadoodba. Isugayn xuruufaha ereyga (الرَّعْدُ) wuxuu kusoo arooray labada aayadood mid kasta 27 jeer. SubxaanAllah.

Waxa is waydiin leh maxaa isku mid ka dhigay wadarta xuruufta, wadarta kalimadaha ee labada aayadood, sidoo kalena isku mowduuca ka yeelay!! Cida ku farshaxanka iyo xisaabtan cajiibka ah soo dajisay waa Allaaaaaaaaaah.

Qaabka aad u hubsanayso tirinta ereyga iyo kalimadaha:

Aayada 1 aad:

أَوْ كَصَيِّبٍ مِّنَ السَّمَاءِ فِيهِ ظُلُمَاتٌ وَرَعْدٌ وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِم مِّنَ الصَّوَاعِقِ حَذَرَ الْمَوْتِ ۚ وَاللَّهُ مُحِيطٌ بِالْكَافِرِينَ (19)

Aayada waxa ku jira 19 kalimadood, waana aayada 19 aad ee suurada Albaqara.

  1. Tirada Xarafka (رَ) ee kusoo aroortay aayadan waa: 4
  2. Tirada Xarafka (عْ) ee kusoo aroortay aayadan waa : 4
  3. Tirada Xarafka (دٌ) ee kusoo aroortay aayadan waa: 1
  4. hadii aynu isu gayno wadarta xuruuftaasi waa: 9

Aayada 2 aad:

وَيُسَبِّحُ الرَّعْدُ بِحَمْدِهِ وَالْمَلَائِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِ وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ وَهُمْ يُجَادِلُونَ فِي اللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ الْمِحَالِ (13)

Aayadan waxa ku jira 19 kalimadood, waana aayada 13 aad ee suurada Arr-racdi:

  1. Tirada Xarafka (رَ) ee kusoo aroortay aayadan waa: 2
  2. Tirada Xarafka (عْ) ee kusoo aroortay aayadan waa : 2
  3. Tirada Xarafka (دٌ) ee kusoo aroortay aayadan waa: 5
  4. hadii aynu isu gayno wadarta xuruuftaasi waa: 9

SubxaanAllah, wadarta guud ee xrafaha (رَعْدٌ) ee labada aayadood ku jirtaana waa isku mid, waa 9

Hadaba walaal halkaa waxa inooga cadaatay waynida Quraanka iyo mucjisooyinkiisa, waana sababta Ilaahay u cariyey gaalada inay la yimaadaan hal aayad oo Quraanka lamid ah.

الر ۚ كِتَابٌ أُحْكِمَتْ آيَاتُهُ ثُمَّ فُصِّلَتْ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ خَبِيرٍ ﴿١

 “Alif laam Raa, Kitaabka Quraanka ahna waa mid la sugay Aayadihiisa, markaanas laga caddeeyey Rabiga leh Falka san ee khabiirkana ah.” [Huud:1]