Bismillaah, walaalayaal kusoo dhowaado maqaalkan oon kaga hadli doono qaabka Ilaahay u abuuro ilmaha, iyo marxaladaha uu maro.

Qura’aanka waxa kusoo arooray in kabadan 40 aayadood iyo tobanaan xadiis oo ku saabsan cilmiga (Embryology). Aqoonta ku saabsan koriniinka ilmaha waxba lagama ogayn mudo aad udheer, inkastoo Quraanku si aad u xeeldheer uu uga faalooday, hase ahaatee waxa saaxada cilmiga lagusoo bandhigay cilmigan dabayaaqadii qarnigii labaatanaad.

Caalimkii la odhan jiray Pr: Kieth More ayaa loo geeyey ugu yaraan sideetan daliilo ah xadiis iyo quraana oo ka warramaysa cilmiga Embryology ama sida ilmuhu ugu koro uurka hooyada, kadib markuu akhristay wuxuu dhahay: Hadii aad arrimahan i waydiin lahaydeen 30 sano kahor (iminka laga joogo 60 sano) kamaan jawaabi karaynin. Pr; More wuxuu madax ka ahaa jaamacada Toronto Canada, wuxuuna qoray kitaabka The human development oo ku guulaystay kitaabka ugu wanaagsan ee qoraa kaliya uu qoro, dabcan kitaabkiisa waxa akhrista qofkasta oo barta cilmiga Medical ama caafimaadka haduu doonayo inuu aqoon badan u yeesho sida ilmuhu ugu koro uurka hooyada. Pr; Kieth More wuxuu dhahay; cilmigani dadka wuu ku cusubyahay, oo waxa horumar laga gaadhayba qarnigan (20 aad), sidaas awgeed Muxamed cilmigan wuxuu uga yimid xaga Allah, isaguna waa rasuulkii Ilaahay. Daawo muuqaalka uu ku cadaynayo nabinimada Muxamed (scw).

Tusmo

Abuurka xubnaha taranka:

Ilaahay wuxuu ku dhahay Quraanka gaar ahaan suurada Daariq, aayada 5,6 iyo 7aad sidan:

فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ ﴿٥ خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ ﴿٦ يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ ﴿٧

Ee dadku ha fiiriyo waxa laga abuuray (5) waxa laga abuuray biyo booda (6) kana soo baxa dhabarka iyo feedhaha dhexdood (7) [86 At-tariq 5-7]

Sida aqoonta bani aadamku maanta gaadhsiisantahay, waxay ogaadeen in bilowga xubnaha taranka ee ilmaha uu ku yaalo meel udhow kalyaha, gaarahaan lafta dhabarka iyo meesha u dhaxaysa  feedha 11 iyo ta 12 aad. Kadibna markuu ilmuhu ku koro uurka hooyada ayey xubnahaas soo dagaan. Xubita taranka ee gabadhu waa ugxanta oo kusoo hoobata miskaha gabadha, halka xubinta taranka ee ninkuna uu yahay xiniinyaha oo ayaguna kasoo dagaan kanaalka ayagoo gala dahaadhka sare.

Xitaa markay soo dagaan kadib waxay neerfahoodu ku xidhanyihiin goobtii ay ka yimaadeen, sidoo kale xidida dhiiga kasoo qaada wadnaha (artery) iy kuwa geeya (veins) waxay sii maraan soona maraan goobtii ay asal ahaan labadaas xubnood ku yaaleen.

 Dadka maxaa laga abuuray (Adam)?

Dadka waxa Ilaahay markii ugu horeeyey ka abuuray ciid, ciidaas ayaa biyo lagu daray waxayna noqotay dhiidhi ur leh, kadibna way qallashay oo noqotay dhoobo, dhoobadaasna waxa laga soo soocay tii ugu wanaagsanayd, kadibna waa la qallajiyey oo adkaatay, markaasbaa la sawray oo lagu afuufay ruuxdii.

  • Ciid ama Carro:

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِى رَيۡبٍ۬ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَـٰكُم مِّن تُرَابٍ۬

“Dadoow haddaad Tihiin kuwo ka Shakisan soo Bixinta, waxaan idinka Abuurnay Carro” Suurada 22aad Al-Xajj, Aayada 5aad.

  • Biyo:

وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَىۡءٍ حَىٍّ‌ۖ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ

“kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn” Suurada 21aad Al-anbiya, Aayada 30 aad

  • Dhiidhi ur leh:

وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ ﴿٢٦

“annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.” Suurada Alxijri:26

  • Dhoobo lasoo soocay:

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَـٰنَ مِن سُلَـٰلَةٍ۬ مِّن طِينٍ۬

“Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo” Suurada 23aad Al-Muminuun, Aayada 12aad.

  • Dhoobo faraha ku dhagdhagaysa:

إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍ ﴿١١

“annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.” Saafaat:11

  • Dhoobo adkaatay:

خَلَقَ الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ كَالْفَخَّارِ ﴿١٤

“Dadka Ilaahaybaa ka abuuray dhoobo engagsan (sidii in la gubay oo kale) .” Ar-raxmaan:14

  • Ruuxda lagu afuufay:

فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ ﴿٧٢

Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). Saad:72

Taasi walaalayaal waa marxaladihii uu soo maray nabi aadam abuuridiisu, kadibna Ilaahay wuxuu kasoo farcansiiyey isagii dad aad u tiro badan, dadkaas oo dhamaantood u laabanaya unudgtii koowaad ee aabahood. Dadka qaar ayaa is waydiinaya maxaa u daliila in Ilaahay uu ka abuuray bani aadamka dhoobo, ciid iyo biyo.

Waxaan leenahay dhamaan macdanaha ku jira bani aadamka waxaad ka helaysaa dhulka, dhulka barigiisa iyo badiisa waxa badan bada oo qiyaas ahaan ah boqolkiiba todobaatan halka bani aadamkuna jidhkiisu uu qiyaas ahaan biyaha ku jiraa ay yhiin boqolkiiba todobaatan.

Dhanka kale bani aadamku markuu dhinto wuxuu ku laabta xaaladii uu ka abuurmay isagoo marxaladihii bal u fiirso qofku markuu dhinto wuu qalalaa oo adkaadaa, kadibna qabriga marka la geeyo waxa uumi baxa dhamaan biyihii ku jiray sida indhaha, kadibna wuu  faaxaa oo ur uu yeeshaa markaasna waxa yimaada cayayaan (aboor) cuna maydkaas, ilaa uu dhamaantii ku laabto ciidii uu kayimid.

Marxaladaha ilmaha ee uurka hooyada:

(Nudfah) Candhuuf: 

( ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ) (ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ) 

“ka abuurnay candhuuf” Hajj:5 “Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan” Mu’minuun:13

Biyaha ninka iyo gabadhaba waxa Allah ugu yeedhay candhuuf kadibna candhuuftaas ayaa laga sii dooranayaa ta ugu wanaagsan.

ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُ مِن سُلَالَةٍ مِّن مَّاءٍ مَّهِينٍ ﴿٨

“markaas kayeelay faraciisii mid ka soo soocma Biyo tabaryar”. [Sajdah:8]

Biyihii ninka oo ah manida oo ka kooban malaayiin iyo malaayiin ung noole (sperm) ayaa laga dhex dooranayaa ta ugu wanaagsan, sababtoo ah unug kaliya ayaa bacramin kara ukunta (egg) hooyada. Unug noolahaasi wuxuu la fal galayaa beedkii ama ukuntii katimid ugxanta kadibna wuxuu tuurayaa dibkii dheeraa ee uu ku dabaalanayey, markaasay kala qaybsamayaan oo labada unug (sperm and egg) ayaa u kala jabaya mid kasta 23 koromosom oo sita isirsidaha DNA, kadibna 23 koromosoom oo kayimid ka hooyada iyo 23 koromosoom oo ka yimid ka aabaha ayaa isku dhagaya oo abuuraya hal unug oo dhamaystiran. Waxaana u daliila aayadan quraanka ah:

إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا ﴿٢

“Annagaa ka abuuray dadka candhuuf isku dhafan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.”[ Insaan: 2]

Sidoo kale xadiiskan nabiga ayaa la waydiiyey

” يا يهودي ، من كل يخلق ، من نطفة الرجل ومن نطفة المرأة ،..”  مجمع الزوائد ومنبع الفوائد » كتاب علامات النبوة » باب منه

“Yahuudiyoow, labadoodaba waa laga abuuray, candhuufta ninka iyo candhuufta dumarkaba”

Intaas wixii xiga labadii unug ee isku noqday 46 ka koromosoom way sii tarmayaan, oo unigii wuxuu u qaybsamayaa laba qaybood, labadiina afara, afartiina sideed, sideediina lix iyo toban, sidaasbaanu ku kori ilmaha yar.

(Qaraar Makiin) Guriga Amaanka ah (ilmo galeenka):

ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ﴿١٣

“Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.” [Mu’minuun:13]

Ilaahay wuxuu tilmaamay in ilmuhu ku jiro meel sugan oo amaan ah, waana run oo ilmuhu wuxuu ku abuurmaa meel la ilaaliyey, inta u dhaxaysa lafta dhabarka lafta dhabarka iyo muruqyadeeda, iyo caloosha hooyada.

Xadidida wiil iyo gabadh:

Jirka bani Aadamku waxa uu ka koobanyahay 100 Bilyan oo unugyo, unugii kastaana waxa uu leeyahay 46 koromosom (chromosome) oo ku jira bu’da unuga, marka ay bilaabmato marxalada kala qaybinta unuga ayuu Koromosomku isu ururinaya qaab lamaane oo kale ah labadii kastabaa way isku dhaganyihiin tiraduna waxay noqonasyaa 23 koromosoom oo lamaane ah ama 46 koromosom.

  • 22 lamaane koromosom ah waxay masuul ka yihiin dhisida jirka iyo sifooyinka ruuxu yeelanayo.
  • hal lamaane koromosom ah waxa uu masuul ka yahay xadida ilmaha dhalanaya laba iyo dhidig.

Lamaanaha Dumarku waxa uu noqdaa marksata (XX) halka lamaanaha Ninku noqanayo (XY) markaa hadii ay is qabsadaan (Y) katimid Ninka iyo (X) ka timid haweenka waxa dhalanaya Lab, hadii ay is qabsadaan (X) ka timid Ninka iyo (X) ka timid haweenka waxa dhalanaya Dhidig.

Sidaa awgeed manida ninka ayaa xadida cunuga dhalanaya jinsiga uu yeelanayo lab ama dhidig, sababtoo ah koromasoomka ninka ayaa wata (XY) halka dumarka koodu yahay mar kasta (XX). Unuga wata koromosmka (Y) ayaa hor gaadha beedka mudo dhan 6 saacadood, halka unuga wata (X) uu yahay gaabis waxayna ku qaadataa 12 saacadood inuu gaadho beedka.

Sidaas awgeedna Quraanku wuxuu sheegay in Ninku ka masuul yahay jinsiga dhalanaya nooca uu noqon doono:

وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ﴿٤٥ مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ﴿٤٦

“Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba (45) Kana abuuray dhibic soo baxday (46)” [Suurada 53aad Najm, Aayadaha 45-46.]

أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمْنَىٰ ﴿٣٧ ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٣٨ فَجَعَلَ مِنْهُ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ﴿٣٩

“Miyuusan ahayn dhibic Mani ah oo la dhibciyo, Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana, Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig”. [Suurada 75aad Al-Qiyamah, Aayadaha 37-39.]

(Mugdiyada) sadex mugdi dhexdood:

يَخْلُقُكُمْ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ خَلْقًا مِّن بَعْدِ خَلْقٍ فِي ظُلُمَاتٍ ثَلَاثٍ

“..wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda..” [Zumur: 6]

Allah wuxuu dhahay; sadex mugdiyaal dhexdood ayuu idinku abuuray, sida uu sheegay pr: Kieth More sadexda mugdiyaal waxa weeye, (a) Gidaarka Caloosha (b) Gidaarka riximka “ilmo galeenka” (c) gidaarka dareeraha ah ee ku xaydaaman ilmaha.

(Calaqah) Xinjir dhiiga, soo laalaada, dhiig nuuge:

[ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٣٨﴾] [خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ ﴿٢﴾] [ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً..]

“Markaasna ahaaday calaqo o abuuray simayna” [Najmi:38] “Ka abuuray Insaanka calaqo” [Calaq:2] “Markaasna ka abuurnay candhuuftii calaqo..” [Mu’minuun:14]

Ilaahay meelo badan ayuu ku sheegay in basharka laga abuuray calaqo, gaar ahaan marka lasoo dhaafo marxalada candhuufta, kalimada calaqo waxay leedahay sadex macne oo midkastaba ay ku haboontahay hadaad ku fasirto.

  1. Calaqo= waa shay u eeg xayawaanka la dhaho “Leach like substance” Leach, waa xayawaan u eeg hangaraaraca lugaha badan, wuxuuna nuugaa oo jaqaa dhiiga. Ilmuhuna uma marxalada wuxuu u eegyahay sida xayawaankaas oo kale, walibana wuxuu u shaqeeyaa sidiisa oo kale oo wuu soo nuugaa dhiiga, isagoo ka nuuga xundhurta hooyada.
  2. Calaqo= waa shay soo laalaad, dabcan ilmuhuna wuxuu kasoo laalaadaa riximka hooyada.
  3. Calaqo= xinjir dhiig ah, sidoo kale markuu ilmuhu yahay calaqo, waxa taagan socodka dhiiga sidaas awgeed waa sida xinjirta dhiiga oo fadhida oo kale.

Sadexdaa macno ayey calaqo leedahay, mid kasta oo aad ku fasirtidna waa ku sax, sababtoo ah kalimadan cajiibka ah waxa u dooray Ilaahay subxaanahu wa tacaala.

 

(Mudqah) waslad la calaaliyey:

فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً

“..kana abuurnay calaqadii waslad..” [Mu’minuun: 14]

Xinjirtii laalaaday ayaa kortay oo waxay noqotay wax kuusan oo u eeg waslad la calaaliya, waxa layaab leh in quraanku ku tilmaamay shay la calaaliya runtiina marka lagu fiiriyo kamarada waxad moodaa sida hilib la calaaliyey oo kale. Wasladan waxay ka koobantahay sadex qaybood:- lakab dibada ah, lakab dhexe iyo lakab gudaha ah.

  1. Lakabka dibada ah (Ectoblaste) waxayna ilamaha yar siisaa maqaarka, neerfaha, afka, dibnaha iyo xididada indhah….
  2. Lakabka dhexe (Mesoblaste) waxay qaabilsantahay lafaha, murqaha, kaadi mareenka iyo xubnaha taranka sidoo kale dhiiga…
  3. Lakab gudaha ah (Endoblaste) waxay qaabilsantahay beerka, xamiitada, dheef shiidka iyo neefqaadashada..

Waslad abuuran iyo mid aan abuurnayn:

ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٍ۬ مُّخَلَّقَةٍ۬ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٍ۬

“..Hadaana (waslad) la Abuuray iyo Midaan la Abuurin…” [Alhaj:5]

Aayadan waxa loo bandhiga Maarshaal Johnson, wuxuuna dhahay: iminka hadii aynu fiirino ilmaha marxaladan uu wasalada uu yahay oo aynu baadhno xubnaha abuuran, waxaynu helaynaa in xubnaha qaarna ay abuuranyihiin kuwo kalena aanay abuurnay, oo hadaynu nidhaahno way dhantahay abuurku maaha sax, hadaynu nidhaahno ma dhamana maaha sax ee erayga ugu fiican ee lagu qeexi karaa waa in la dhaho; waslad abuuran iyo midaan abuurnayn.

(Cidaamah) Lafaha:

فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا

“Kana abuurnay wasladii lafo..” [Mu’minuun:14]

Marxaladan waxa bilaabma abuurista lafaha ayadoo qayb kamid ah wasladu ay isu badasho xarko yaryar si ay usamysao laf dhabarta iyo lafaha kale oo dhan.

Kaswatul cidaam laxman: Hilibka la saaro lafaha:

فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا

“..oon Huwinnay Lafihii Hilib..” [Mu’minuun:14]

Aayadu waxay tilmaamaysaa in marka hore la abuurayo lafaha kadibna la huwinayo hilib waana todobaadka 8aad. Mucjisada Ayadan ku jirta ayaa ah in ay tilmaantay in lafuhu marka hore la abuuro kadibna la huwiyo hilibka, arrintan ayaa la ogaaday Qarnigan aan ku jirno waxaana billada Nobel Prize ku qaatay aqoonyahanka Nelsom, kadib cilmi baadhis uu ku sameeyey mudo dheer, hase ahaatee Quraanka ayaa ka warramay 1400 oo sano ka hor.

Noole kale:

ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّـهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ ﴿١٤

“Markaasaan ka ahaysinnay noole kale, waxaa Khayr Badnaday Allaha Abuurkiisu Fiicanyahay.” [Mu’minuun:14]

Dabcan aayadan qaybteeda kalena mucjiso ayaa la socota, wuxuu Allah yidhi; waxaan ka abuurnay noole kale sababtoo ah marka ilmaha lafuhu u samaysmaan ee hilibkana la huwiyo ayuu u ekaada ban aadam, inta kahoreysa waxay isku mid yihiin noolaha kale sida kalluunka, adhiga, bakaylaha.

Abuurka maqalka iyo araga:

[..وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ ﴿٩﴾][…فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا ﴿٢﴾]

“..Idiina yeelay maqalka, araga iyo quluubta, waxyarbaad ku Ilaahay ku mahadisaan” [Sajdah:9] “..kana yeelnay maqle arke” [Insaan:2]

Aayadahan kalena waxay si cad inoogu sheegayaan in Ilaahay ugu hor abuuro dareemayaasha dareenka maqalka, waxayna maanta culumado leeyihiin; abuurka dhagahu wuxuu bilaabmaa maalintaa 22 aad, wuxuuna dhamaystirmaa bisha shanaad. Halka ilmuhu bisha todobaad uu ka furo inshihiisa.

Sidaas awgeed maqalka ayaa laga hor abuuraa araga, waxaana jirtay cilmi baadhis ay samaysay gabadh uur lahayd oo haysatayna caruur kale. Gabadhani waxay garaaci jirtay teebka, dabadeedna ayadoo uur leh ayey garaacday teebkii waxaana dhagaystay ilmihii yaraa. Kadib markuu dhashay ilmihii kamuu cabsanayn garaaca teebka halka caruurtii kale oon dhagaysanin teebka ay baqdeen, sababtoo ah gabadhu maysan garaacin teebka markay uurkooda lahayd.

Yaa uga warramay cilmigan cajiibka ah nabiga (scw)?

Hadaba walaal is waydii, cilmigan oo aad u casri ah bal yaa uga warramay xabiibka nabi Muxamed oo ahaa Ummi aan waxna qorin waxna akhrinin kuna noolaa saxaraha jaziirada carbeed. Waxa usoo waxyooday Alllaaaah kadibna inaka ayuu nabigu ina soo gaadhsiiyey.

Pr; Kieth More wuxuu dhahay, cilmigan cid aqoon u lahayd maysan jiirin ee cida kaliya ee Muxamed u warramay waa Allah, sidoo kalena nabi muxamed waa nabi ka ahaaday xaga Allah. Daawo muuqaalkan.