Sanado badan dadku waxay u yaqaaneen in iftiinka Qorraxda iyo Dayaxu ay isku midyihiin, sidoo kalena in labadooduba ay yihiin walxo gubanaya, dadkuna wax fikrad ah kamaysan haysanin farqiga u dhaxeeya labadan iftiin, marka laga reebo in ay kala awood badanyihiin mooyee. Taasina waxay keentay in diimaha la xarrifay sida Yahuuda iyo Kiristaankuba ay ka rumeystaan in labadaas iftiin ay isku mid yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa dadku dhowaan ogaadeen in iftiinka Qorraxda iyo Dayaxuba aya kala duwanyihiin oo Qorraxdu waa walax gubanaysa soon tuuraysa ilays iyo shucaac aad u wayn halka Dayaxu uu ka yahay meer aad u yar oo ilayska ka hela Qorraxda kadibna ilayskaa dib u celiya (reflection), flaadhahaas ku dhacaya ayuu dib u celiyaa.

هُوَ الَّذِي جَعَلَ الشَّمْسَ ضِيَاءً وَالْقَمَرَ نُورًا وَقَدَّرَهُ مَنَازِلَ لِتَعْلَمُوا عَدَدَ السِّنِينَ وَالْحِسَابَ ۚ مَا خَلَقَ اللَّـهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِالْحَقِّ ۚ يُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ ﴿٥

Ilaahay waa kan ka yeelay Qorraxda ilays (siraad) Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, si aad u ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u abuuray Allah Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og. [Yuunus:5]

Aayadan Ilaahay wuxuu ku kala saaray iftiinka labadan walax waa Qorraxda iyo Dayaxba, wuxuu Caceeda ku tilmaamay inay tahay Siraad halka Dayaxuna uu ka yahay Nuur. Sidoo kale Ilaahay aayado kale ayuu inoogu cadeeyey farqiga u dhaxeeya labadan iftiin, wuxuu Allah ku dhahay suurada Furqaan sidan:

تَبَارَكَ الَّذِي جَعَلَ فِي السَّمَاءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَاجًا وَقَمَرًا مُّنِيرًا ﴿٦١

Waxaa Khayr Badnaaday Ilaaha yeelay Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi.

وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا ﴿١٦

Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.

Ilaahay wuxuu dhahay; Qorraxdu waa siraad halka Dayaxuna uu kayahay mid nuura ama ifaya. Farqigaas u dhaxeeya labadaa walax waa mid aad u cilmiyeysan, oo aanu bani aadamku wax wara kahayn xilligii uu Nabi Muxamed noolaa.

Sida Cilmigu maanta xaqiijiyey, dayaxu waa sida muraayada oo kale kaasoo ilayska kaga yimaada xaga Qorraxda kuna soo celiya xaga dhulka, falaadhahaas ku dhacaya oogta Dayaxa wuxuu dib u celiyaa kaliya 12%, iftiinka ina soo gaadhayaana waxay ku xidhantahay wareega Dayaxa uu sameeyo.

Dayaxu heerkulkiisu wuxuu gaadhaa dhanka ifaya 100c decree, halka dhankiisa kale ee ay aad u qabawdahay oo heerkiisu wuxuu gaadhaa -173c, maxaa yeelaya waxaynu ka aragna Dayaxa dhinac kaliya sababtoo ah socodkiisu wuxuu waafaqsanyahay socodka Qorraxda.

Masaafada Dayaxu dhulka u jiro waa mid ku munaasab ah, sidoo kale xajmiga miisaankiisuna waa mid ku haboon Dayaxa. Hadii Dayaxu inaga fogaan lahaa masaafadiisu wuxuu lamid noqon lahaa sida xidigaha ama meerayaasha inaga fog ee aan iftiinka badan lahayn, haduuse inoo soo dhowaan lahaana wuxuu keeni lahaa habeenkii iftiin siyaado ah taasoo habeenka ka dhigi lahayd mid lamida maalintii oo waxa adkaan lahaa in nooluhu ay seexdaan ama ay nastaan habeenkii.

Dhanka kale hadii Dayaxu uu miisaankiisan ka waynaan lahaa, waxa dhici lahayd inuu iftiin siyaado ah uu keeno, haduu aad u yaraan lahaana waxa dhici lahayd inuu lamid noqdo sida xidigaha aad inooga fog oo kale, sidaa darteed Ilaahay wuxuu ka yeelay miisaanka Dayaxa iyo masaafadiisaba mid aad munaasab ugu ah Dhulka si loo helo nolol dhamaystiran.