Sagaal iyo Sagaashanka Magac ee Ilaahay

1 الرحمن  Arr-Raxmaan Eebaha leh Naxariis guud ee wayn (U naxariistaha Uunka oo dhan).
2 الرحيم  Arr-Raxiim Eebaha leh Naxariis gaarka ah (U naxariistaha Mu’miniinta).
3 الملك  Al-Malik Eebaha ah Boqorka, Fuliyaha amarkiisa.
4 القدوس  Al-Qudduus Eebaha ah Daahirka, kana dheer xumaan iyo nuqsaanba.
5 السلام  Ass-Salaam Eebaha nabadgaliya Mu’miniinta, kana hufan Xumaan oo dhan.
6 المؤمن  Al-Mu’min Eebaha run ka sheega naftiisa iyo wuxuu ballan qaado.
7 المهيمن  Al-Muhaymin Eebaha maraga/markhaati ka ah camalka adoomadiisa.
8 العزيز  Al-Caziiz Eebaha adkaadaha ah ee aan la jabinin, Sharaftana iska leh.
9 الجبار  Al-Jabbaar Eebaha amarkiisu fulo, ee aan cidina gaadhayn awoodiisa.
10 المتكبر  Al-Mutakabbir Eebaha wayn, ee la gaarka ah waynida.
11 الخالق  Al-Khaaliq Abuure, Unke.
12 البارئ  Al-Baari’ Eebaha wax ahaysiiya, unka oo abuura.
13 المصور  Al-Mussawir Eebaha Sawira, Ruuxkasta siiya suurad u gaar ah.
14 الغفار  Al-Qaffaar Eebaha astura danbiga adoomihiisa marar badan.
15 القهار  Al-Qahhaar Eebaha ku qasba cid kasta wuxuu doono.
16 الوهاب  Al-Wahhaab Eebaha bixiya nicmooyinka
17 الرزاق  Arr-Razzaaq Eebaha Quudiya, Eebaha arzaaqa cid kasta.
18 الفتاح  Al-Fattaax Eebaha fura albaabada xiran, waxa culusna fududeeya.
19 العليم  Al-Caliim Eebaha Wax walba og.
20 القابض  Al-Qaabid Eebaha Rizqiga ku cidhiidhiya ciduu doono xikmad darteed
21 الباسط  Al-Baasid Eebaha Rizqiga u waasiciya ciduu doono xikmad darteed
22 الخافض  Al-Khaafid Eebah Hoos u dhiga (gaalada iyo cidii xad gudubta)
23 الرافع  Arr-Raafic Eebaha Sarreysiiya Mu’miniinta
24 المعز  Al-Mucizz Eebaha karaameeya oo awood siiyaa ciduu doono
25 المذل  Al-Mudill Eeabaha dulleeya oo hoojiya ciduu doono.
26 السميع  Ass-Samiic Maqle
27 البصير  Al-Basiir Arke
28 الحكم  Al-Xakam Eebaha Xaakimka ah, kala saara xaqa iyo baadilka.
29 العدل  Al-Cadlu Eebaha Caadilka ah, kana reebay naftiisa dulmiga.
30 اللطيف  All-Ladiif Eebaha Wanaajiya adoomihiisa
31 الخبير  Al-Khabiir Eebaha og wax kasta kiisa yar iyo kiisa waynba.
32 الحليم  Al-Xaliim Eebaha dulqaata.
33 العظيم  Al-Cadiim Eebaha waynaantiisu bar bilow iyo bar dhamaad lahayn
34 الغفور  Al-Qafuur Eebaha danbi dhaafka badan.
35 الشكور  Ash-Shakuur Eebaha ku abaalguda camal yar abaal wayn.
36 العلي  Al-Caliyyu Eebaha korreeya.
37 الكبير  Al-Kabiir Eebaha waynaantu u sugnaatay.
38 الحفيظ  Al-Xafiid Eebaha ilaaliya wax kasta oo uu doono inuu ilaaliyo.
39 المقيت  Al-Muqiit Eebaha kafaalo qaatay inuu quudiyo adoomihiisa.
40 الحسيب  Al-Xasiib Eebaha deeqa adoomadiisa.
41 الجليل  Al-Jaliil Eebaha arrinkiisu waynyahay.
42 الكريم  Al-Kariim Eebaha deeqsiga ah.
43 الرقيب  Arr-Raqiib Eebaha waardiyeeya wax kasta.
44 المجيب  Al-Mujiib Eebaha ka ajiiba adoomadiisa ducada iyo baryada.
45 الواسع  Al-Waasic Eebaha waasica ah, deeqdiisu ay deeqday cid kasta.
46 الحكيم  Al-Xakiim Eebaha Xikmadu u sugnaatay.
47 الودود  Al-Waduud Eebaha jecel adoomihiisa.
48 المجيد  Al-Majiid Eebaha waynidiisu gaadhsiisantahay heerka ugu danbeeya.
49 الباعث  Al-Baacith Eebaha soo bixinaya makhluuqaakiisa maalita qayaame
50 الشهيد  Ash-Shahiid Eebaha aan waxba ka qarsoonayn.
51 الحق  Al-Xaqq Eebaha Xaqqa ah, jooga oo nool.
52 الوكيل  Al-Wakiil Eebaha kafaalo qaatay Uunkiisa una taagan arrimahooda.
53 القوي  Al-Qawiyyu Eebaha awood dhamaystiran iska leh.
54 المتين  Al-Matiinu Eebaha ay adagtahay awoodiisu oo ayna yaraanayn marnaba.
55 الولي  Al-Waliyyu Eebaha waliga u ah cidda adeecda, jecelna gargaarkooda.
56 الحميد  Al-Xamiidu Eebaha xaqa u leh in la mahadiyo.
57 المحصي  Al-Muxsii Eebaha ku koobay wax kasta cilmigiisa.
58 المبدئ  Al-Mubdi’u Eebaha bilaabay abuurka (ayadoon cidina uga horeynin).
59 المعيد  Al-Muciidu Eebaha soo celinaya Uunka oo dhan maalinta qayaame.
60 المحيي  Al-Muxyii Eebaha nooleeya ciduu doono, abuurayna nolosha.
61 المميت  Al-Mumiit Eebaha dila ciduu doono, kuna xukumay Uunka geerida.
62 الحي  Al-Xayyu Eebaha Nool, ee noloshiisu bar bilow iyo bar dhamaad lahayn.
63 القيوم  Al-Qayyuum Eebaha u taagan kala xukunka makhluuqaadkiisa.
64 الواجد  Al-Waajid Eebaha aan waxba u baahan, shayna cajsi galin.
65 الماجد  Al-Maajid Eebaha wayn ee iska leh sharaf iyo karaamo dhamaystiran.
66 الواحد  Al-Waaxid Eebaha sifooyinkiisa iyo ficilkiisaba kalida la ah.
67 الأحد  Al-Axad Eebaha Kalida ah.
68 الصمد  Ass-Sadmad Eebaha loo qasdo ee laga doono xagiisa xaajooyinka.
69 القادر  Al-Qaadir Eebaha wax kasta awooda.
70 المقتدر  Al-Muqtadir Eebaha awood u leh inuu hagaajiyo waxa xumaada.
71 المقدم  Al-Muqaddimu Eebaha wax hor mariya (xikmadiisa iyo khibradiis darteed)
72 المؤخر  Al-Mu’akh-khiru Eebaha wax dib u dhiga (xikmadiisa iyo khibradiis darteed)
73 الأول  Al-Awwalu Eebaha horreeyey (cidina kamaysan horreyn)
74 الآخر  Al-Aakhiru Eebaha baaqiga ah (wax kasta way dhammaan isga mooyee)
75 الظاهر  Add-Daahiru Eebaha muuqda (xujooyinka iyo astaamaha lagu garto darteed)
76 الباطن  Al-Baadinu Eebaha sokeeya ee dhow.
77 الوالي  Al-waali Eebaha wax kasta hantay, fuliyana wuxuu doono.
78 المتعالي  Al-Mutacaalii Eebaha ka dheer sifooyinka makhluuqaadkiisa.
79 البر  Al-Barru Eebaha u dabacsan adoomihiisa kana run sheega yaboohiisa.
80 التواب  Att-Tawwaabu Eebaha waafajiya adoomada Toobada, kana aqbala.
81 المنتقم  Al-Muntaqim Eebaha caddiba cida ku xadgudubta diintiisa.
82 العفو  Al-Caffuwwu Eebaha cafiya adoomada, ee aan sheegsheegin danbiyadooda.
83 الرءوف  Arr-Ra’uuf Eebaha u dabacsan ruuxa toobad keena, asturana ceebtiisa.
84 مالك الملك Maalik-Al-Mulki Eebaha iska leh Mulkiga, siduu doonana u maamula.
85 ذو الجلال والإكرام  Dul-Jalaali Wal-Ikraam Eebaha la gaarka ah Sharafta iyo Karaamada dhamayskatiran.
86  المقسط  Al-Muqsidu Eebaha caadilka ah, una aarguda cida lagu gardarrooday.
87 الجامع  Al-Jaamicu Eebaha kulmiyey aqoon oo dhan, kulminayana Uunka Qayaamada.
88 الغني  Al-Qaniyyu Eebaha ka deeqtoon Makhluuqaadkiisa.
89 المغني  Al-Muqnii Eebaha deeqda siiya ciduu doono adoomihiisa.
90 المانع  Al-Maanic Eebaha u diida xaajooyinka ciduu doono (Imtixaan iyo ilaalin darteed)
91 الضار  Add-Daarr Eebaha u qadara ciduu doono dhib (Imtixaan ama ciqaabid darteed).
92 النافع  An-Naafic Eebaha u qadara ciduu doono dheef iyo khayr.
93 النور  An-Nuur Eebaha Nuurka ah, ee lagu hanuuno hanuunkiisa.
94 الهادي  Al-Haadii Eebaha Hanuunka, kuna haga adoomadiisa jidka xaqa ah.
95 البديع  Al-Badiic Eebaha abuura wuxuu doono ayadoon cidi uga horeyn.
96 الباقي  Al-Baaqii Eebaha kaligii baaqiga ah ee aan dhammaanayn.
97 الوارث  Al-Waarithu Eebaha dhaxla uunkiisa markay geeriyoodaan kadib.
98 الرشيد  Arr-Rashiid Eebaha ku hogaamiya ciduu doono hanuun ama halaag.
99 الصبور Ass-Sabuur Eebaha u kaadiya ee aan danbiilayaasha ku degdegin ciqaabkooda.