Tusmo

Koonku miyuu fidaa?

Waxa uu sugay cilmiga cusub ee sayniska iyo cilmiga xidigintu in koonka waynaanayo, kaas oo korniinkiisu tahay mid joogta ah, meerayaasha way kala fogaadaan ayagoo ku soconaya xawaare aad u dheer kaas oo gaadha xawaaraha ilayska qorraxda sadex boqol oo kun oo kilomiter ilbidhiqsigii. 300000km/s. waxaana fikradan sii adkeeyey cilmi baadhis lagu sameeyey socodka xidigaha/meerayaasha.

Xidiguhu waxay u qaybsamaan laba qaybood.

  1. xidig u iftiima midabka casaanka waana xidigaha inaga sii fogaanaya.
  2. xidig u iftiima midabka buluuga waana xidigaha inagu soo dhowaanaya.

Markii lagu sameeyey cilmi baadhis qaadatay mudo dhan 30 sano waxa la ogaaday inay xidiguhu inaga fogaanayaan, una janjeedhaan iftiinka casaanka taas oo macnaheedu tahay in koonku korayo kobcayo oo waynaanayo. Hadana waxa lays waydiiyey hadii ay xidigu fogaanayaan aaway awoodii cufus jiidadka (gravity) ee isu haysay xidigaha, ugu danbayn waxa la iclaamiyey in samada oo dhan ay ku jirto xaalad korniin ah oo la waynaynayo. waxa loogu magac daray fikradan (Expanding Universe) Koonka waynaanaya ama koraya.

[huge_it_slider id=”1″]

Sanadku markuu ahaa 2011 ayaa sadex culumada falaga (xidiginta) ay ku qaateen abaal marinta Nobel Prize fikradan oo ay baahdeen awgeed


Hadaba waxa is waydiin leh in koonku korayo oo waynaanyo waxa laynooga waramay 1400 oo sano ka hor, xilligaas oo aanay suurta gal ahayn in taleskoobyo iyo waynayso lagu eego xidigaha iyo meerayaasha aanay jirin. Eebe waxa uu ku leeyahay Suurada 51aad ee Al-daariyaat, aayada 47:-

وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَٰهَا بِأَييْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ

” Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waanan waasicin”


Aayadan culumada tafsiirku waxay ku fasireen sidan soo socota.

Dabari. ( Samada sare ayaan u rafcinay, kana yeelnay saqaf awoodeena, Samaduna waa mid wayn)


Ibnu Kathiir( Samada waxaan ka yeelnay saqaf koreeya, waanay waynaynay sarena uqaadnay tiirar la’aan.) 


Iskusoo wada duuboo aayadan kariimka ah waxay inoo tilmaamaysaa in koonku ku jiro xaalad korniin oo la waynaynayo, arintani waa cilmi aad u wayn oo uu la yimid Nabi Muhamed (N.N.K.H). sidaan hore usoo sheegnay Qur’aanku kama hor imnayo arin cilmi ah oo xaqiiqa ah.

Halkan ka daawo sida lagu ogaaday in koonko waynaanayo.

[huge_it_videogallery id=”1″]