{مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ}

{kuwii yeeshay Eebe sokodii Awliyo (gaalada) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri waxaana ugu xun Guri’ Guri Caaro hadday wax ogyihiin.}

Aayadan sharafta leh oo cilmi badan kusoo arooray oo wali siraha ku jira aan la dhamaynin ayaan InshAllah ka warami doonaa inagoo soo koobi doona.

Caarada iyo guriga ugu liita:-

Guriga caarada ayaa ah ka ugu liita, dhamaan makhluuqaadka kale waxay dhistaan guryo adag oo ka celinaya roobka iyo dabaysha, marka laga reebo Caarada oo dhisata guri aan raandhiis lahayn. Inta ay nooshahay Caaradu waxay dhisaysaa Guri hadana mudo yar oo daqiiqada ah ayey ku dumaysaa. caro5

Caarada iyo Handasadeeda:-

Caaradu waxay u dhistaa gurigeeda qaab laba geesood ah, halka cayayaanka kale u dhisaan sadex geesood taas oo ka dhigaysa guri handasadiisu hooseyso, oo diyaar u ah in dabayl, kuleyl ama qabowgu waxyeelayo. Xadhkaha Caarada markay dhisto oo ay mudo ku qaadato ayaa hadana maalinta ugu horeysa dabcayaan markaasay cunaysaa xadhkaha si ay mar labaad u sameyso guri kale.caro 1

Caarada iyo Ehelkeeda: 

Nolosha Caaradu waa mid kala tagsan, waxa dhici karta in Caarada dhidig ay cunto ninkeeda, caruurteeda, walaaladeed iyo cidii kasoo hor baxda ee ka taag yar. Nolosha Caaradu waxay dhab ahaan shabahdaa nolosha dadka Mulxidiinta ah ee aan Ilaahay iyo Rasuulna rumaysnayn.caro3

Gunaanad:

  • Aayada Sharafta leh waxay tilmaantay in Caarada ta dhidig tahay ta sameysa Guriga, waana arrin cilmigu xaqiijiyey maanta.
  • Guriga ugu liita aduunka waa guriga caarada sidaa awgeed ayuu Eebe u leeyahay Guriga ugu liitaa waa kan caarada, arrintaasina cilmigu waa xaqiijiyey.
  • Aayadan Quraanka waxay inoo tilmaantay in guriga Caaradu yahay ka ugu daciifsan laakiin xadhkaha Caaradu guryaha ka sameyso waa adagyihiin, sidaa awgeed Ilaahay muusan odhan xadhkaha ayaa daciifa ee wuxuu dhahay guriga ayaa daciifa.
  • Aayadu waxay tilmaantay in Gaalka iyo Caarada gurigeeda shabah ka dhaxeeyo, sababtoo ah labadooduba aragti dheer malaha. Caaradu nolosheeda dhan way shaqaysaa hadana waxay dhisataa guriga ugu liita halka Gaalku isaguna uu shaqaynayo noloshiisa oo dhan isagoo isleh dhufays fiican ayaad ku jirtaa laakiin xaalada uu ku jiraa waa sida guriga Caarada oo kale ee aan roob iyo qabow toona difaacayn.

WD: Abdulaziz Oogle