Icjaaska Birta Xadiida ee Quraanka.

Suurad ka mid ah suuradaha Quraanka magaceedu waa Suura Al-xadiid, waana suurada 57 aad ee Quraanka Kariimka. Waxaana la yaab leh in ay tahay suurada kaliya ee leh magaca cunsur macdaneed. Sidaan ognahay Quraanka macdano badan ayaa kusoo arooray sida Dahabka, Qalinka, Sbarjadka iwm. Balse Su’aashu waxa weeye Maxaa Suurad dhan oo Quraanka ah loogu magacaabay Xadiid. Inshallah markaan ka warano ayaan fahmaynaa sababta uu Allah (SW) ugu doortay magacan iyo Icjaaska ku jira.

Markaan baranayno macdanada waxaan arganaa in Xadiidu leedahay sifooyin u gaar ah, tusaale ahaan Xadiidu waa macdan aynu awoodi karno inaan xukuno adkaanteeda, cufnaanteeda iyo dabacsanaanteeda inagoo ku darayna macdano kale sida Karboonka. Laakiin Maxaa Birta Xadiida siiyey sifooyinkan?

Waxa siinaya sifooyinkan waa habka ay atomyada Xadiidu ku abuurmeen. Awood wayn ayaa isu haysa atomyada Xadiida si ay midba midka kale u qabsato waxaana sii xojinaya qurabaha yaryar ee atomka Birta. Hadii aynu atomka Xadiida aan ku darno Karboon waxa isa sii qabsanaya atomyada oo  is haysiga atomyada ayaa waynaanaya waxaana kordhaya adkaanta macdanta Birta. Sidaa awgeed kalmada (البأس) Shiddo waxay koobsanaysaa sifooyin badan sida adkaanta, dabacsanaanta iyo cufnaantaba. Ilaahayna waxa uu leeyahay Aayada 25 aad ee Suurada Xadiid

{ ….وانزلنا الحديد فيه باس شديد ومنافع للناس}  

{..Waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka..}  

Eebe (SW) waxa uu adeegsaday kalmada (أنزلنا) oo macnaheedu yahay Waan soo dajinay. Waxa cilmi ahaan cadaatay in macdanta Xadiida laga soo dajiyey  meel ka baxsan Dhulka. Hada ka hor culumadu waxay u malayn jireen in Birta Xadiidu ka dhalatay falgalka Dhulka. Hase ahaatee kuwo ka mid ah culumada baadha Xadiida ayaa qiyaasay tamarta abuuri karta Birta Xadiida waxyna ogaadeen in tamarta samaysay Xadiidu aan laga heli karayn Dhulka iyo xitaa Nidaamkeena Qoraxeed (Solar system) kaas oo loo yaqaan Wado Caanoodka. Tamarta abuuri karta birta Xadiidu waa tamar aad uga wayn tamrta Nidaamka Qorraxdeena. Waxayna arrintaasi keentay in culumadu fahmaan in Birta Xadiida lagu abuuray Xidig aad uga wayn Qorraxda kadibna Dhulka lagu soo tuuray ama lasoo dajiyey ayadoo ah sida danabka. Sidaa darteed ayaa Allah oo abuuray Koonka iyo macdanadaba uu leeyhay:

{ ….وانزلنا الحديد فيه باس شديد ومنافع للناس}  

{..Waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka..}  

  • Cilmi ahaan waxa cad in Xadiida laga soo dajiyey Samada qaab sida danabka oo kale ah.
  • Cilmi ahaan waxa cad in awooda atomyada Xadiidu aad u waynyihiin.
  • Sidoo kale waxa layaab leh in Suurada Xadiid ay tahay suurada 57 aad oo ah suurada dhextaalka u ah Quraanka Kariimka. Sidaan ognahay Quraanku waa 114 suuradood markaa hadaan laba u qaybino maxaa soo baxay? 114/2= 57. Sidaa darteed suurada Xadiid waa suurada kala badha suuradaha Quraanka. Sidoo kale macdanta Xadiidu waxay kala badhaa macdanada ama canaasirta kiimikada, sababtoo ah Xadiidu waxay leeyahay tamarta ugu adag ee atom yeelan karo. Sidaa awgeed dhamaan canaasirta ka horeysa Xadiida ee ku qoran Periodic Table ama Jadwalka Canaasirta waa macdano ku samaysmay is dhexgel nukliyeer, halka canaasirta ka danbaysaan ay ku samaysantay kala tag nukliyeer, waxaana Canaasirtaa kala badha Birta Xadiidka (Iron).
  • Sidoo kale miisaanka culayska atomka Xadiidu isku celcelin waa (57) halka Suurada Xadiidna ay tahay suurada 57 aad ee Quraanka Kariimka ah.
  • Tirada Elektaroonada iyo Protoonada atomka Xadiidu waa (26), halka aayada kusoo aroortay suurada Xadiid ee ka hadlaysa xadiidu tahay marka lagu daro Bisinka aayada (26) aad.
Magaca  Iron (Xadiid)
Calaamada Cunsurka Fe
Tirada Atomka   26
 Miisaanka Atomka 55.845 
Tirada Protoronka 26
Tirada Elektaroonka  26
Tirada Nukliyeerka 30
Heerka ay ku dhalaasho 1535.00° C
Heerka ay ku karto 2750.00° C
Qaabkeeda Caadiga ah Adke

Xigasho: Hay’ada Caalamiga ee Icjaaska cilmiga ee Quraanka iyo Sunada Rasuulka.

Waxa soo diyaariyey: Abdulaziz Oogle