(22)مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ (19) بَيۡنَہُمَا بَرۡزَخٌ۬ لَّا يَبۡغِيَانِ (20) فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ (21) يَخۡرُجُ مِنۡہُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ

“Eebe waan kan labada badood dariseeyey iyagoo kulmaya, dhexdoodana yeelah sohdin (kala reeba) iskumana xadgudbaan, Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan, Waxaa lagala baxaa baddaas lu’lu’ iyo murjaan (jawhar)” Suurada 55aad ee Rahman, ayaadaha 19-22.


Eebe (S.W.T) waxa uu inoo tilmaamay in baduhu kulmaan, hase ahaatee uu udhaxeeye Gidaar biyood aan ogolaanyn in biyuha baduhu isku darsamaan. Biyaha baduhu way kala duwanyihiin marka la eego xaraarada, heerkulka, milixda iyo kalluunada ku dhexnool tusaale ahaan biyaha Badda cas iyo Badwaynta Hindiya waxyaalo badan ayey ku kala duwanyihiin sidaa awgeed waxa adag in kalluun gurigiisu yahay Badda cas uu ku noolaan karo badwaynta Hindiya asagoon haysan deganaansho rasmiya, waxaan uga jeeda in kalluunkaasi u baahanyahay inuu helo cimiladii Badda cas ee isaga ku haboonayd, hadiiba ay dhacdo inuu u tahriibo bad kale waxa ku adkaanaysa nolosha bada kale ugu danbayna wuu dhimanayaa.

Sidaa awgeed ayaa Eebe (S.W.T) u sameeyey badaha soohdimo iyo xuduudo, soohdintaasi waa gidaar biyood u dhaxeeya labada badood si aanay iskugu darsamin labad biyood. Gidaar biyoodku maaha mid meel taagan ee waa mid ku jira xaalad dhaqaaq (sii socod iyo soo socod).

Waxa dhici karta in biyaha baduhu isku soo fidaan ayadood moodo inay dhul balaadhsi samaynayaan,si kastaba ha ahaatee soohdiintaa Gidaar biyoodka ayaa u dhaxaynaya badaha, iskumana xad gudbi karaan.

Sidee u kulmaan Badaha iyo Wabiyadu.

وَهُوَ ٱلَّذِى مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ هَـٰذَا عَذۡبٌ۬ فُرَاتٌ۬ وَهَـٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٌ۬ وَجَعَلَ بَيۡنَہُمَا بَرۡزَخً۬ا وَحِجۡرً۬ا مَّحۡجُورً۬ا 

“Eebe wuu isku daraa labada badood, kaasi waa macaan daran, kaasina waa qadhaadh daran, waxaanu yeelay dhexdooda soohdin iyo gidaar biyood awdan” Suurada 25aad Furqaan, Aayada53aad.


Sidoo kale meesha ay iska galaan biyaha qadhaadh (badaha) iyo biyaha macaan (wabiyada) waxa jira gidaar biyood u dhaxeeya labadooda. Gidaar biyoodkaasi maaha mid biyo macaan mana aha biyo qadhaadh ee waa mid u dhaxeeya, waxaanu ku jiraa xaalad dhaqaaq (sii socod iyo soo socod).

Hadii biyaha wabiyadu fatahaan waxa gidaar-biyoodku galaa badda, laakiin hadii ay abaar ka dhacdo wabiga waxa dib usoo noqda gidaar biyoodkii.

Waxa layaab leh in gidaar-biyoodka u dhaxaysa biyaha Wabiga iyo biyaha Badda ay leeyihiin gidaar awdan oon ogolaanayn in kalluunada wabigu u gudbaan badda ama kalluunka baddu usoo gudbo wabiga.

Aqoon yahan wayn oo ku takhasusay badaha una dhashay wadanka Faransiiska oo la dhaho (Jack Kosto) ayaa ogaaday in badaha iyo wabiyadu leeyihiin soohdin gidaar-biyood oo aan u saamaxayn xaywaanada kunool inay isu gudbaan, kadibna waxa la hordhigay aayadka Quraanka ee ka hadlaya badaha, markaas ayuu qiray in nabi Muhamed (N.N.K.H) yahay rasuul uu soo diray Eebe.

Hadaba waxa iswaydiinta leh Nabi Muhamed (N.N.K.H) yaa uga waramay culuumta badaha ee aanay suurto gal ahayn in la ogaado waqtigii uu noolaa. Eebe wayne ayaa uga waramay, Maasha allah. Tabarakallah.

Kusalli Nabigeena runta inoo sheegay, inana soo gaadhsiiyey diinta xaqa ah ee Islaamka.

Badgariir ka dhaca bada hoosteeda

(لا يركب البحر إلا حاج ، أو معتمر ، أو غاز في سبيل الله ، فإن تحت البحر نارا ، وتحت النار بحرا)

” Bada ma koro qof soo xajaya, cimraysanaya ama dariiqa Eebe ku jihaadaya mooyaane, waxa badda hoosteeda ah naar, naarta hoosteedana bad” xadiiskan waxa laga soo wariyaa rasuulka (N.N.K.H) inkasta oo lagu timaamay inuu yahay xadiis qariib hadana sanadkiisa waa saxiix.


Xadiiskan waxa uu tilmaamayaa in badda hoosteeda tahay naar, naartana hoosteeda tahay bad ama biyo, waxa layaableh in xadiisakani ka warramayo arrimo aad u cajiiba, oo inbadan oo dadka kamida layaabeen. Nabi Muhamed noloshiisa ma uusan korin doon, manuusan quusin bada hoosteeda, sideebuu ku ogaaday in badda hoosteedu tahay naar, Subxaanalllah waa waxyi xaga Eebe uga yimid.

Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib waxa dadku u baahdeen macdano badan, si ay ugu daboolaan baahidii hub urursi, markaa waxay is waydiiyeen in badda hoosteeda laga heli karo macdano, sida birta xadiida, naxaaska iyo magniisamka, ayagoo ka rajo qabay meesha ay baddu ka keento macdanada markay habeenkii soo caarido, dabadeedna waxay gudo galeen in cilmi baadhis lagu sameeyo badda, waxayna ogaadeen in dhamaan badaha waaweyn hoostooda leeyihiin dilaacyo waawayn oo ku hareeraysan dhulka oo idil, dherarkooda waxa lagu qiyaasaa 65000km waxayna gunta hoose lagu qiyaasay 160000km, dilaacyadan ayaa u samaysan qaabka shabaga oo isku xidhxidhan.

Dillaacyadan waawayn oo guntoodu aad u dheertahay waxa ka dhaca fulkaanayaal aad u daran oo heerkulkoodu gaadhaan 1000 decree. Marka uudhaco fulkaane waxa sare usoo kacay dhagxaantii uu watay oo imanaya badda, kadibna biyuhu way uumi baxayaan kulaylka fulkaanaha darteed, biyuhuna ma awoodayaan inay damiyaan fulkaanahan la kululeeyey.Waxaad qiyaastaa biyaha oo ku fadhiya 75% bedka dhulka, ma awoodaan inay damiyaan fulkaanaha, balse way uumi baxayaan kulayka naarta awgeed.

Ugu danbayn waxa la iclaamiyey in dhamaan badaha hoostooda ay kajirto fulkaanayaal aad loo kululeeyey oo aan biyuhu damin karayn. waxa layaableh sida xadiiska rasuulku u macneeyey arrintan. sidoo kale Eebaha wayni waa ku dhaartay fulkaanaha badda hoosteeda ka dhaca kaasoo kululeeya badda waxaanu yidhi:-

وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ

“Waxaan ku dhaartay badda la kululeeyey” Suurada 52aad ee Duur, aayada 6aad.


bal maxaan u yaabi waxa inooga waramayaa waa Eebihii koonka iyo waxa ku gudo jiraba sameeyaye.

Halkan ka daawo badda oo hoosteeda fulkaanayaal ka qarxeen.