Xaqu (S.W.T) waxa uu Quraankiisa u leeyahay:- Suurada 75 Al-Qiyaamah, Aayada 3-4.

أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَـٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُ ۥ (٣) بَلَىٰ قَـٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُ ۥ 

” Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa (3) Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa (4)”


Kalmada (بَنَانَهُ ) waxa weeye fooda hore ee faraha dadka. Aayaduna waxay tilmaantay in fooda farahu cadeeyaan aqoonsiga qofka. Majiraan  laba qof oo dunida kunool oo khadadka (xariijimaha) fooda farahoodu ay isku midyihiin, sidaa awgeed ayuu Xaqu (S.W.T) asagoo ka hadlaya maalinta qayaame leeyahay ”Gaaladu ma waxay u maleeyeen inaanaan kulminayn lafahooda, Saas maahee waxaan karnaa inaan soo celino xriijinta iyo khadadka fooda farahood”.

Dadku wax aqoon ah umaysan lahayn in fooda farahoodu yihiin cadynta aqoonsiga qofka, hase ahaatee  qarnigii 19 aad dhamaadkiisii ayaa la ogaaday in khadadka faruha ee dadku kala duwanyihiin loona isticmaali karo aqoonsiga dadka.

Sanadku markuu ahaa 1823 dii ayaa aqoonyahan u dhashay wadanka Czech Rebulic oo la dhaho Purkinji uu ogaaday in khadadka faraha ee gacmaha dadku ay kala duwanyihiin. 35 sano kadib ayaa aqoonyahan kale oo u dhashay wadanka Ingiriiska lana dhaho William Herschel uu iclaamiyey in khadadka faraha ee dadku noqon karaan cadaynta aqoonsiga qofka. Sanadkii 1877 kii ayaa markii ugu horeysay la isticmaalay in dadka laga qaado faraha si loo cadeeyo aqoonsigooda.

1893 dii ayaa ahayd markii ugu horeysay ee la kaydiyey faraha dadka ayadoo loo ictiraafay inay tahay aqoonsiga ugu xooga wayn ee dadku yeelankaro. Waxa isla markiiba adeegsaday ciidamada amaanka suga ee Scotland kadibna waxay ku baahday dhamaan wadamada dunida oodhan.

Arrintan cilmiga ah oo la ogaaday qarnigii 19 aad waxay kusoo aroortay Quraanka kariimka ah mudo dhan 1400 oo sano kahor, waana mid kamid ah mucjisooyinka Quraanka.

12

 

1   2

Magnifying glass over finger printlike shape made of binary code

Qofkasta oo dunida kunool wax la mid ah majiraan, waxaana kala duwan khadadka farahooda, sidaa awgeed ayuu Xaqu ballan qaaday inuu soo celin doono xariijimha faraha bani aadamka