Macluumaadka ku saabsan Dhulka waxa uu ka mid yahay mucjisada ugu wayn ee Quraanku ka waramayo, gaar ahaan marka la barbardhigo aqoonta maanta dunida taala. Waxaan idiin cadaynayaa in macluumaadka ku saabsan Dhulka ay kuwada dhaceen/hoobteen dhamaan diimaha kale marka laga reebo diinta Islaamka. Alxamdulilah.

DHULKU MA SAXAN AYUU U EEGYAHAY MISE UKUN?

Horta intaynaan ka waramin qaabka uu Dhulku u eegyahay waxaan idiin soo bandhigayaa waxa ay diimaha kale ka aaminsanyihiin Dhulka iyo sida uu eegyahay.

Diinta Kiristanka waxay aaminsanyihiin in kitaabka (bible) uu yahay hadalkii ilaahay, bal aan fiirino waxay ka dhaheen qaab dhismeedka Dhulka.

“(Injiilka Mathew ch:4 V:8) iyo (Injiilka Luuk ch:4 V:5) waxay ka waramayaan in shaydaan soo kaxeeyey Nabi Ciise oo uu saaray buur dheer kadibna tusay boqortooyada aduunyada oo dhan” Sidoo kale kitaabka (Daniel ch:4 V:10-11)  “Ninbaa leh waxaad ii fasirtaa riyadaydan, aniga oo hurda ayaan arka geed dheer oo ku yaal dhulka badhtankiisa, aadna u dheer waxayna dherarkeedu gaadhay samada kadibna waxa laga arkay dhulka oo dhan.”


“Waxa is waydiin leh hadii aad fuusho buurta ugu dheer aduunka ee (Everest)  ma arki kartaa aduunyada oo dhan hal mar, waxay suura gali kartaa oo kaliya marka uu dhulku yahay mid saxan u eeg, laakiin hadii uu dhulku yahay mid kubad u eeg ma arki kartid aduunyada oo dhan hal mar”

“Geed dadka dunida jooga oo dhan ay arkeen suurta gal maaha, maadaama dhulku yahay sida kubada oo kale, qofka Afrika dagan waxa Maraykanku ka xigaa hoostiisa, waxa kaliya oo uu suurta galayaa in geedka lawada arko markuu dhulku yahay sida saxanka ah oo kale”

Halkaa waxaan ka fahanay in diinta Kiristanka ay aaminsanyihiin in dhulku u eeg yahay saxan (flat). Hadana bal aan eegno diinta Hinduuska siday u arkaan Dhulka.

(Naringa  Purana , Page: 169.  Abithana Sinthamani says the Earth is flat) Abithana Sinthamani waxa uu leeyahay Dhulka waa mid u eeg sida saxanka.

Dadku waagii hore waxay rumaysnaayeen in dhulku yahay mid (Flat) ah, waxa markii ugu horeysay reer galbeedka u iclaamiyey in dhulku yahay sida kubada oo kale Nin badmaaxa ahaa oo la dhaho Sir Francis Drake, Ninkan oo dhulka oo dhan markab ku maray ayaa u cadeeyey inuu dhulku yahay mid wareegsan oo aan fidsanayn sanadkii 1597 dii. waa kun sano geeridii nabiga kadib.

PSM_V10_D562_The_hindoo_earth 3286281_thumbnail1

Dadka qaar ayaa aaminsanaa in dhulka ay sidaan Afar maroodi sidaad ku aragtaan sawirka, kuwo kalana waxay rumaysnaayeen in dhulku yahay (Flat).


Xaqu (S.W.T) asagoo arrinkaa tilmaamaya ayuu Aayado badan kaga waramay quraanka.

وَٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ ذَٲلِكَ دَحَٮٰهَآ

“Dhulkana markaas kadib fidiyey” Suurada 79aad ee Naasicaat, Aayada 30aad.

Kalmada (دَحَٮٰهَآ) waxay leedahay laba macne, mida koowaad waa fidin, waxaynaan ognahay in dhulku fiday. Macnaha kale ee ay leedahayna waxa weeye (دحية) “qaab ukuneed” waxaynaan ognahay in dhulku aanu ahayn sida kubada oo kale balse uu usamaysanyahay sida beedka oo kale. Subxaanallah.


يُكَوِّرُ ٱلَّيۡلَ عَلَى ٱلنَّہَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيۡلِ‌ۖ

“Waxa uu habeenka ku daboolaa maalinta, Maalintana ku daboola Habeen” Suurada 39aad Zumur, Aayada 5aad.

Xaqu (S.W.T) waxa uu aayadana inoogu tilmaamy inuu ku dabooolo habeenka maalin, maalintana habeen, hadii uu dhulku yahay mid aan goobo ahayn lam isticmaali lahayn kalmada (تكوير), ee daboolista ama duubista oo kale ah. Kalmadan waxa la adeegsadaa marka qofku madaxa uu ku duubo cimaamad, markaa su’aashu waxa weeye cimaamada ma waxa loo duubaa sida saxanka afka balaadhan mise waa la wareejiyaa sida kubada. Subxaanallah.


فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَـٰرِقِ وَٱلۡمَغَـٰرِبِ إِنَّا لَقَـٰدِرُونَ

“Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa” Suurada 70aad ee Macaarij, Aayada 40aad.

Xaqu (S.W.T) waxa uu ku dhaartay qorrax kasoo baxayaasha iyo qorrax u dhacyada, sababtoo ah waxa jira qorrax u dhacyo badan iyo qorrax soo baxyo badan. Tusaale ahaan magaalo kasta waxay leedahay qorraxdu meel ay kasoo baxdo iyo mid ay ka dhacdo, waxaana inoo sii fasiraya Qorraxdu waxa wadanka Somalia kasoo baxdaa Shanta subaxnimo ee saacada afrikada bari, halka magaalo kutaala wadanka Maraykanka sida gobolka Alaska ay qorraxdu kasoo baxdo 12 saacadood kadib. Markaa qorraxdu waxay kasoo baxdaa kana dhacdaa meelo kala duwan, laakiin hadii dhulku yahay mid (Flat) oo fidsan sida saxanka oo kale, qorraxdu isku hal mar ayey usoo bixi layahd hal marna way ka dhici lahayd, sidaa awgeed ayuu Xaqu ina barayaa cilmigan. Alxamdulilah.


Dhulku maaha sida kubada oo kale ee waxa weeye sida Quraanku ku tilmaamay waa mid u eeg ukunta. Fiiri sawirkan.

najaar

Sida aynu ujeedno Dhulku waxa uu uwaynyahay ubucda dhexe gaar ahaan Dhul badhaha, waxaanu uyaryahay labada cidhif, markaa muuqaalkiisu waa sida ukunta/beedka.

hadii aynu xisaabino Dhulbadhaha diameter kiisa waa 12756km halka labada cidhif ay ka yihiin 12714. markaa waynu kala jaraynaa si aan u ogaano farqiga

12756km  – 12714km = 42km

markaa dhul badhuhu waxa uu ka wayn yahay cidhifyada dhulka 42km. Subxaanallah. Xaqu (S.W.T) asagoo sii cadaynaya arrintan ayuu aayad cadaana ku yidhi:-

.أفلا يرون أنا نأتي الأرض ننقصها من أطرافها أفهم الغالبون….. 

“Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaaminayna darafyadeeda “


Miyeydaan arkayn inaan nuqsaaminayno cidhifyada dhulka, subxaanallah, waxaad xasuusataa Quraanku waxa uu soo dagay 1400 oo sano ka hor hadana waxa uu inooga waramayaa cilmi aad u cajiiba, yaa uga waramay Nabiga (N.N.K.H) aqoontan.

 (Socodka Dhulka iyo Meerayaasha)

Dhulku miyuu wareega, socdaa mise  wuu taaganyahay?

waxaan idiin soo bandhigi doonaa diimaha sheegta inay yihiin diimo xaga Eebe ka yimid waxay ka qabaan socodka Dhulka iyo Meerayaasha.

Diinta kiristanku waxay aaminsanyihiin in dhulku taagan yahay.

“kitaabka (Chronicles ch:16 V:30) Dhulku wuu istaagi, mana dhaqaaqayo.” sidoo kale kitaabka (Psalms ch:93 V:1) Dhulku ma dhaqaaqi karo.

Diinta hinduugu waxay aaminsanyihiin in dhulku taaganyahay.

Diinta Hinduusku waxay rumaysanyihiin in kutubta (Veda) ay yihiin kuwa ug saxiixsan xagooda, bal aan eegno ayagana waxay ka aaminsanyihiin wareegista iyo socodka dhulka.

  1. kitaabka (Rig Veda 2/12/12) Dadoow! kii sameeyey dhulka gariira ee taagan  waa Indira.
  2. kitaabka (Yajur Veda 32/6) Ilaahay ayaa sameeyey dhulka taagan.
  3. kitaabka (Aterv Veda 12/1/11) Indira ayaa difaaca dhulka balladhan, kaas oo aan dhaqaaqin, lehna qaab badan.

Isku soo duuboo waxay daliiladani tilmaamayaan in aanu dhulku soconayn, ee uu taaganyahay.


Maxay ka qabtaa diintu Islaamku?

Xaqu waxa uu leeyahay:-

وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ

“Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan” Al-anbiya, Aayada 33 aad.

Xaqu waxa uu si fudud oo xeel dheer uga warramayaa socodka Dhulka,Qorraxda iyo xidigaha waxaanu yidhi mid kasta waxay ku dhexdabaashaan falag.


أَلَمۡ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيۡفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوۡ شَآءَ لَجَعَلَهُ ۥ سَاكِنً۬ا ثُمَّ جَعَلۡنَا ٱلشَّمۡسَ عَلَيۡهِ دَلِيلاً۬ (٤٥) ثُمَّ قَبَضۡنَـٰهُ إِلَيۡنَا قَبۡضً۬ا يَسِير

“Miyeydaan Ogayn sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo) Markaasaan u Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar. Suurada Furqaan, Aayada 45-46.

Aayadana waxa xaqu ku tilmaamay in Qorraxdu tahay ta keenta hadhka, socodka hadhku waxa uu daliil u yahay socodka qorraxda ee ka yimaada bari kuna socda galbeed. qabashada yar ee la qabanayo hadhka ee aan hal mar lasii wada daynin waa si ay isula simaan iftiinka kasiijeeda, waxayna daliil u tahay in dhulkuna socdo. dhanka kale haduu Eebe doono inuu ka yeelo hadhka mid xasilan oo joogta ah waxa dhacay qorrax madoobaad, Eebana waa karaa inuu joojiyo socodka Qorraxda iyo dhulkaba.


يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ ڪُلٌّ۬ يَجۡرِى لِأَجَلٍ۬ مُّسَمًّ۬ىۚ 

“Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban”

Xaqu waxa uu adeegdaday kalmada (يُولِجُ) oo ah inuu dhex galiyo habeenka si qunyar ah maalintii, maalintana sidoo kale waxa uu si qun yar ah u dhex galiyaa habeenka. Is dhex galinta habeenka iyo maalinta waxa ka dhalanaya in bilaha qaar uu habeenku dheeraado sida xilliga jiilaalka, xilliyada qaarna waxa dheeraada maalintii, waxay tanina daliil u tahay in dhulku socdo.


Gunaanadkii waxaan leenahay dhulku waa socdaa, laakiinse ma dareemi karayno socodkiisa sababtoo ah wax kasta oo dul saarani way la socdaa. Allahu aclam