Tusmo

Caaro biyood

Walaalayaal Ilaahay wuxuu ku yidhi suurada Cankabuut, aayada 41 aad:

مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّـهِ أَوْلِيَاءَ كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا ۖ وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ ۖ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ ﴿٤١

“kuwii yeeshay Ilaahay kasokow awliyo (sokeeye u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri waxaana ugu xun guryo’ Guriga Caarada, hadday wax ogyihiin.” [41]

Dabcan waan aragnay in guriga caarada ee barriga ku yaala yahay guriga ugu tamarta yar Aduunka, sida aynu ku xusnay maqaalkan http://gaaldiid.com/project/icjaaska-quraanka-iyo-caarada/, balse ma losocotaa inay jirto caaro ku nool badda dhexdeeda.

Caarada biyaha ku nool waxay u baahantahay Oxygen, badda hoosteeda ahna ma quusi karto oo way ku dhimanaysaa, sababtoo ah Oxygentii ay ubaahnayd ma helayso, sidoo kalena badda dusheedana ma iman karto. Sidaa daraadeed waxay ku nooshahay xunbada badda hoosteeda, oo waxay guri ka dhisanaysaa xunbada biyaha dusheeda saaran oo leh waxooga Oxygen ay ku neefsan karto.

Sidee ayey wax u ugaadhataa?

Sidaynu sheegnay Caaradu badda gunteeda aadimayso, sarena uma soo baxyso hase ahaatee cayayaanka ay ugaadhato waxay u samaynaysaa guri xunbo, halkaas oo ay ku dhex neefsan karto. Caaradu inta ay ku gudo jirto dhismaha guriga xunbada ah waxay isu haystaa ayadu inay dhisanayso guri aad u cajiiba, balse waxa loo jeedaa inuu yahay guriga Aduunka ugu tamarta yar, ha noqoto caaro barriyeedka ama caaro badeedka.

Mulxidiinta iyo Gaaladuna waxay ku noolyihiin guri Caaro.

Ilaahay (swt) wuxuu ku shabahay cidii gargaare ka dalbata cidii aan Ilaahay ahayn inuu lamid yahay sidii qof ku dhex nool guri caaro, oo aan dabayl, qabow, kulayl, iyo roob toona celinayn. Mulxidkuna waa sidaas oo kale oo fikradiisa iyo aragtidiisu wuxuu isu haystaa inay tahay fikrad awood badan oo cilmi ku fadhida, hadana marka xaqiiqada la gaadho waxay tahay gabigeeduba sidii guri caaro.