Bismilah, walaalayaal Quraanka Kariimka ah lama koobi karo xikmada ku gudo jirta, hase yeeshee mid midka Ilaahay inoo bidhaamiyey ayaan wax ka qaadanaynaa. Walaalayaal, bal aynu wax ka barano xikmadan  rabaniga ah ee kusoo arortay Surada sagaal iyo tobnaad ee suratu Maryam.

Walaalayaal, suuradan waxyaalaha ay ka warranto waxa kamid ah qisadii dhalashadii nabigii Ilaahay ee Ciise Ilaahay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha yeele. Walaalayaal, wuxuu nabigaasi dhashay isagoon aabo lahayn, waana qudrada iyo awooda Ilaahay inuu abuuro wuxuu Rabi doono, siduu u doono.

Hadaba Nabi Ciise hooyadii Maryama markay foolanaysay waxa lasoo darista dhibaatooyin farabadan, sida walwal iyo walbahaar ay ka qabtay reer banu Israa’iil oo duraya dhawrsanideeda, sidoo kale murugo wayn ayaa haysatay oo ku saabsan ilmaha ay uurka ku sido oo aan aabo lahayn, waxa intaas u raacday foshii iyo umusha xanuunkeeda ayadoo ahayd gabadh bikro ah oo aan hada kahor ubad dhalin, sidoo kale waxa soo food saaray haraad ama oon farabadan iyo gaajo iyo ayadoo aan haysanin cid caawisa ama ka dhalisa. SubxaanAllah, waxa isugu yimid dhibaatooyinkii Aduunka, kolkaas ayey tamaniday inay dhimato ama ay ka jeclaan lahayd xaalada ay ku jirto in aanay Aduunkaba waligeed cagta dhigin.

Walaalayaal, maadaama dhibaatooyin farabadan ay isugu yimaadeen Maryama waxa faraj khayr qaba u furay Rabigeed, oo ugu bishaareeyey inaanay murugoon, sidoo kalena la horkeenay cabitaan iyo cuntoba. Bal aynu fiirino qaabka Quraanka Karimka ah uu uga faaloonayo dhacdaas, iyo sida loo kala horu marinayo xalinta dhibaatooyinka haystay Maryama Ilaahay raali haka ahaadee.

فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَـٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا ﴿٢٣ فَنَادَاهَا مِن تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا ﴿٢٤ وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا ﴿٢٥﴾ فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَـٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا ﴿٢٦﴾ 

Waxay dhibtii fooshu ku qabatay xaga jirrid timireeda, waxayna tidhi alle shallaytadaydeey bal maan dhinto hadda kahor oon noqdo mid la ilaawo oo laga tago. (23) Wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin, xaqiiqdii wuxuu yeelay rabigaa hoostaada wabi yar. (24) Waxaanada gilgishaa jirrida timirta haku soo daadiso korkaaga timir curdina oo fiican. (25) Ee Cun, cab oo indho doogso, haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan u nadray (Rabiga) Raxmaanka inaan u soomo oonan la hadlin maanta cidna. (26)

Walaalayaal, ugu horeyn Maryaa waxa lagu dhahay ha murugoon, markay murugadii iyo dhibkii hada kahor soo maray laga nasiyey ayaa loogu bishaareeyey wabi biyo ah oo hoosteeda soconaya, kadibna waxa la faray inay gilgisho geed timireeda si ay ugu soo daato korkeeda timir curdin ah oo wanaagsan.

Qaabka loo kala horumariyey bishaarooyinkii Maryama loogu bishaareeyey.

  1. Ha murugoon.
  2. Rabigaa ayaa hoostaada yeelay wabi yar (cabitaan).
  3. Gilgil jirrida geed timireeda, waxa soo daadan timit curdina (cunto).

Intaas kadib Maryama, Ilaahay raali haka ahaadee, way kala dagtay oo way xasishay. Markay is dajisay ka gadaal ayaa la faray hadana sadex farriimood, oo lasoo kala horumariyey.

Qaabka loo kala horumariyey farriimihii Maryama la faray:

  1. Cun (cunto).
  2. Cab (cabitaan)
  3. Indho doogso (farxad)
  4. Wixii dad kaasoo horbaxana hala hadlin, waxa ku difaacaya ilmahaaga (nabi Ciise).

SubxaanAllah, wax cajiiba in wixii ugu danbeeyey ee loogu bishaareeyey uu ahaa cuntada, hadana markii la faray fariimaha waxa loogu soo horeysiiyey cuntada inay cunto, kadibna biyaha ay cabto, markay dharagtana ay ku indho doogsato ilmaheeda, sidoo kalena aanay mustaqbalkana ka cabsanin dadka maxaa yeelay waxa sharafteeda difaacaya ilmaheeda yar, oo qaab mucjiso ah ku hadlaya.

Maxaan ka faa’idnay xikmadan rabaaniga ah:

  • Hadii aad aragto qof dhib ay haysato, waa inaynu ugu horeyn dajinaa oo murugada ka faydnaa, kadibna aan ugu bishaaraynaa cabitaan iyo cunto.
  • Marka qalbiga ruuxaasi uu dagana waxaan ku macsuumaynaa cuntada, kadibna cabitaanka, ugu danbayna waxaan u sheegayna war farxad leh oo ah inaan ka caawinayno arrimaha haysta ruuxaas.
  • Waxa kale oon ka faa’idaynaa in hooyada foolanaysa la siiyo timirta curdinka, si ay tamarteedii ay dib ugu soo laabato. Maxaa yeelay Maryamaba markay foolatay way dhiigbaxday sida haweenka caadiga ah ay u dhalaan ilmaha, sidaas awgeed ayaa Rabi u fudaydiyey geed timireed ay ka cunto timirta, sababtuna waxa weeye timirtu waxay kamid tahay midhaha ugu fiican ee jidhka usoo celiya tamarta iyo awoodaba sida ugu dhakhsaha badan. Dhanka kale timirtu waxay ka qaybqaadataa dhiig joojinta iyo caabuq daweynta.

Ugu danbeyn aayadanaha waxa ku duugan cilmi balaadhan oo aan lasoo koobi karayn, waxayna ka markhaati kacaysaa mucjisooyinka Quraanka ee cilmiga ama sayniska ah ee kusoo arooray Quraanka Kariimka ah.

Tusmo

WD Abdulaziz Mohamed Oogle


Quraanka Kariimka ah, suurada Maryma, aayadaha 23 ilaa 26.

Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, ee Ibnu Kathiir.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.