وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ

” Eebana wuxuu ku dhaartay Samada soo celcelinta leh” Suurada 86aad Daariq, Aayada 11aad.

وَجَعَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ سَقۡفً۬ا مَّحۡفُوظً۬ا‌ۖ وَهُمۡ عَنۡ ءَايَـٰتِہَا مُعۡرِضُونَ

“Waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan”  suurada 21aad Al-anbiya Aayada 33 aad.


Samada waa Sanqaaf wax ilaaliya.

Shaqooyinka Samada waxa ka mida inay soo celceliso biyaha (roobka) hase ahaatee Xaqu (S.W.T) muusan dhihin (والسماء ذات المطر) Samada biyaha soo celisa, laakiin waxa uu isticmaalay kalmad aad u xeel dheer oo cilmi badan ku dheehan yahay. subxaanallah. Samadu ma soo celiso roobka oo kaliya ee waxay soo celisaa waxyaalo badan oo aan sharixi doono inshallah.

Daboolka Dhulka waxa uu ka koobanyahay dhawr dabaq:-

  • Dabaqa ugu hooseeya (1aad) Troposphere. Dabaqan waxa uu soo celiyaa uumiga biyaha ee ka baxa dhulka waxayna ka dhigtaa Roob awooda Eebe awgeed, kadibna dib ayey ugu soo laabtaan dhulka. Biyuhu waxay ka uumi baxaan badaha iyo dhamaan xayawaanada nool, markaa uumigaa ayaa sare u kacaya kadibna gaadhaya dabaqan Troposphere. Dabaqan waxa uu dhulka ka fogyahay 18km waana dabaq qaboow oo heerkulkiisu  gaadha( – 70). Sidoo kale dabaqan waxa uu qaboojiyaa habeenkii falaadhaha ka yimaada qorraxda maalintii. Xilliga habeenka ee ay Qorraxdu maqantahay waxay dhagxaanta dhulku sii daayaan falaadhihii ilayska ee ay ka nuugeen qorraxda maalintii, kadibna sare ayey u kacaan dabadeedna dabaqadan ayaa dib usoo celisa. Hadii dabaqadani aanay soo celin lahayn xaraarada ilayska ee dhagxaantan waxa qabow dartii istaagi lahaa nolosha aduunka. markaa naxariista Eebe waxa uu inoo abuuray dabaqadan oo soo celinaysa xaraarada dhulka.

Picture44
Picture45

  • Dabaqadaha 4aad, 5aad iyo 6aad (Ionosphere). Dabaqadahani waxay dhulka kusoo celiyaan mawjadaha radiyaha (Radio) gaar ahaan mawjadaha dhaadheer iyo qaar ka mida mawjadaha gaagaaban, sidoo kale waxay gudbisa mawjadaha dhulka ka baxa ee qabta dhulka dibadiisa (Qamar sinaaciga). Hadii aan dabaqadahani jiri lahayn lama awoodi lahayn in dadku ay isticmaalaan Radio, Tv, Internet iwm.
  •  Dabaqada 7aad (Magnetosphere) waa dabaqada Ozonka ee celisa falaadhaha dhibta u keenaya dhulka iyo noolaha kuwaas oo ka imanaya Qorraxda iyo xidigaha kale.

Iskusoo wada duuboo Xaqu (S.W.T) waxa uu aayadahan inoogu mano sheegtay in samda sanqaaf leedahay ilaalisa dhulka, sidoo kale ay inaga celiyaan waxyaalaha dhibta u keeni kara nolosha aduunyada. Waxaana mucjiso layaable ah in samadu aanay soo celin oo kaliya Roobka ee ay soo celiso waxyaalo badan, sidaa awgeed ayuu xaqu leeyahay

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ

Hadaba walaal yaa uga waramay Nabi Muhamed (N.N.K.H) cilmigan aadka ulayaabka leh ee basharku gaadheen qarnigan aan ku jirno. Ku salliya rasuulka (N.N.K.H).