{وَالسَّمَاء وَالطَّارِقِ وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ النَّجْمُ الثَّاقِبُ }

Eebe waxa uu ku dhaartay Samada iyo xidigaha guurguura (garaacma). Ma taqaana xidiga guura (garaacma). Waa xidiga dusa (Ifa).

Eebe kor ahaayee waxa uu aaydahan sharafta leh ku dhaartay xidig guurguura, hadana leh dhawaaq sida qof guri garaacaya, sidoo kalena ifa oo dusa. Xidigan oo dhowaan daaha laga qaaday ayey culumada ugu magac dareen (cosmic hummer). oo macnaheedu yahay xidiga sida dubaha ama mandaraqa ah. Kaas oo sameeya codka dube meel lala dhacayo ama qof albaab garaacaya. Hadaba xidigan ay culumadu dhowaan ogaadeen ayaa Eebe ka waramay 1400 oo sano kahor.