Dhacdo layaableh ayaa ka dhacday wadanka Brazil sanadkii 2010 kii  iyo gobolka Hawaii arrintaas oo mar kale soo laabatay laguna arkay Wadanka Australia. Dhacdadu waxa weeye Dabayl hoosta ku wadata dab ayaa haleeshay wadanka Australia. Culumadu waxay gundhigeen arrintan si qaab cilmiyeysan sanadkii 2003 dii, wixii ka horeeyey sanadkii 2003 dii dadku way sheegi jireen laakiin qaab cilmiyeysan oo dugsiyada gali kara maysan jirin. Waxa la yaabka leh waxa weeye Daybayl hoosta ku wadata Dab ama Naar gubaysa waxa kasoo hor baxa. SubxaanAlah, waxa Cajiiba in arrintan ay culumadu ogaadeen dhawr sano ka hor, halka Ilaahay (S.W) inooga waramay 1400 oo sano ka hor. Alle waxa uu leeyahay aayada 266 Suurada Baqara.

أَيَوَدُّ أَحَدُكُمْ أَن تَكُونَ لَهُ جَنَّةٌ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الأَنْهَارُ لَهُ فِيهَا مِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ وَأَصَابَهُ الْكِبَرُ وَلَهُ ذُرِّيَّةٌ ضُعَفَاءفَأَصَابَهَا إِعْصَارٌ فِيهِ نَارٌ فَاحْتَرَقَتْ كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللّهُ لَكُمُ الآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَتَفَكَّرُونَ [2:266

{Ma jecelyahay midkiin inay u ahaato Beer Timir iyo Cinabyo ah oy dareeri dhexdeeda Wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo Midho ah ayna hayso Da’weyni uuna leeyahay Carrur tabaryar oo markaas beertii Assiibto (ku dhacdo) Dabayl daran oo dab ku dhexjiro oo Gubatay Beertii  Saasu Eebe idiinku cadeeyaa aayaadkiisa si ad u fikirtaan.}

Waxa yaab leh  qaabka uu Quraanku u qeexay dabaysha (Dabayl Dab ku dhexjiro), SubxaanAllah, hadana markaad daawato muuqaalka waxaad arki dabka oo ku dhexjira Dabaysha. Magaca ay Culumadu u bixiyeen waa (Fire Tornado) oo macnaheedu yahay dabayl wadata Dab balse waxa ka haboon sida Quraanku u qeexay Dabayl dab ku dhex jiro.

Xigasho: Kaheel, National geographic.

WD: Abdulaziz Oogle