Muxuu Nabi Muhamed (N.N.K.H) u guursaday haween badan ayadoo Raga muslimka ah loo ogolyahay Afar haweem oo kaliya?

Marka koowaad Aayada xarimaysa inaan la guursan Afar haweena wax ka badan waxay soo degtay Nabiga oo qaba Sagaal haweena, sidaa darteed muusan furikarayn xaasaskiisa, sida saxaabadii qabay haween ka badan Afar ay u fureen. Sababtuna waxa weeye Eebe (SW) ayaa Xaasaska Nabiga ka xarimay inay guursadaan cid kale isaga ka gadaal. Haweenka Nabigu waxay ahaayeen Hooyooyinka Mu’miniita umanaysan banaanayn inay cid kale guursadaan. Sida Allah ku leeyahay Suurada Axzaab:6

{النبي اولى بالمؤمنين من انفسهم وازواجه امهاتهم  }

{Nabigaa uga Roon (Turid badan) Mu’miniinta Naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood….} sidoo kale waxa u daliila in haweenka Nabigu cid kale gadaashii aanay guursan karin aayada 53aad ee suurada 33aad Axzaab.

{وما كان لكم ان تؤذوا رسول الله ولا ان تنكحوا ازواجه من بعده ابدا ان ذلكم كان عند الله عظيما}

{….xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe agtiisa}

Hadii uu Nabigu furo Xaaskiisa xagay qabanayaan? Sidoo kale hadii uu Nabigu furo waxay arrintaasi ku keenaysaa murugo badan iyo dhibaato hor leh oo lasoo darsaysay haweenka iyo ehelkeedaba. Rasuulka Ilaahayna wuu ka duwanyahay dadka Muslimiinta ah, sababtoo ah Ilaahay ayaa leh “Adeeca Ilaahay iyo Rasuulkiisa” markaa hadii uu Rasuulku caroodo waxa caroonaya Allah (SW) oo waxay noqon arrin macsi ah.
Su’aasha kale ee ayaduna muhiimka ah waxa weeye Muxuu Rasuulku u guursaday Dumarka badan? Waxa Rasuulka amray Ilaahay, laakiin ka hor intaynaan ka jawaabin, waxaan waydiinaynaa cida ismoodsiiskani ku jiro, shahwada guurdoonka iyo dumarku ma waxay badantahay marka uu qofku dhalin yarada yahay mise markuu waynaado ee uu gaadho da’da kontonaadka. Hadii ay tahay sida gaaladu buunbuuninayaan ee Nabiguuna dumarka ayuu jeclaa. waxaan waydiinaynaa hadii ay arrintaasi dhabtahay Muxuu Nabigu u guursan waayey dumar badan intuu da’da yaraa!!? Nabigu waxa uu qabay Khadiija (I.R.H) mudo Shan iyo Labaatan sano ah, manuusan la guursan cid kale, Khadiijina waxay Rasuulka ka waynayd 15 sano. Dumarka kale waxa uu Rasuulku guursaday markay Khadiija geeriyootay gaar ahaan markay da’diisu ahayd 53 sano.

Rasuulku (N.N.K.H) waxa uu ku mashquulsanaa fidinta dacwada, Jihaad, Salaada habeenka iyo inuu soo dhoweeyo wafdiyada u yimaada iyo inuu iska caabiyo dhagarta Yahuud iyo Munaafiqiinta iyo Qabiilooyinka kale ee jiiraanka la ahaa iyo arrimo badan oo kale. Hadaba Ma Nabiga oo sidaas u mashquulsan oo da’daana jooga ayaa waqti u hayey inuu dumar u xiiseedo!! Waxa intaa dheer sida Rasuulka Ilaahay uga saahiday aduunyada, waxa uu caloosha ku xiran jiray dhagxaan gaajo awgeed sidoo kale guryihiisa dab laguma shidi jirin sadex bilood oo isku xiga, waxa intaa dheer inuu Nabigu (N.N.K.H) uu aad usoomi jiray oo isagu sadex casho oo isku xiga ayuu qatanaan jiray. Waxaas oo hawla oo Rasuulka Allah ka masuul ahaa ayaad leedihiin dumar ayuu xiiseynayey!!! Xujada kale waxay tahay hadii Ruuxu xiiseeyo haweenka, ma waxa uu jecelyahay dumar bikro ah mise kuwo hore loo soo guursaday (carmal/garoob)? Haweenkii Rasuulka (N.N.K.H) dhamaantood marka laga reebo Caasha waxay ahaayeen dumar garooba oo hore loo soo guursaday. Xitaa kuwo ka mida xaasaskiisa way ka cimri weynaayeen Nabiga sida Khadiija, Sawda iyo Saynab bintu Khusayma (Ilaahay raali ha ka ahaado dhaamaantoodba).

Sida caadiga ah, qofka dumarka aadka u xiiseeya wuxuu jecelyahay dumarka aan cid hore soo guursan iyo inay dumarku ku labistaan maryo qurux badan laakiin xaasaskii Nabiga (N.N.K.H) umaysan suurto galayn inay is qurxiyaan ama maryo qurxoon gashtaan.
Xitaa markay xaasaskii Nabigu dalbadeen in biilka iyo nafaqada loo kordhiyo ayaa Eebe Rasuulkiisa u waxyooday inay kala doortaan in la furo iyo inay kula noolaadaan Nabiga nolosha aadka u adag. Waxana Allah leeyahay Suurada 33 aad ee Axzaab aaydaha 28-29.

{يا ايها النبي قل لازواجك ان كنتن تردن الحياة الدنيا وزينتها فتعالين امتعكن واسرحكن سراحا جميلا}

{وان كنتن تردن الله ورسوله والدار الاخرة فان الله اعد للمحسنات منكن اجرا عظيما}

{Nabiyow ku dheh Haweenkaaga haddaad tihiin kuwo dooni Nolosha adduunyo iyo Quruxdeeda kaalaya waan idin gacan marin si quruxsanna idiinsiideyne (28) Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Daartii Aakhiro Eebe wuxuu u diyaariyey Haweenka wanaagga fala oo idinka mid ah ajar wayn.(29)}

Markuu Allah soo dajiyey aayadan ayaa Xaasaskii Nabiga dhamaantood ay doorteen Ilaahay iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro. Markaasay Eebana raali ku noqdeen, Eebana raali ka noqday.Guurkasta oo Nabigu guursaday haweenkiisa waxay lahayd sabab, waayo waxay ahayd amarkii Ilaahay. Bal aan wax ka tilmaamno sababihii uu Nabigu (N.N.K.H) ku aroosay haweenkiisa.

Hadii aan ku bilowno Marwadiisa Sawda bintu Samaca (I.R.H) waxa geeriyooday Ninkeedii sidoo kalena Ehelkeedu waxay ahaayeen gaalo, cimrigeedun waxa uu ahaa 66 (Lix iyo lixdan sano). Su’aasha meesha imanaysaa waxa weeye, Rasuulka oo masuul ka ahaa muslimiinta, Ma waxa uu ka tagaa ayada iyo ubadkeeda oo dayacsan, eheelkeeduna yihiin gaalo? Sidoo kale guurka Rasuulku guursaday ma waxa weeye xiiso dumareed oo hayey Nabiga ayadoo isga ka cimri wayn (waxay ka weynad Rasuulka 15 sano)!!
Guurka uu Rasuulku guursaday Caasha bintu Abubaar (I.R.H) waxa uu Rasuulku ku arkay riyo inay tahay xaaskiisa. Nabiguna (N.N.K.H) waxa uu yidhi: (Hurdada ayaa laygu kaa tusay laba jeer, waxaan arkay Nin kugu sida dacal xariira oo dhahaya: Tani waa xaaskaagii, waanan daahfuray, mise waa Adiga. Aniguna waxa dhihi hadii ay xaga Eebe ka sugnaatey way ahaan) [Sahih Al-Jamic 915]
Guurka Caasha iyo Xafsa waxa Nabigu (N.N.K.H) ku sharfayey aabayaashood, Abubakar iyo Cumar, maadaama ay ahaayeen labadiisii Wasiir.

Marwadii Nabiga ee Umu Salama oo magaceedu yahay (Hinda bintu abi Umaya bin Almuqiira) waxay ka mid ahayd asxaabtii hijrootay labada jeer (Dhulka Xabashida iyo Madiina) kadibna waxa ka geeriyooday Ninkeedii Abusalama (I.R.H) isaguna sharaf ayuu ku lahaa Rasuulka agitiisa. Waxaanu ka tagay ubad agoomo ah una baahan cid taakulaysa oo caawisa, markaas ayuu Nabigu (N.N.K.H) guursaday Umu Salama isagoo ku sharfaya samirkeeda iyo inay ka mid ahayd dumarkii ugu hor islaamay, sidoo kalena masuul ayuu Nabigu ka noqday ubadkii Abasalama oo isaguna wuxuu ku ducaysanjiray in xaaskiisu guursato isaga gadaashii cid ka khar badan. Waliba si aan usii cadayno inaanu Nabigu xiiso Dumar aanay hayn… Habeenkii uu aroostay ayuu waayey caruurteedii, markaasuu waydiiyey xagay qabteen? Markaasbay u sheegtay inay aadeen abtigood. Nabigu raali kamuusan noqon ee wuxuu amray in lasoo celiyo ubadka, waxaanu yidhi: (Qofka kala fogeeye hooyo iyo caruurteeda, Eebe hakala fogeeyo isaga iyo ciduu jecelyahay maalinta qayaame). [Sunan Tarmidi, Sahihi Aljamic 6412] Nabiguna (N.N.K.H) wuu soo dhowayn jiray caruurta, oo dhabtiisa ayuu fadhiisin jiray waanu ciyaarsiin jiray Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Marwadii Nabiga ee Umu Xabiiba, magaceeduna yahay (Ramla bintu abi Sufyaan) Waxay aabaheed iyo walaalkeed kala kulantay dhib badan, kadibna waxay u hijrootay ayada iyo Ninkeeduba dhulka Xabashida, Markay  halkaa tageen ayuu Ninkeedii gaaloobay, kalina way dareentay kadibna Nabiga ayaa soo doonay oo waxa isu guuriyey boqorkii Xabashida (Najaashi). Hadii ay ku laaban lahayd Reerkoodii waxay dhadhamin lahayd cadaab daran.

Marwadii Nabiga (N.N.K.H) ee Saynab bintu Jaxshi (oo ay dhashay Nabiga Eedadii) waxa u guuriyey Ilaahay, si loo soo afjaro in ubadka la korsaday aanay ahayn sida kuwa aad dhashay, arrinkaas oo si wayn ugu baahsanaa carabta Islaamka ka hor.
Marwadii Nabiga (N.N.K.H) ee Juweyriya bint Alxaaris waxay ka mid ahayd dadkii la qabtay dagaalikii Bani Musdaliqa, aabaheed Xaaris ibnu Diraarna waxa uu ahaa hogaamiyaha qabiilkiisa. Markuu Rasuulku (N.N.K.H) ku laabtay Madiina ayaa aabiheed ka daba yimid isagoo raba inuu ku soo furto gabadha uu dhalay ee (Juweyriya) tiro geela. Intuu jidka sii socday isagoo maraya meel la dhaho (Caqiiq) ayuu fiiriyey geela waxaana cajab galisay laba halaad kadibna waa qariyey. Dabadeedna Nabiga ayuu u yimid oo ku dhahay: “Waxaad qabsateen inantaydii, geelkana waan ku furanayaa” markaasba Rasuulkii Ilaahay ku dhahay: “Meeye labadii halaad ee aad ku qarisay Caqiiq gaar ahaa labada buured dhexdood?” Xaaris waxa uu dhahay: “Ilaahbaan ku dhaartee cidi imaysan arkaynin, ee waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Allah” kadibna Nabigaa ka dalbaday inuu u guuriyo inantiisa (Juweyriya). Bal u fiirso sida loo sharfay ayada iyo aabaheed markuu Islaamay. Kaliya muusan xoraynin ee wuu guursaday Rasuulku (N.N.K.H). Sidoo kale barako ayey qabiilkeeda u noqotay oo saxaabadii Rasuulku way wada xoreeyeen dhamaan cidii ay hayeen ee reer Bani Musdaliqa, ayagoo ixtiraamaya xididka Rasuulka (N.N.K.H). Waxayna ahaayeen ku dhowaad boqol qof.
Marwadii Nabiga ee Saynab bintu Khusayma way ka cimri waynayd Nabiga (N.N.K.H), Ninkeeduna wuxuu ku shahiiday dagaalkii Uxud, manaysan haysan cid daryeesha, kadibna Rasuulkii Eebe ayaa aroostay, waxaana loogu yeedhi jiray hooyada masaakiinta maadaama ay aad ugu roonayd dadk masaakiinta iyo fuqurada.
Marwadii Nabiga ee Safiya bintu Xuyay bintu Akhdab oo ahayd Yahuudiyad, waxa lagu qabtay dagaalkii Khaybar, halkaas oo lagu dilay Ninkeedii, aabaheed, adeerkeed iyo walaalkeed. Nabigu inta uu xoreeyey ayuu guursaday, waxaanu uguursada isagoo sharfaya una naxariisanaya. Oo ayadu (Safiya) maxay u guursatay Nabiga ayadoo ehelkeeduba ku dhinteen dagaal aya kaga soo horjeedeen Nabiga? Sababtoo ah hore ayey u aragtay riyo ayadoo dayaxu dhabteeda kusoo dhacay, markay u sheegtay Aabaheed iyo adeerkeed ayuu dhirbaaxay adeerkeed oo ku dhahay: “Ma waxaad rabtaa inaad guursato Nabiga Carabta?

Xikmada uu Nabigu u guursaday haweenkan ayaa ah inuu ayaga iyo Ehelkoodaba jeclaysiiyo Islaamka. Sida aan wada ogsoonahay dhamaan haweenkii Nabigu waxay geeriyoodeen ayagoo Muslimiin ah, hadii ay tahay arrinku sida gaalada neceb Rasuulka Allah ay sheegaan ee ay leeyihiin dumarku way cabsanayeen, maxay diinta uga noqon waayeen markuu Rasuulku geeriyooday?. Mida kale dhamaantood waxay Rasuulka Ilaahay ka wariyeen in waxa uu muujisto iyo waxa uu qarsado ay isku mid tahay, waxayna dhamaantood doorteen in ay noloshaa adag kula noolaadaan Nabiga ayagoo raadacaynaya Janno iyo Rasuulka Allah (N.N.K.H). Guryahaa fara badan ee Rasuulku lahaa waxay keentay in diinta laga fidiyo, lagana barto Rasuulka Akhlaaqdiisa, Edaabtiisa iyo siiradiisa suuban, gaar ahaan arrimaha haweenku ogyihiin sida ruuxa muslimka ah ula dhaqmayo xaaskiisa iyo ehelkiisa.

Gaaladan Kiristanka sheegta ee ka tagay diintii Nabi Ciise (N.N.K.H) waxa ku cad kutubtooda in Nabiyadu guursadeen haween aad u badan. Sida ay ka warinayaan Nabi Daa’uud (N.N.K.H) inuu lahaa haween badan. Sida kusoo aroortay kitaabka Samuu’eelka labaad, cutubka 3aad, faqrada 2-5.
(Oo Daa’uudna wiilal baa ugu dhashay Xebroon. Curadkiisu waxa uu ahaa Amnoon, oo waxa dhashay Axiinoocam tii reer Yesreecaal. Wiilkiisa labaadna waxa uu ahaa Kile’aab, oo waxa dhashay Abiigayiil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Kan sadexaadna wuxuu ahaa Absaloom oo waxaa dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay aha gabadhiisii. Kana Afaraadna wuxuu ahaa Adooniyah oo waxa dhashay Xaggiid. Kan shanaadna wuxuu ahaa Sheftatyaah oo waxa dhashay Abiital. Kan lixaadna wuxuu ahaa Yitreecaam, oo waxa dhashay Ceglaah oo Daa’uud u dhaxday. intaasi waxay Daa’uud ugu dhasheen Xebroon) [Samuu’eel II 3:2-5] Sidoo kale waxa loo ogolaa inuu guursado haween aan xadi lahay. (Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa’uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer bani Israa’iil wuxuu leeyahay, waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer bani Israa’iil u taliya, gacantii Saa’uulna waana ka samaotabixiyey, gurigii sayidkaaguna waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Isra’iil iyo dalkii Yahuudahana waan ku siiyey; oo hadii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kale oo kasii badan.) Samuu’eel II 12:7-8.
Gidcoon oo ay aaminsanyihiin inuu ahaa Nabina, isaguna haween badan ayuu guursaday. (Oo Gidcoon wuxuu lahaa todobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo wuxuu qabay naago badan. Oo naagtiisii addoonta ahaydna oo degenayd Shekem, iyana wiil bay u dhashay, oo wuxuu magaciisii u bixiyey Abiimeleg) [Xaakinnada 8:30-31]
Waxaa kale oo uu Nabi Sulaymaan (N.N.K.H) guursaday Dumar aad u badan sida lagu sheegay sheegay kitaabka labaad ee boqorka cutubka 11aad faqrada 3aad. (Oo wuxu lahaa todoba boqol oo naagood oo marwooyin ah, iyo sadex boqol oo naagood oo addoommo ah: oo naagihiisu qalbigiisa way sii jeediyeen) Hadii ay xaaraan tahay arrintaasina shareecadooda ayaa xaaran ka dhigi lahayd.

Nabi Muhamed (N.N.K.H) xaasaskiisu waxay ahaayen kuwo xadidan, sababtoo Nin kasta oo muslim ah wuxuu karaa inuu guursado kadibna uu furo xaaskiisa, hadana uu guursado kuwo kale oo hadana uu furo, intay doonto ha gaadhee, kaliya waxa lagu shardiyeey Ninka muslimka ah inaanu wada kulmin wax Afar ka badan iyo inaanu guurku ahayn mid ku xidhan waqti go’an. Balse Rasuulkii Ilaahay looma ogolayn inuu guursado kuwo kale, xitaa hadii ay dhintaan.

{لا يحل لك النساء من بعد ولا ان تبدل بهن من ازواج ولو اعجبك حسنهن الا ما ملكت يمينك}

{kuuma banaana Nabiyow Haweenka (kale) mar dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood ula yaabto Quruxdooda waxaad hanato mooyee….}

Ugu danbeyn Gaaladan Kiristanka isku sheega ee ka leexday Diintii Nabi Ciise (N.N.K.H) waxay ogolyihiin in Nabi Sulaymaan guursaday Todoba boqol haweena iyo sadex boqol oo addooma ah, hadii Nabigii Ilaahay guursaday Sagaal haweena oo mid walba ku timid sabab iyo xikmadna xasaasiyadban ka qabnaa ayey ina leeyihiin. Waxaan kusoo gabogabeynayaa maahmaah afsoomaaliya oo dhahaysa tiisaba daryeela tu kale ku dara. Marka hore adigiibaa kala daadsan oo diin Ilaahay qayrkii caabudaysa haysta, goldaloolooyin badana kaa buuxaa ee Libaaxa hurda ha isku toosin.

Qoraalkan inta badan waxaan kasoo xigtay Kitaabka uu qoray shiikh Mohamed Yaasiin ee la dhaho Ruduud Culumaa’ul Muslimiin calaa shubuhaat al mulxidiin wal mustashriqiin. Ilaahaybaa Xaqa og. Naxariis iyo Nabadgalyona ha ahaato Rasuulkii Ilaahay ee Muhamed.

Soo Diyaariyey: Abdulaziz Oogle